Dagaalka
Muqdisho oo isku rogey mid u dhexeeya calooshooda u
shaqeystayaal uu soo kireystey Mareykanka iyo Shacabka Muqdisho.
Buluugleey,
May 14, 2006
Dagaaloogayaasha Muqdisho oo
ay dabada ka soo taakuleyneyso Sirdoonka Mareykanka ayaa hub iyo
lacag fara badan la soo galay magaalada Muqdisho, waxeyna dagaal
ku soo qaadeen xaafadihii dadku deganaa oo ay ka jirtey kala
dambeynta iyo garsoorka maxkamadaha.
Maxamed Qanyare ayaa ah ninka
gacanta ku haya agabka dagaalka iyo hantidaba, wuxuuna dagaalka
abaanduuliye uga dhigay Muuse Suudi oo uu uga jeedo in ciidanka
lagu dagaalamayo uu noqdo ciidankiisa, sidaasna uu ku helo
saamiga ugu weynta lacagta laga helo Mareykanka.
Dagaalka waxaa bilaabey Muuse
Suudi wuxuuna ka bilaabey xaafada uu degen yahay, wuxuuna xasuuq
balaaran u geystey dadka rayidka ah oo ay isku heybta yihiin,
kuwaas oo uga hiiliyey xukunka wadaadada, taageero balaarana u
hayey garsoorka Maxkamadaha Islaamka.
Muuse Suudi ayaa sanooyinkii u
dambeeyey waxaa heysatey dhaqaalaxumo wiiqday hogaankiisa, taas
oo keentay in muqaalkiisu dhumo. Lacgta loogu adeegayo Sirdoonka
Mareykanka ayuu Muuse u arkay fursad uu muuqaalkiisa dib ugu soo
celin karo. Isbaheysiga oo aan ka koobneyn rag ka soo jeeda
beelaha waaweyn ayaa u arkay Muuse inuu iyagana u yahay
ciidankii ay ku dagaalami lahayeen, kuna socodsiin lahayeen
mashruucan ay ka heleen Mareykanka.
Muuse wuxuu ka soo jeeda beel
aad u balaaran, wuxuuna qorshuhu yahay in laga helo
maleeshiyooyin calooshooda u shaqeystayaala oo qiimo jaban lagu
kireysto. Waxaana Muuse loo balan qaaday saamiga ugu weyn in
laga siinayo 5 milyan oo doolar oo Sirdoonka Mareykanku uu
dagaalka ku geliyey kooxda Isbaheysiga.
Qasaaraha ugu weyn ayaa soo
gaarey maleeshiyooyinka Muuse Suudi, waxaa lagu qiyaasay in
dagaalka looga diley in ka badan 280, waxaana dhaawac tiro
beeshay ay guryahooda ku hayaan eheladii maleeshiyooyinka. Ma
jirto daawo iyo isbitaal ay isbaheysugu leeyihiin oo ay ku
daweystaan dhaawacooda.
Lacgatii laga soo qaaday
Mareykanka waxey gacanta ugu jirtaa qabqablayaasha, kuwaas oo
madax ahaan inteeda badan lacagta kala qeybsaday, inta ka hartay
waxaa loogu tala galay kirada ciidanka calooshooda u
shaqeystanimda lagu soo qorayo oo ka imanaya inta ugu badan
dhinaca Muuse Suudi kuwaas oo uusan diiwaanka ugu jirin
daryeelka dhaawacooda iyo magdhowga dhimashadooda.
Cabdirashiid Ilqeyte oo
daneynayey inuu xilka ka xayuubsado Indhacada ayaa dadaal ugu
jirey in ciidamada Cabdi Qeybdiid iyo Qanyare ay gacan ku
siiyaan sidii uu weerar ugu qaadi lahaa gobolka Shabeelada Hoose.
Qanyare ayaa duulankaas cabsi
ka qaba haddii uu ku soo jabo inuusan sii joogi karin Dayniile,
Kaaraana uusan magangelyo ku sii joogi karin. Qanyare ayaa ilaa
iyo hadda u muuqda mid afka isaga soofeynaya dagaalka ka jira
Sii-Siida, laakiin ka gaabiyey inuu dagaalka fal ahaan si xoogan
uga soo qeybgalo. Taas oo lagu macneeyey in ciidankiisa oo aan
tiro badneyn uu ku soo kobo difaaca Dayniile oo uusan keligiis
dabooli karin haddii xagiisa loo soo jabo.
