Baqdin laga qabo inay
Somaliya cunta-yari soo foodsaarto
Buluugleey
May 19, 2005
Khubaro ka socota urur ay maalgeliso USAID aya saadaalinayo
cabsi laga qabo in Soomaaliya ay soo foodsaarto cunta-yari iyo
abaaro dhallin karta macluul, taasoo ugu wacan roobabkii Gu'ga
oo ka dib dhacay xilligii wax beerashada. Ururkaas oo
saldhigiisu yahay cariga Mareykanka una qaabilsan sadaasha
cunta-yarida ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (FEWS
NET) ayaa sheegay in dad lagu qiyaasayo hal
Millyan oo ruux ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar
cunto deg-deg ah.
Wuxuu
ururkaas (FEWS NET) tibaaxayaa in fasalkan badarkii ka soo go’i
lahaa inta u dhaxeysa dhulbeereedka labada webi: Jubba iyo Shabelle ay
kadib dhacday waqtiyadii la filayay oo ahayd muddada u dhaxeysa
April ilaa Juun. Waxaa kaloo jirta sabababo la xiriira
dhibaatooyin sida fatahaadda webiyada iyo abuur xumo keentay
inaysan beeraleydu beeran dalag ku filan.
Dhulka ay
beeraleydu tacbato ayaa ahaa boqolkiiba 50% kuwa dabooli kara baahida cuntada ee dalka Soomaaliya ka jirta.
Waxaana ugu wacan coladaha ka dhacaya meelo badan ee dalka ka
mid ah sida gobolka Bakool, Gedo iyo Jubada hoose oo ah kuwo ay ka barakaceen dad badan
oo beeraley iyo xoolo dhaqto iskugu
jiraan oo aaggaasi ku dhaqnaa.
Wargeyska Bariga Dhexe (Middle East Online)
war aan ka soo xiganay ayaa sheegaya in Soomaaliya oo ilaa
hadda aan lahayn dowlad hanan karta ammaanka dalka ay keentay
nabadgelya xumo la soo deristay shaqaalaha ururada samafalka ee
u adeega umadda ku dhibaateysan dalka.
