Dowladda Kenya oo warqad
qoraal ah u gudbisay Col Cabdullahi Yusuf iyo Professor Geedi
Buluugleey,
May 26, 2005
Dowladda Kenya ayaa markale
warqad qoraal ah u gudbisay Col Cabdullahi Yusuf iyo Proffessor
Geedi oo kaga dalbaneyso inay xubnaha dowladda KMG ee weli ku
sugan dalka Kenya ay si dhaqsi ah ugu guuraan dalka Soomaaliya.
Warkaan ayaa sheegaya in
afhayeenka dowladda Kenya yiri, “ Wax faa’iido ah uguma jirto in
dowladda KMG sii joogto magaalad Nayroobi, Kenya, waayo in badan
ee xildhibaanada dowladda KMG ayaa ku sugan magaalada Muqdisho. Col.
Cabdullahi oo ka caga jjiidaya inuu tago Muqdisho ayaa warqadan
xusuusineysaa inuu ka waantoobo nolosha dibad- joogga ah.
Dowladda Kenya oo in muddaba
marti u ahaayeen dhammaan hogaamiyaasha Soomaalida si ay u soo
afjaraan colaad iyo dagaallada ka oogan dalka, ayna horseed u
noqdaan sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa xassillooni.
waxaa haatan muuqata in waqtigan yahay kii ugu haboonaa in
dowladda KMG u goorto Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.
Warqadani oo ah mid
dowladda Kenya ay ku soo
afjareyso martiqaadkii ay u fidisay
hoggaamiyeyaalka Soomaaliyeed, waxayna dhiirrigelin weyn u tahay
xildhibaanada labada gole oo ku hawllan qorshaha nabadeynta
magaalada Muqdisho.
