Col. C/Llahi
Yusuf Oo Hoy La’aan Ku Soo Dhacay, Dantuna Biday Inuu Meereysto
Gobolka Bari Iyo Nairobi Inta Baydhabo Looga Diyaarinayo Hoy
Cusub iyo Maxamed Dheere, Geeddi iyo Jurille Oo Ka Shaqeynaya
Inuusan Helin Hoygaas Cusub.
Buluugleey,
February 4, 2006
Col. C/llahi
Yusuf oo ka soo shaqeeyey in Shariif Xasan uu ku kulansiiyo
xubnaha barlamaanka magaalada Baydhabo ayaa ku soo dhacay hoy
la’aan kadib markii Maxamed Dheere ay u caadatay sida Col. C/llahi
uu uga abaal dhacay martigelintii qurxooneyd ee dadweynaha
Jowhar ay ku garab istaageen kooxda taageersan siyaasada Col. C/llahi.
Siyaasad ahaan Col. C/llahi ayaa aad uga fekerey inuu kala
doorto Geeddi iyo Shariifka, waxeyna siyaasiyiinta Bari kula
taliyeen inuu qaato saaxiibtinimada Bay, Jowharna uu ka alaabo
urursado.
Gadoodka
Gudoomiye Maxamed Dheere ayaa waxaa sababay kadib markii
lacagihii deeqda dibeda looga helay Col. C/llahi loogu shubay
xisaabaad shaqsiyaad gaara bangiyada dibeda uga furan. Sidoo
kale Maxamed Dheere waxaa ka careysiisay tixgelin la’aanta uu
Col. C/llahi uu ku sameeyey miisaanka Geeddi oo ka soo jeeda
beesha ugu tirada badan tolweynaha Soomaaliyeed. Maxamed Dheere
ayaa iska dhaadhiciyey in awooda beelaha Muqdisho ay isaga iyo
Geeddi ay wakiil uga yihiin u qeybqaadidooda. Markii ay u
muuqatay in Col. C/llahi iyo Shariif Xasan ay talada sare ee
dalka keligood isku koobaan ayaa waxaa u cadaatay ineysan jirin
tixgelin loo hayo beelaha Muqdisho iyo cid miisaankooda lagu
tixgelinayo.
Prof. Geeddi
ayaa go’aansaday inuu ku caasiyoobo Col. C/llahi kadib markii uu
wax badan u dulqaatay oo uusan rabin inuu ka aqbalo. Geedi ayaa
hadda u muuqda inuu dabarka xijiyey Col. C/llahi, kadib markii
Geeddi uu si cad u diidey inuu magaalada Gaalkacyo kula kulmo C/llahi
Yusuf oo sida badan ku guuleysan jirey inuu madax salaax ku
qanciyo cabashooyinka uu tabanayo Geeddi. Prof. Geeddi ayaa
aaminsan in lagu howl geliyey siyaasad isaga ka hor keentay
beelaha degan Muqdisho oo ay isku heybta yihiin, haddana markii
lagu hubsaday inuu gooni uga soo dhex baxay beeshiisa, ayuu Col.
C/llahi wuxuu heshiis hoosaad la galay mucaaradkii uu
hogaaminayey Shariif Xasan oo horay Geeddi loogu adeegsaday inuu
dhulka ku jiido.
Juriile ayaa
isna arrinta Baydhabo ka muujiyey dareen xoogan isaga oo dhinaca
siyaasda ku wehliya Prof. geeddi. C/risaaq Cusman Xasan Juriile
ayaa maalgelin badan geliyey doorashadii madaxweynenimada
C/llahi Yusuf, balantuna waxey ahayd inuu soo ceshado lacagtii
ka baxday iyo faa’iidadeeda. Wuxuuna kaloo Juriille uu door weyn
ka qaatay in Geeddi uu noqdo wasiirka kowaad. Geedi iyo Jurille
waxey kawada tirsanayeen macalimiinta Jaamacada ummadda,
Juriilana waxaa u xaqiiqsaneyd inuu xujo la’aan hantidiisa soo
ceshanayo haddii uu Geeddi noqdo wasiirka kowaad oo labadooda uu
wax wada qabsi hore uga dhexeeyey. Juriile oo filayey in
lacagaha deeq ahaan u soo gashay Col. C/llahi oo ka kala timid
Sacuudiga, Liibiya, Yemen, Itoobiya, iyo Kuweit iney soo gasho
sanduuqiisa iskaashiga ayaa ogaadey in lacagahaas lagu shubay
xisabaad gaara sidaasna ku waayey xoolihiisa. Jurille ayaa hadda
u muuqda mid la safan Geeddi, ujeedadiisuna waa in Geedi lagu
soo wareejiyo qarashka lagu maamulayo shirka baarlamaanka oo ay
bixinayaan deeq bixiyeyaasha caalamka iyo in wixii xiriirka
caalamka ka imaanaya Geeddi lagala soo xiriiro, mar haddii uu
yahay madaxa sida sharcigu qabo xaqa u leh inuu maamulo dowlada
Soomaalida.
