Koofi Annan oo u soo magacaabay ergey gaar ah arrimaha
Soomaaliya
Buluugleey May 28, 2005
François Lonseny Fall oo ah ergeyga
cusub ee ka socda xoghaya guud Koofi Annan ayaa loo
magacaabay xafiiska UN-ka ee ku yaal Nairobi, Kenya. Mudane
Fall oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa loo soo diray inuu
arrimaha siyaasadda Somalida ee murugsan inuu xal u helo hoos
u dhaca ku yimid dib-u-heshiisiinta Soomaliya. Taasi waxay ka
danbeysay kadib markii ay siyaasada Soomalida samayn weysay wax
hor u kac ah loogana cabsi qabo inay burburto dhismihii
dowladii loo fadhiyay muddada labada sanadood.
Mudane Fall wuxuu dhawaan billabyaa
qorshe cusub oo dib la iskugu soo dhaweynayo xubnaha dowladda
cusub ee dhawaan ku kala tegay Nairobi, Kenya. Wuxuuna
damacsan yahay ergeygaas ka socdada UN-ka inuu wada tashi cusub
la sameeyo dhamaan hoggaamiyayaasha ku lug leh arrimaha
nabadeynta Soomaalida.
Ergeygaas magacaabistiisa waxaa ka
danbeeyay codsi ay soo jeediyeen wakiilada beesha caalamka oo ku
tilmaamay arrinta Soomaaliya mid faraha ka sii baxaysa. Waxayna
arkeen in xeerarkii iyo axdi qarameedkii aan sidii loogu tala
galay loo fulin. Taas oo loo maleynayo in koox ku wareegsan
madaxa sare ee dowladdii cusbeed ee lagu soo magacaabay Kenya ay
awoodii siyasadeed ku soo koobeen gacan keliya, iyagoo hareer
maray ujeedadii lagu saleeyay dib u heshiisiinta iyo awood
qeybsiga Soomaalida. Waxaa cadaatay in wasiirka Amniga uu
magacaabay taliyaha ciidanka booliska, kadibna inta la hareer
maray isla jagadaas loo magacaabay taliye cusub. Sidoo kale
waxaa Golaha Barlamaanka ay isku raaceen in waddamada safka
hore aan laga soo qeyb gelin cidamada shisheeyaha ee la keenayo
Soomaliya, haddana waxaa muuqata in madaxda sare ay arrintaas
dhinac martay si iyaga u gaar ahna ay ugu soo dareen dowladda
Itoobiya oo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan
imaasha dalka Soomaaliya.
