Weriyad ka tirsan Idaacadda Horn Afrik ee la
dilay
Buluugleey
Juun 6, 2005
Alle
ha u naxariistee Wariye Duniyo Muxudiin Nuur
oo
ka mid aheyd Shaqaalaha Idaacada Horn Afrik ayaa dabley
hubeysan ku diley meel u dhow degmada Afgooye. Dilkan naxdinta
leh ayaa dhacay
waqti ay weriyaha ku sii jeeday howlaheeda la xiriira saxaafadda.
Wariye Duniyo
Muxudiin ayaa caan ku ahayd soo saarida barnaamijyada ka
hadlay Arimaha Bulshadda oo ay ka baahin jirtay Idaacadda Horn
Afrik iyo Capital Voice oo mataano la ah idaacadda Horn Afrik. Warka aya
shegaya wiil dahllinyaro ah ayaa rasaas ku furay
weriyaha, isagoo la sheegayo inuu ka mid ahaa darawaliin shaqo
joojin ka sameeynayey wadada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye,
kuwaasi oo gaadiidkooda wadada ku gooyay.
Soomaaliya oo ilaa haatan aan dowlad sugta amaanka ka jirin ayaa
waxaa ku soo badanaya dilka loo geysanayo suxafiyiinyta ku sugan
dalka Soomaaliya. Dhibkani wuxuu qeyb weyn ka yahay aqoon la’aanta
haysato dhallinyarada ku soo barbaaray dilka iyo
dhaca lana da'da ah xilliga qaran jabka
Soomaaliya.
