Danjire Francois L. Fall ergeyga Qaramada Midoobey
ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa uga digay Profesor Geedi
in Soomaaliya loo adeegsado awood ciidan.
Buluugleey August 26, 2005
Danjire Francois L. Fall ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan
arrimaha Soomaaliya ayaa si ballaaran uga hadlay, wuxuuna yiri,
"Soomaaliya ayaan habooneyn in loo adeegsado awood ciidan.
Waqtigan la joogana ay umadda Soomaaliyeed u baahanyihiin inay
arrimahooda wadahal ku dhameeystaan". Waxaan meesha ka
baxeyso buu yiri MR. Fall in lawood maquuniyo kadibna
xal la gaari waayo.
Waxaa lagamamaarmaan ah buu yiri Mr. Fall in Ra’isalwasaaraha
Geedi ka waantoobo in Soomaaliya markale ka dhaco dagaal
sokeeye ee dad badani ku la’adaan.
Isagoo
wareysigiisii sii wato ayuu
Mr. Fall shgeegay inuu u socdaali doono dalka Itoobiya si uu ula
kulmo madaxda ururka Midowga Afrika oo uu kala hadli doono
arrinta ku saabsan ciidamo keenista Soomaaliya oo uu isagu
marnaba ogoleyn.
Mar uu ka warramayey khilaafka u dhaxeeyo xubnaha dowlada
FKG wuxuu yiri, " howsha lagu dhexdhexaadinayo hoggaamiyayaasha
sare ee DFKMG Soomaaliya ay tahay howl adag oo waqti dheer
qaadan doonta, laakiin aanan marnaba looga maarmin
taageeradda beesha caalamka si ay gacan uga geystaan
dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Mr.
Fall isagoo ka xun dhibaatada haysato dadka Soomaaliyeed wuxuu
yiri, " umada Soomaaliyeed waxay soo mareen marxalad adag iyo
kadeed ku filan inkastoo dadka Soomaaliyeed yihiin umad wadaagto
af keliya, dhaqan keliya iyo diin keliya,
hasayeeshee tusaale ha u noqoto,
heshiisyadda nabadda ee laga gaaray dagaaladdii ka socday
dalalka Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Kongo, iyo waddanka
Ivory Coast.
Wuxuu wareysigii uu siiyey wakaaladda wararka u faafis Qaramada
Midoobay ee marka la soo gaabiyo loo ayqaano IRIN ku soo
gunaaday "In xalka Soomaaliya uu ku xiranyahay dadka
Soomaalida balse uusan ku xirneen ciidamo shiyeeye iyo xal
dibeda kaga yimaado".
