Maxamed
Dheere oo ku saxsanaa inuu iska saaro maleeshiyada uu watey Col.
C\llahi Yusuf
Buluugleey,
March 28, 2006
Mudane
Maxamed Dheere ayaa qaatay go’aankii ugu siyaasada cuslaa tan
iyo markii uu la xulufoobay Col. C\llahi. Dhibaatada soo gaartey
Jowhar waxey si dhibaato leh u saameysay dhinaca dhaqaalaha,
bulshada, iyo siyaasada.
Wixii
dhaqaale ah oo gobolka la siin lahaa waxaa ka soo hormaray wixii
la siin lahaa dowlada degen Jowhar ee garabka Col. C\llahi.
Wafdiyada imaanaya Jowhar waxaa isugu tala galay iney la kulman
madaxda dowlada Col. C\llahi, wixii dhaqaale ay ka helaana waxaa
loo leexiya xisaabaad ka furan dibeda.
Bulshada
Jowhar ayaa waxey kala kulantay dhibaato joogitaanka Col. C\llahi
Yusuf iyo maleeshiyadiisa. Dadka reer Jowhar ayaa go'doon waxey
ka galeen walaalahooda degen Xamar, waxaana lagu furay daacayad
looga hor keenayo walaalahooda degen Muqdisho.
Sidoo kale
waxa dhinaca siyaasada laga abuuray abaabul colaadeed oo lagu
doonayo Jowhar iney ku duusho Muqdisho iyo in Jowhar laga
socodsiiyo siyaasada Itoobiya ay kuwadato dowlada Col. C\llahi
taas oo looga soo horjeedo Muqdisho.
Dadka degan
Muqdisho oo aan aqoonsaneyn dowlada Col.C\llahi Yusuf oo ay soo
dhiseen Itoobiya iyo Kenya oo ah laba dal oo ay Soomaaliya kala
dhexeyso cadowtinimo diineed iyo mid dhul ayaa u arka siyaasada
Maxamed dheere uu Jowhar uga saaray Col. C\llahi Yusuf iyo
maleeshiyadiisa mid ah tilaabo uu u qaaday dhinaca wanaagsan,
waayo Col. C\llahi ma leh maskax siyaasadeed ee uu dalka
Soomaliya hogaankeeda ku qabto wakhtigan oo ay u baahan tahay
nabadgelyo iyo kalsooni laga dhex abuuro dadweynaha Soomaaliyeed
oo aadka ugu baahan dowlad u sameysa dib u heshiisiin.
