Eritrea oo Isku Diyaarineysa Duulan ay
Ku Qaado Itoobiya
Buluugleey, Thursday, September 22, 2005
Dowladda Eritrea ayaa maalintii arbacada
ahayd u soo jeedisey Qaramada Midoobey in dagaalkii uu dhexeeyey
Eritrea iyo Itoobiya uu dib u bilaabmayo haddii QM aysan xal ka
gaarin khilaafka xuduuda ee labada dal dhex yaala.
Wasiirka maaliyada Eritrea, Berhane Abrehe,
ayaa shirkii golaha loo dhan yahay ee QM oo ay goob joog ka
ahayeen 191 dal wuxuu ka yiri “ Waxaan jeclaan lahaa inaan si
summad leh aan ku wargeliyo golaha loo dhan yahay ee QM in
Eritrea ay ka go’an tahay, xaqna ay u leedahay iney difaacdo oo
dhowrto dhamaan dhulkeeda ayadoo adeegsaneysa wax kasta oo u
suurtogelinaya ujeedadaas”. Isagoo hadalka sii wata ayaa wuxuu
yiri “Haddii aysan QM tilaab cad ka qaadin Itoobiya dhulka ay ka
heysato Eritrea eeda dagaalka dib u soo noqda waxey la wadaagi
doonta Itoobiya oo labadu masuul ka noqon doona dib u soo
noqoshada dagaalkaas iyo wixii qasaara oo dagaalkaas ka dhasha.
Dagaalkii u dambeeyey oo ay wada galaan
labadaas dal sannadkii 1999 ayaa inta la hubo waxaa ku naf
waayey askar lagu qiyaasay todobaatan kun. Dagaalkaas oo ka
bilowmay muran ka dhashay xaduuda labada dal ayaa Itoobiya iyo
Eritrea waxey ogolaadeen in QM u saarto guddi dhexdhexaada oo
calaamadeeya xuduuda labada dal. December 2000 ayey labada dal
waxey ku heshiiyeen in la joojiyo colaadii socotey labada sanno,
waxeyna QM kala dhexdhigtay ciidan nabadeed.
Guddigii dhexdhexaadinta oo ay u saartay QM
ayaa bishii April 2002 waxey soo saareen go’aankoodii, waxeyna
inta badan dhulkii lagu muran sanaa ay u xukmiyeen dalka
Eritrea. Eritrea waa ay aqbashay go’aankaas, laakiin waxaa
diidey Itoobiya oo ka biyodiidey in dhulka Badme loo xukumo
Eritrea, dhulkaas oo ahaa meesha dagaalku ka bilowday. Taas
waxey dhalisay in guddiga dhexdhexaadinta labada dal ay dib u
dhigaan hanaankii lagu calaameyn lahaa xuduuda u dhexeysa labada
dal maadaama ay Itoobiya ku gacanseyrtay go’aankii ay soo
jeediyeen.
15ka dal ee ku jira Golaha Amaanka ayaa
cambareyn u soo jeediyey dalka Itoobiya bishan September 2005,
waxeyna soo saareen go’aan ay u wada dhan yihiin oo ay ugu
yeerayaan Itoobiya iney aqbasho go’aankii ay soo gaareen gudiggi
loo saarey iney xariiqaan xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo
Eritrea, ayna kala baxdo ciidankeeda ku jira dhulka loo xukumay
Eritrea.
Itoobiya lagama yaabo iney dhulkaas ka
kacdo, aduunyaduna waa aragtay gardarada Itoobiya ay ku hayso
wadamada la deriskaa. QM waxey cabsi weyn ka qabtaa in ciidamada
labada dal ay mar kale dagaal isugu rogaal celiyaan, qasaare
culusna ay isku geystaan. Dalka Itoobiya ayaa aad looga
deyrinayaa inuu aad uga liito dhinaca dhaqaalaha, taasna aysan u
saamixi doonin inuu guul ciidan ka soo hooyo dagaal uu mar
labaad la galo dalka Eritrea oo si wanaagsan uga soo kabsaday
waxyeeladii ka soo gaartey dagaal ay horay ula gashay Itoobiya.
