Dagaal aad u
ba'an ayaa ka dhacaya deegaanka Raaso, gaar ahaan degmada
Salaxaad ee Somali Galbeed, Dalka Ethiopia.
Buluugleey Jun 16, 2005
Dagaalkan oo ay ku bara kaceen dhammaan dadkii degaanka
Salaxaad iyo Laghida, waxaana ku dhintay sida ay sheegayaan
wararka ka soo baxaya goobta dagaalka dad ku dhow 200 qof,
dhaawacuna intaa ka badan.
Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa beelaha wada dega aaggaas,
wuxuuna bilowday ka dib markii geel laga qaaday midka mid ah
beelaha halkaas ku dagaalamayo. Wararkaloo aanu ka soo xiganay
dad xog'ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalku yahay mid
siyaasadeed oo ay labada qolo isku hayaan dhul deegaaneed.
Dagaaladan ayaa daba socda kuwo marar hore ka dhacay goobtaas.
Dadka deegaanka deggan ayaa sheegaya in ay dagaaladan yihiin
kuwo ay dabada ka hurinayso dowladda Itoobiya oo waayahan danbe
ku hawloon qeybi oo xukun. Dhowaan waxaa lagu gubay baabuur
badan oo laga lahaa Gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyadoo
darawaladii baabuurtaasi waday sheegayaan in la gubay waxii
saarnaa.
Colaadan ayaa ku soo beegantay xilli ay ciidamada Itoobiya ku
sii hub urursanayaan si ay ugu duulaan dalka Soomaaliya, iyadoo
ay ugu tala galeen in dadka ku hoosnool gumeysiga Itoobiya ay
dhexdooda isku mashquulaan inta ay ciidamada ku hawlloonyihiin
weerarka dalka Soomaaliya.
Maxamed Faarax
Jigjiga, Ethiopia
