Col. C/llahi
Yusuf oo warmo isugu dhiibaya mucaardka Muqdisho oo qaarkood
dhowaan ku soo xero galay heshiiskii Cadan
Buluugleey,
February 2, 2006
Col. C/llahi
ayaa markii lagu soo doortay Kenya wuxuu watey qorshe ah inuu ka
dhigto Baydhabo xaruuntiisa dowlada si uu uga helo Itoobiya
ciidamo Soomaaliya oo gacan ka siiya qabashada koofurta
Soomaaliya. Qorshahaas marna ma uusan noqon mid laga rajo dhigay,
waxaana maanta si fudud ugu suurto gashay C/llahi inuu
himiladisaas uu gaaro.
Col. C/llahi
si uu u gaaro ujeedadaas ayuu wuxuu gadaal ka soo riixay Maxamed
Dheere Iyo Prof. Geeddi, waxeyna labadaas nin cagta mariyeen
Shariifka iyo hogaamiyeyaasha Muqdisho, waxaana si gaara
bartilmaameed looga dhigtay mudane Qanyare oo aan waxba loo
rooban.
Dhawacyadii
siyaasadeed ee Maxamed Dheere iyo Prof. Geeddi ay la beegsadeen
Shariifka iyo Qanyare waxey dhalisay in taladooda Muqdisho laga
tixgelin waayo. Golihii degaanka loo sameeyey gobolka Banaadir
ayaa ahaa wixii u dambeeyey oo Shariifka iyo Qanyare ay
muteysteen tixgelin la’aan, kuna dhaliyey shaki iyo iney dhinaca
kale u rogmadaan.
Col. C/llahi
ayaa soo rogaal celiyey siyaasadii Shariifka iyo Qanyare si uu u
siiyo fursad ay iyana markooda u geystaan dhawacyo siyaasadeed
oo dhulka dhiga mucaaradka Geeddi, Maxamed Dheere iyo
hogaamiyeyaasha Muqdisho. Arrintaas oo loola jeedo in beelaha
degan Muqdisho aysan helin midnimo ama hogaan leh miisaan culus.
Col. C/llahi
ayaa ah qofka abuuraya fidnada oo dhan, laakiin siyaasiyiinta
taageersan waxey muujinayaan inuu yahay odey meel dhexe ka
taagan khilaafka ka dhextaagan hogaamiyeyaasha dowlada, taas oo
ah indho sarcaad lagu sameynayo beerdulucsiga lala beegsanayo
marba kooxda la rabo in lagu fushado danaha loo beer laxawsanayo.
Col. C/llahi
marnaba kama uusan tanaasulin in wadanka uu soo geliyo ciidamo
itoobiyaana, sidoo kale kama uusan tegin inuu xilkiisa ku
dhameysto marba inuu xaruun ka dhigto magaalo kale si uu u
majaxaabiyo miisaanka ay ku yeelan karaan reer Muqdisho dowlada
Soomaalida haddii uu soo dego magaalo madaxda Soomaaliya ee
Muqdisho. Waxaa kaloo ujeedooyinkiisa ka mida in dadka reer
waqooyi iyo dadka ugu badan koofurta Soomaalida aysan ku kulmin
Muqdisho.
