Wadaadada Muqdisho
oo loo soo jeedinayo ineysan u talaabin dhismaha maamul-
dowladeed ku saleysan diin iyo iney ka dambeeyaan maamulka
degaanka Muqdisho inta ay kula faltami lahayeen safka hore iney
kula dagaalamaan dagaaloogayaasha Muqdishu
Buluugleey, March
5, 2006
Wadaadada dhisay
maxkamadaha ka jira Muqdisho waxey sameeyeen garsoor looga
baahan yahay meel ay ku nool yihiin dadweyne ka kooban 3 milyan,
haddana ay ka jirto kala dambeyn la’aan. Wadaadadu waxey ku
shaqeynayaan mushaar la’aan, wax canshuurana kama qaataan
adeegyada ay u fidinayaan dadweynaha.
Dagaaloogayaasha
Muqdisho dagaalkii ay ku soo qadeen wadaadada muqdisho wuxuu
ahaa mid gardaro ah oo aysan mudneyn cid ka soo shaqeysay kala
xaqsiinta dadka isku heysta dacwadaha hantida iyo kuwa dembiyada
laga galo dadka.
Wadaadada lama fiirin
howsha ay u qabteen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho
laakiin waxaa loo soo abaaray heybtooda iyo fikradooda salka ku
haysa diinta Islaamka.
Waxaa Muqdisho ku soo
xoogeystey waxbarashada lagu qaato luqada Carabiga, sidoo kale
waxaa soo batay dadka waxbarashada u doonanaya wadamada Carabta.
Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya taageerada ciidan ee dadku u
hayo wadaadada, taas oo dhalisay in kumanaan dhalinyaro ah ay
naftooda u hurayaan si ay ula dagaalamaan dadka ka soo horjeeda
wadaadada. Intaas oo dhan ayaa sabab looga dhigay soo ifbaxa
xukunka wadaadada ka dhaqangalay magaalada Muqdisho.
Dhalinyarada ku soo
barbaartay xiligan uu Soomaaliya ka jiro dagaalka sokeeye fursad
uma helin waxbarasho ay ku yeeshaan xirfad, dalkana waxaa ka
jirta shaqo la’aan 100% ah, arrintaasna waxaa loo arkaa iney
fursad dahab ah u tahay qolooyinka wadaadada oo dhaqanka diinta
awgeed dadka ku soo leexsanaya madaama aysan hadda ka shaqeyneen
dalka nidaamyadii dowladeed ee ka yimid dalalka Yurub. Waana
dareenka nuucaasa mida ku weyn cabsida laga qabo wadaadada oo ka
imaanaya dalalka shisheeyaha.
Inkasto wadaadadu
aysan geysan wax xumaana, haddana waxaa lawada arkay ineysan
Soomaaliya diyaar u ahayn dowlad islaamiya dadka oo aqoontoodu
aad u liidato awgeed. Hadda ka hor dalka waxaa ka hirgeli waayey
mabda’ hantiwadaaga oo ay wateen nidaamka keliteliska oo ay
hogaanka u hayeen madax milateri iyo dimoqaraadiyada ay wax ku
maamulayeen madax rayida oo musuqmaasuqa. Dhamaan mabda’yadaas
waxey u mirodhaliwaayeen waxaa sabab looga dhigaa dadka
Soomaaliyeed oo inta badan aqoontoodu ay aad u liidato iyo
iyagoo dhaqanka reer guuranimo uusan kabeyn nidaamyada
ilbaxnimada salka ku haya. Sidaasna mabda’yadu waxey la
dhamaanayaan ama ku kooban yihiin kooxda aaminsan, rajana lagama
qabo iney u gudubto dadweynaha.
Dadka haddii uu ka
baxo dhibaatada dhaqaale iyo tan nabadgelyo darrada ah waxaan
shaki lahayn in rabitaanka dadku uu ka turjumayo heerka uu
gaarsiisan yahay garashadooda ka soo jeeda dhaqanka reer
guuraanimada. Arrintaasna waxey u dhamaneysa in dalka aysan ka
hirgelin nidaamyada aysan dadku sinji ahaan u lahayn oo dibeda
looga soo dhoofiyey.
Dadka Soomaaliyeed ee
dibeda ku dhaqan ayaa intooda badan qaba in wadaadada ay dib uga
gurtaan dagaal ay la galaan walaalahooda Soomaaliyeed oo ay kala
aaminsan yihiin mabaadi’ kala duwan. Sidoo kale waxaa lagula
talinaya wadaadada ineysan soo jiidan indhaha dalalka
shisheeyaha ah oo la dagaalamaya wadaadada, taas oo keeni karta
in dhibaato ay ka soo gaarto rayidka aaminsan diinta,
waxyeeladaas oo saameyneysa ganacsigooda iyo naftooda.
Hadda lama joogo
wakhtigii dagaal diineed dalka laga abuuri lahaa. Waxey ku
wanaagsan tahay in wadaadadu ay awoodooda ku kaalmeeyaan
nidaamka ay hogaaminayaan madax rayida oo aan dhibaato ku hayn
dhaqanka diinta Islaamka. Haddii taas la waayo oo wadaadadu ay
galka seefta ka siibtaan, kuna adkeystaan iney safka hore soo
galaan. Dhibaatada arrintaas ka dhalaneysaa ma ahan wax sahlan,
waana fursad qiil loogu helayo in dowlado shisheeye ay dalka soo
geliyaan ciidan geysta gumaad la hugiyo magac aduunka looga
helayo iney ka gaabsadaan ka hadlka dhacdooyinka la xiriira
howlgaladaas.
Dagaalkii wadaada iyo
dagaaloogayaasha Muqdisho wuxuu dhiig ka daadiyey walaalo
Soomaaliyeed oo heybtoodu isku mid tahay. Waxaa la arkayaa in
wadaadada iyo hogaamiye kooxeedyada uusan midna keeni karin
maamul ay isku raaci karaan oo ka shaqeeya Muqdisho, sidaas
daradeed waxaa haboon in la xoojiyo maamulka dowlada loo soo
dhisay degaanka Muqdisho, kaas oo loo baahan yahay inuu ka
madaxbanaanaado qolooyinka wadaadada ah iyo hogaamiye
kooxeedyada, taasi waxey fursad u tahay ineysan labadan dhinac
dagaal dambe isugu imaan, aduunkuna wuxuu la soconayaa hogaanka
maamulka Muqdisho inuusan ka turjumeyn magacyada ay dalalka
shisheeye ku ugaarsanayaan. Inkaso maamulka Xamar uu yahay mid
iska liita haddana dantiisu waa inuu bulshada degan Muqdisho u
noqdo dhexdhexaad kala badbaadiya isku dhacooda.
