Olalaha doorashooyinka ee ka socda dhulka ismaamulka Soomali Galbeed

Buluugleey July 30, 2005

Olole xoogan oo la xiriira dhinaca doorashooyinka ayaa ka socoda dhulka Soomali Galbeed. Wararka  ayaa  sheegaya inay is diiwaan geliyeen  lix xisbi oo siyaasi ah, iyo musharaxiin madax banaan oo loolan xoogan ugu jira sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kuraasta loo tartamayo.Sida la filayo ayaa dhawaana halkaasi ka bilaaban doonto codbixinta doorashooyinka.

In kastoo ololaha doorashooyinka ay si weyn uga soconayaan dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ( Soomaali Galbeed) ayaa dhawaanahaan waxaa  dhulkaasi ka dhacay dagaallo dhib weyn soo gaarsiiyay dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan. Haddabo waxaa la isweydiinayaa in doorashooyikaasi  u dhici doonaan si cadaalad ah ee gaarsiin karta dadka Soomaaliyeed  horumar iyo xornimo.

 

 

 

 HOME