Fransawal Foul, wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaruumaha Midoobay
ayaa ku soo fool leh dalka Soomaaliya
Buluugleey 31, 2005
Mudane François Fall, wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaruumaha
Midoobay ayaa dhawaantan ku soo fool leh dalka Soomaaliya.
Ujeeddada safarka Mudane
François Fall
ayaa ah dhex-dhexaadinta
xubanaha dowlada Ku Meel Gaarka ah ee is ku khilaafsan xagga
fikirka.
Wakiilka Xoghaya Guud Mudane
François Fall
ayaa tibaaxay inuu
ku dadaalayo in kulankaasi ka soo baxo heshiis loo dhanyahay ee
si wada jir ah u saxiixi doonaan qeybaha sare ee dowlada KMG
iyagoo ay goob joog Ka ahaan doonaan xubnaha Beesha Caalmka ee
daneeya arriimaha Soomaaliya.
Dadaalkan uu wado Mudane François
Fall
ayaa ah mid rajo weyn gelinaya shacabka Soomaaliyeed ee sida
aadka ah ugu baahan in Soomaaliya ka jirto dowlad mideysan ee xasilisa
nidaam darrada
dalka
ka jirta .