Dowladda
Itoobiya ayaa ciyaareysa shax siyaasadeed oo ay ku dooneyso
Maxamed Dheere, Geeddi, Jurille, Shariifka iyo Col. C/llahi iney
u soo kala dacwoodaan, waxaana weli socda wada hadal la doonayo
shariifka in lagu geeyo Itoobiya si uu ugu soo biro xulafada ay
taageereyso Itoobiya si isna uu u xagsado jagadiisa
gudoomiyenimo. Juriile iyo Geeddi ayaa laga yaaba iney ku
guuleystaan afgembiga ay la doonayaan Col. C/llahi haddii uusan
ka noqon tilaabada uu ku taageerayo Baydhabo. Itoobiya ayaa
aaminsan in labadan nin ay yihiin aqoon yahan ka xeel dheer dhan
walba Col. C/llahi, sidaasna u aragta danteeda mustaqbalka dheer
ay ku jirto iney mudnaanta siiso Jurille iyo Geeddi. Haddii aan
la tixgelin siyaasada labadaan nin waxaa laga yaaba iney
fashiliyaan sir badan oo ay ka og yihiin Itoobiya haba ugu
badnaato tan uu C/llahi hadda ku doonayo inuu ka abaabulo
Baydhabo. Baydhabo ayaa hadda waxaa la xaqiiqsan yahay iney ka
ag dhow yihiin ciidamo Itoobiyaana oo loo qorsheeyey iney sugaan
amaanka Baydhabo, ujeeddaduna ay tahay marka dhamaan ay soo wada
xaroodaan xubnaha baarlamaanka iyo kuwa dowlada, iyo kuwa rajada
ka leh qeybsiga dhiman ee dowlada, iney Itoobiya dhamaantood
geliso xabsi ay ku joogayaan Baydhabo inta laga aruurinayo hubka,
iyagana loo heysanayo madax furasho si aysan maleeshiyooyinkoodu
u qaadin wax tilaaba. Waxaa iska cad haddii Itoobiya ay soo
gasho Baydhabo in hubka iyo dadka ka qeybgalaya shirkuba aysan
soo noqoneyn, waxaana ugu horeeya cida loo dan leeyahay Shariif
Xasan iyo hogaamiyaasha Kismaayo iyo Xamar.
Dagaalka
hadda ugu culus oo u dhexeeya Geeddi iyo Col. C/llahi ayaa
dhowaan waxaa la filayaa in dowlada Itoobiya ay ka qaadato
mowqif xeeladeysan, taas oo dagaalka siyaasadeed ee labadaas nin
dhinac u rideysa. Haddii Col. C/llahi looga adkaado dagaalkaas,
waxey noqoneysaa in Col. C/llahi ay Itoobiyaanku ku qanciyaan
inuu isaga baxo siyaasada uuna dego Bari oo uu caafimaadkiisa ku
daryeelo. Haddii ay ku liibaanan Jurille iyo Geeddi dadaalkooda
waxaa laga yabaa iney tanaasul badan u sameeyaan kooxda Muqdisho,
sidaasna ay labadaas nin ku kala hogaamiyaan madaxweynaha
iyo ra’iisul wasaaraha dowlada. Itoobiya ayaa labadan nin u
aragta iney doonayaan iney wax qabsadaan, soomaalidana rabaan
iney ku hogaamiyaan siyaasad nabadeed madaama aysan ahayn
dagaaloogayaal, meesha ay u aragto Col. C/llahi inuu yahay nin
aan dooneyn nabad, xoolo ama madaxtinimo laakiin ay ku weyn
tahay aarsi iyo inuu ka tago dagaal uu ku helo magac qabiil si
uu u soo ceshado sumaciidiisa dagaal oo Soomaalidu ay ka heysato
inuu ahaa sarkaal aan ku nasiib badneyn guulaha dhinaca dagaalka.
