Ciidamo Itoobiyaan oo ay wehliyaan
maleeshiyada Puntland ayaa soo dhoobtay xuduuda Soomaaliya
Buluugleey Jun 16, 2005
Ciidamo ku hubeysan gawaarida dagaalka ee looyaqaan Tekniko
oo iskugu jira Itoobiyaan iyo maleeshiyo ka timid gobolka
Puntland ayaa soo dhoobtay degmada Feerfeer oo Beledweyne u
jirto 45 KM. Ciidankan huwanta ah ayaa la socda gawaari kuwa
xamuulka ah oo loo maleynayo inay ciidanka u sidaan rasaas, dawo
iyo raashin.
Warkaan oo aan ka soo xiganay idaacadda
HornAfrik ayaa sheegaya in ciidamadani isku dhafka ah marka ay
soo gaaraan ciidamo lagu wado in laga soo gudbiyo gobolka Godey,
ay u soo tallaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan
gobolka Sh/Dhexe.
Dhawaanahan waxaa
dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayaa degaanka ku teedsan xadka ay
Itoobiya la wadaagto dalka Soomaaliya, waxaana dhacda in ciidamada Itoobiya ay soo galaan
gudaha dalaka Soomaaliya halkaasoo ay ka geystaan dil iyo dhac.
Cidankaan ay isku bahaysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa
malleeshiyada Puntaland ayaa la filayaa inay sii huriso colaadaha
ka jira dalka Somaliya.
