Sababta Loo
Xirayo Garoonka Dayniile oo Lala Xiriireyey Naasnuujin Loo
Sameynayo Bashiir Raage Shiiraar oo Shirko la ah Prof. Geedi
Buluugleey,
Saturday, October 29, 2005
War ka soo baxey wasaarada arrimaha dibadda ee
dalka Kenya ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyey dayaaradaha ka
diwaan gashan dalka Kenya iney joojoyaan duulimaadyadii
diyaaradahoodu maalin walba ay ku tegi jireen garoonka
Dayniile oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho. Waxaa loo
ogolaaday dayaaradahaas iney ku soo degaan garoonka Cisaleey oo
uu leeyahay Bashiir Raage Shiiraar oo ay shirko yihiin Maxamed
Dheere iyo Prof. Geedi.
Warkaan ayaa soo baxay kadib markii uu Jowhar ku
soo laabtay C/risaaq Cusmaan Jurille oo latashii dheer ugu
maqnaa Itoobiya. Garabka Jowhar ayaa maleegay qorshahaas waxeyna
xeelad uga raadsadeen Itoobiya meelmarinteeda.
Col. Cabdullahi Yusuf ayaa soo bandhigay
fasiraada danihii loo aadey Itoobiya kaas oo ahaa in beelaha
dega Muqdisho hubka ay hayaan la isku jeediyo. Waxaana hadda si
gaara bar tilmaaman noqday dagaaloogaha Dayniile mudane Qanyare.
Dayniile iyo Cisaleey labaduba waxey ku kala
yaalaan duleedka Muqdisho koofur iyo waqooyi, waxaana kala leh
labada beelood oo degaanka Xamar ugu awooda badan. Labada garoon
midna kan kale ma dhaamo tayo iyo nabadgelyo ahaan laakiin
ujeedadu waa in la is tuso labadaas beelood.
Oday Maxamuud Cali Jimcaalle koogaar oo ka mid ah
waxgaradka Beesha degta waqooyiga Muqdisho ayaa si cad u sheegay
in beeshiisu ay soo dhaweyneyso xiritaanka garoonka Dayniile.
Odeygaas ayaa intaasi ku daray in Beeshiisu aysan u horseedi
doonin dagaal sokeeye oo dhexmara walaalaha degan magaalda
Muqdisho, laakiin cidii u horseeda ay kala kulmi doonto
jawaabteeda, isagoo si raaciyey in cidii ka ka hortimaada amarka
Col. Cabdullahi Yusuf aysan beeshiisa ka heli doonin wax
taageero ah haddii uu dagaal dhexmaro iyaga iyo Col. Cabdullahi
Yusuf.
Intaas markaad fiirisid waxaa ku soo baxaya wixii
loo aadey Itoobiya iyo waxa loogu saantiranayo Kenya ineysan is
lahayn. Hadda ka hor amar ay soo saartay Kenya oo ay ku
xanibeysey viisaha xooxda xaruuntoodu tahay Xamar oo siyaasada
uga soo horjeeda Col. Cabdullahi ayaa u muuqda mid aan shaqeyn.
Sidaas oo kale ayaa la filayaa inuu ku dhamaado amarkaan iyo
kuwo kale oo soo daba socda. Laakiin waxaa la sugayaa isku
dhacyada ka dhasha amaradaas u muuqda kuwo u daneynaya ujeedo
gaara oo looga jeedo in la isku mashquuliyo xoogaga degan
Muqdisho.
