Col.
C/hi Yuusuf oo horseeday in Maxamed Dheere uu waayo isha ugu
weyneed ee dhaqaalaha maamulkiisa, ka dib markii hay’adda
gargaarka ay ka baxeen magaalada Jowhar maanta
Buluugleey,
Thursday, September 08, 2005
Dharbaaxaddii ugu darneed ee xagga dhaqaalaha ayaa la soo
deristay maamulka ka arramiya Magaaladda Jowhar kadib markii Q.M
ay maanta kala baxday shaqaalaha ka joogey magaaladda Jowhar ee
Gobolka Shabeelaha dhexe ka dib markii maalintii doraad ay soo
gaareen magaaladaasi maleeshiyo ka timid gobolka Bari oo
taageersan Col. C/hi Yuusuf Axmed.
Arrinta ku dhaqaajisay Q.M in shaqaalaheeda ay kala baxdo
magaaladda Jowhar ayaa timid kadib markii ay soo korortay cabsi
dagaal ka dhex qarxa qeybaha kala fikirka duwan ee dowlada ay
IGAD u soo dhistay Soomaaliya. Sida ay sheegtay haweeyney
afhayeen ah oo u hadashay Q.M in 13 ka mid ah shaqaalaha
caalamiga ee Joogey magaaladda Jowhar maanta loo kala qaaday
magaaladda Nairobi
iyo magaaladda Waajid ee gobolka Bakool.
"maleeshiyo
hubeysan ayaa la keenay magaaladda Jowhar haddaba marka aan la
socodsiiney oo la tashanay xafiiska amaanka Q.M ee New York ayey
dabadeed nagu war geliyay inaan shaqaalaha ka soo saarno
magaaladda Jowhar” ayey tiri Sandra Macharia, oo ah haweeney
afhayeen ah oo ka tirsan hay’adda UNDP xafiiska arrimaha
Soomaaliya
Xiisadaan oo dhan ayaa oogantey kadib markii maalintii shalay
xubnaha labadda Gole ee fadhigoodu yahay magaaladda Muqdishu ay
soo saareen bayaan ay ku war gelinaayeen hay’addaha gargaarka
iyo dipolomaasiyiinta joogta Jowhar in ay isaga baxaan
magaaladaasi ka dib markii Maleeshiyooyin ku heeb ah Col. C/hi
oo ka yimid xero ku taala magaaladda Mustaxiil ee dalka Itoobiya
ay yimaadeen Jowhar.
Maleeshiyada laga soo uruuriyey gobolka Bari oo intooda badan u
badnaa dhalintii jiriga, laguna soo xulay qaab calooshi u
shaqeystnimo ayaa lagu soo marin habaabiyey iney xoolo iyo
derejaba ay ka helayaan iney Xamar xoolaha yaala saamigooda soo
dhacsadaan. Dhalinyaradaas oo intooda badan naftooda u
qalqaalinayey iney u huraan tahriib ayaa waxaa soo jiitey
balanqaadyo hanti iyo darajo oo uu u fidiyey Col. Cabdullahi oo
aaminsan Dowlad qabiil inuu ka hirgeliyo Soomaaliya.
Dagaaloogahan ayaa ku taamaya hilowga uu u qabo inuu soo
nooleeyo boqortooyadii ka jirtey gobolka Bari oo ay hal beel
hogaanka inta kala u heysey, wixii dheefana ay keligood ku
naaloonayeen.
Amiin, Buluugleey,
Muqdishu. Somalia
