Dagaalka Muqdisho oo isku rogey mid u dhexeeya calooshooda u shaqeystayaal uu soo kireystey Mareykanka iyo Shacabka Muqdisho.

 

Buluugleey, May 14, 2006

 

Dagaaloogayaasha Muqdisho oo ay dabada ka soo taakuleyneyso Sirdoonka Mareykanka ayaa hub iyo lacag fara badan la soo galay magaalada Muqdisho, waxeyna dagaal ku soo qaadeen xaafadihii dadku deganaa oo ay ka jirtey kala dambeynta iyo garsoorka maxkamadaha.

Maxamed Qanyare ayaa ah ninka gacanta ku haya agabka dagaalka iyo hantidaba, wuxuuna dagaalka abaanduuliye uga dhigay Muuse Suudi oo uu uga jeedo in ciidanka lagu dagaalamayo uu noqdo ciidankiisa, sidaasna uu ku helo saamiga ugu weynta lacagta laga helo Mareykanka.

Dagaalka waxaa bilaabey Muuse Suudi wuxuuna ka bilaabey xaafada uu degen yahay, wuxuuna xasuuq balaaran u geystey dadka rayidka ah oo ay isku heybta yihiin, kuwaas oo uga hiiliyey xukunka wadaadada, taageero balaarana u hayey garsoorka Maxkamadaha Islaamka.

Muuse Suudi ayaa sanooyinkii u dambeeyey waxaa heysatey dhaqaalaxumo wiiqday hogaankiisa, taas oo keentay in muqaalkiisu dhumo. Lacgta loogu adeegayo Sirdoonka Mareykanka ayuu Muuse u arkay fursad uu muuqaalkiisa dib ugu soo celin karo. Isbaheysiga oo aan ka koobneyn rag ka soo jeeda beelaha waaweyn ayaa u arkay Muuse inuu iyagana u yahay ciidankii ay ku dagaalami lahayeen, kuna socodsiin lahayeen mashruucan ay ka heleen Mareykanka.

Muuse wuxuu ka soo jeeda beel aad u balaaran, wuxuuna qorshuhu yahay in laga helo maleeshiyooyin calooshooda u shaqeystayaala oo qiimo jaban lagu kireysto. Waxaana Muuse loo balan qaaday saamiga ugu weyn in laga siinayo 5 milyan oo doolar oo Sirdoonka Mareykanku uu dagaalka ku geliyey kooxda Isbaheysiga.

 

Qasaaraha ugu weyn ayaa soo gaarey maleeshiyooyinka Muuse Suudi, waxaa lagu qiyaasay in dagaalka looga diley in ka badan 280, waxaana dhaawac tiro beeshay ay guryahooda ku hayaan eheladii maleeshiyooyinka. Ma jirto daawo iyo isbitaal ay isbaheysugu leeyihiin oo ay ku daweystaan dhaawacooda.

 

Lacgatii laga soo qaaday Mareykanka waxey gacanta ugu jirtaa qabqablayaasha, kuwaas oo madax ahaan inteeda badan lacagta kala qeybsaday, inta ka hartay waxaa loogu tala galay kirada ciidanka calooshooda u shaqeystanimda lagu soo qorayo oo ka imanaya inta ugu badan dhinaca Muuse Suudi kuwaas oo uusan diiwaanka ugu jirin daryeelka dhaawacooda iyo magdhowga dhimashadooda.

 

Cabdirashiid Ilqeyte oo daneynayey inuu xilka ka xayuubsado Indhacada ayaa dadaal ugu jirey in ciidamada Cabdi Qeybdiid iyo Qanyare ay gacan ku siiyaan sidii uu weerar ugu qaadi lahaa gobolka Shabeelada Hoose.

 

Qanyare ayaa duulankaas cabsi ka qaba haddii uu ku soo jabo inuusan sii joogi karin Dayniile, Kaaraana uusan magangelyo ku sii joogi karin. Qanyare ayaa ilaa iyo hadda u muuqda mid afka isaga soofeynaya dagaalka ka jira Sii-Siida, laakiin ka gaabiyey inuu dagaalka fal ahaan si xoogan uga soo qeybgalo. Taas oo lagu macneeyey in ciidankiisa oo aan tiro badneyn uu ku soo kobo difaaca Dayniile oo uusan keligiis dabooli karin haddii xagiisa loo soo jabo.