Sirdoonka Mareykanka ayaa
qiray in xoogaga ka soo horjeeda Isbaheysiga ay yihiin
dagaalyahan quusiyey dagaaloogayaasha aysana ahayn cudud la
quursan karo, haddana ay noqdeen xooga sadexaad oo ka soo baxay
Muqdisho. Waxaa fashil ku ii socda qorshihii Mareykanka oo ceeb
iyo guuldaro kala kulmay adeegsiga dagaaloogayaasha Muqdisho oo
taakuleyn badan oo loo sameeyey waxba ku soo kordhin waayey.
Hub badan iyo lacag adag waxba
waa ay ka kenni weydey dagaalka Xamar, waxaana cadaatay
jahwareer ku dhacay ciidamadii isbaheysiga oo taas ay muujineyso
in jabka ku dhacay uu aad u weynaa.
Talaabada tan xigta ayaa lagu
macneeyey in dagaalka loo wareejiyo jidadka soo gala Xamar si
dadka Xamar degan loogu adkeeyo maciishada ayna uga horyimadaan
garsoorka maxkamadaha ama ay ku yaraato taageerada buuxda oo ay
shacabka Muqdishu u hayaan wadaadada.
Mareykanka ayaa ka gaabiyey
hanweynidii ay u qabeen qabqablayaasha dagaalka in dowlada
Mareykanka ay dagaalka si buuxda uga soo qeybgasho oo ay circa
iyo badaba ka xoojiso dhinacooda, dhaqaale ay ku barwaaqoobaana
ay ugu soo deeqdo.
Nidaamka lagu maalgeliyo
adeegsiga calooshooda u shaqeystayaalka lagu kireysto ayaa ah in
dowlada Mareykanka ay iska fogeyso magdhow uga yimaada
khasaaraha dagaalka uu u geysto rayidka iyo kuwa la kireysteyba.
Masuuliyada khasaaraha dagaalka ayaa ah waxa ay dowlada
Mareykanka uga gaabsaneyso iney mowqif cad ka qaadato dagaalka
Muqdisho oo ay isku soo koobtay iney fikrad ahaan taageersan
tahay dagaalka lala gelayo qolooyinka muslimiinta diinta ku
dhegen.
Taas waxey miisha ka saartay
in dowlada Mareykanka aysan diyaar u ahayn in qalbkeeda
ciidamada iyo xoogeeda midna aysan diyaar ula ahyn iney uga qeyb
qaadato dagaalka ka jira Muqdisho oo ay u aragto mid ujeedadiisa
ay salka ku heyso awood ku dagaalan.
Waxaa caado u ahayd
qabqablayaasha dagaalka iney si fudud ku helaan guusha dagaalka
isla markaasna ay si buuxda uga muuqdaan wararka Caalamka.
Awoodoodii oo dhan oo ay ku kulmiyeen dagaalka Muqdisho ayaa ku
soo hoobtay natiijo la’aan iyo in la waayo warkooda ku qotomi
jirey cagajugleynta.
Qasaaraha dagaalka soo gaartey
Ciidanka Muuse Suudi ayaa ah qasaaraha ugu weyn oo ilaa iyo
hadda aan meelna la saarin, taasna waxey u muuqataa mida
horseedeysa isku dhac dhexmara Qanyare iyo Muuse. Waxaan shaki
lahyn in qasaaraha dagaalka masuuliyadiisa dusha loo saari doono
Qanyare oo garwadeen u ah shisheeyaha uu hantidooda ku
maalgelyey dhiigii lagu daadiyey dagaalka Muqdisho.
Ma ahan oo keliya awoodii
qabqablayaasha dagaalka oo laba kacleyntii ku soo kiciweysey ee
waxaa meesha ka baxaysa takuleyntii dhaqaale oo ay ka helayeen
been beentii ay hayeen oo ku saleysneyd la dagaalanka
argagixisada. Waxaa hadeerba muuqata in dowlada Mareykanka ay ka
sii fogaaneyso dagaalka ka jira Muqdisho oo aysan dooneyn iney
raad buuxda ku yeelato.
Haddii la waayo dhaqaalaha
Mareykanka dagaaloogayaasha Xamar imisa ayey sii wadi karaan
dagaalka ay kula jiraan shacabka Muqdisho, khasaaraha ay
geysteena ma awoodaan iney ka bixiyaan magdhow buuxda, taas
waxey u muuqataa mid sababeysa in lagu dhaco xoolaha ay iska
leeyihiin xubnaha Isbaheysiga dhisay oo isugu jira ganacsato iyo
dagaaloogayaal.
