Dagaal culus ayaa ayaa bartamaha
magaalda Beledweyne ka qarxay
Buluugleey
June 6, 2005
Dagaal culus oo laysku adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan
ayaa manta ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne. Dagaalku
wuxuu u dhaxeeyaa labadii beelood ee dhawaantan ku dagaalamayey
tuulada Bir Maroodi. Dagaalkan maanta qarxay ayaa weli la ogeyn
inta uu qasaara geystay, inkasta oo la xaqiijiyay in ay ku
dhintyeen 6 qoofood oo ay ka mid yihiin hooyo iyo saddexdeeda
caruur.
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramayaa in weli
rasaastu si goos-goos uga dhaceyso, isku socodka gaadiidkuna uu
joogsaday, dad aad u fara badan aya waxay u qaxaan dhinaca
galbeedka magaalada Beledweyne oo weli dagaalku gaarin.
Sikastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in odaayaal ka soo jeeda
labada beelood si dhaqsi ah u kala dhexgalaan dagaalka ka oogmay
labada beelood ee wada deggan Gobolka Hiiraan.