 

Sirdoonka Mareykanka ayaa qiray in xoogaga ka soo horjeeda Isbaheysiga ay yihiin dagaalyahan quusiyey dagaaloogayaasha aysana ahayn cudud la quursan karo, haddana ay noqdeen xooga sadexaad oo ka soo baxay Muqdisho. Waxaa fashil ku ii socda qorshihii Mareykanka oo ceeb iyo guuldaro kala kulmay adeegsiga dagaaloogayaasha Muqdisho oo taakuleyn badan oo loo sameeyey waxba ku soo kordhin waayey.

 

Hub badan iyo lacag adag waxba waa ay ka kenni  weydey dagaalka Xamar, waxaana cadaatay jahwareer ku dhacay ciidamadii isbaheysiga oo taas ay muujineyso in jabka ku dhacay uu aad u weynaa.

 

Talaabada tan xigta ayaa lagu macneeyey in dagaalka loo wareejiyo jidadka soo gala Xamar si dadka Xamar degan loogu adkeeyo maciishada ayna uga horyimadaan garsoorka maxkamadaha ama ay ku yaraato taageerada buuxda oo ay shacabka Muqdishu u hayaan wadaadada.

 

Mareykanka ayaa ka gaabiyey hanweynidii ay u qabeen qabqablayaasha dagaalka in dowlada Mareykanka ay dagaalka si buuxda uga soo qeybgasho oo ay circa iyo badaba ka xoojiso dhinacooda, dhaqaale ay ku barwaaqoobaana ay ugu soo deeqdo.

 

Nidaamka lagu maalgeliyo adeegsiga calooshooda u shaqeystayaalka lagu kireysto ayaa ah in dowlada Mareykanka ay iska fogeyso magdhow uga yimaada khasaaraha dagaalka uu u geysto rayidka iyo kuwa la kireysteyba. Masuuliyada khasaaraha dagaalka ayaa ah waxa ay dowlada Mareykanka uga gaabsaneyso iney mowqif cad ka qaadato dagaalka Muqdisho oo ay isku soo koobtay iney fikrad ahaan taageersan tahay dagaalka lala gelayo qolooyinka muslimiinta diinta ku dhegen.

 

Taas waxey miisha ka saartay in dowlada Mareykanka aysan diyaar u ahayn in qalbkeeda ciidamada iyo xoogeeda midna aysan diyaar ula ahyn iney uga qeyb qaadato dagaalka ka jira Muqdisho oo ay u aragto mid ujeedadiisa ay salka ku heyso awood ku dagaalan.

 

Waxaa caado u ahayd qabqablayaasha dagaalka iney si fudud ku helaan guusha dagaalka isla markaasna ay si buuxda uga muuqdaan wararka Caalamka. Awoodoodii oo dhan oo ay ku kulmiyeen dagaalka Muqdisho ayaa ku soo hoobtay natiijo la’aan iyo in la waayo warkooda ku qotomi jirey cagajugleynta.

 

Qasaaraha dagaalka soo gaartey Ciidanka Muuse Suudi ayaa ah qasaaraha ugu weyn oo ilaa iyo hadda aan meelna la saarin, taasna waxey u muuqataa mida horseedeysa isku dhac dhexmara Qanyare iyo Muuse. Waxaan shaki lahyn in qasaaraha dagaalka masuuliyadiisa dusha loo saari doono Qanyare oo garwadeen u ah shisheeyaha uu hantidooda ku maalgelyey dhiigii lagu daadiyey dagaalka Muqdisho.

 

Ma ahan oo keliya awoodii qabqablayaasha dagaalka oo laba kacleyntii ku soo kiciweysey ee waxaa meesha ka baxaysa takuleyntii dhaqaale oo ay ka helayeen been beentii ay hayeen oo ku saleysneyd la dagaalanka argagixisada. Waxaa hadeerba muuqata in dowlada Mareykanka ay ka sii fogaaneyso dagaalka ka jira Muqdisho oo aysan dooneyn iney raad buuxda ku yeelato.

 

Haddii la waayo dhaqaalaha Mareykanka dagaaloogayaasha Xamar imisa ayey sii wadi karaan dagaalka ay kula jiraan shacabka Muqdisho, khasaaraha ay geysteena ma awoodaan iney ka bixiyaan magdhow buuxda, taas waxey u muuqataa mid sababeysa in lagu dhaco xoolaha ay iska leeyihiin xubnaha Isbaheysiga dhisay oo isugu jira ganacsato iyo dagaaloogayaal.


 HOME