Galkacyo
Waa Magaalo Madax ka Muuqata Gobolada Dhexe
Buluugleey, Thursday, September 29, 2005
Waxaa dhawaan magaalo madaxda Mudug isku
qabsaday garoonka dayuuradaha ee maagalada laba maleeshiyo
beleed oo ka soo kala jeeda Bari iyo Mudug. Wuxuuna isqabsigaas
ka dhashay in garoonka uu noqdo mid u dhexeeya dadka wada dega
magaalada. Waxaana fikradaas diidan beesha ka soo jeeda Bari.
Gaalkacyo waa magaalo taariikh ahaan ay
Soomaalidu ka kicisay dadkii loo yaqaan Gaalaha oo ka soo jeedey
Oromada iyo Danakiisha ama Cafarta. Marka dagaaladaas lagu
kicinayey Gaalada ay dhacayeen beelaha hadda degan Bari ma ahayn
kuwa ka jirey dalka Soomaaliya. Degaanka Mudug waxaa weligiis
degenaa dadka hadda u badan gobolka oo Hobyo ay u ahayd magaalo,
meesha Gaalkacyo ay ahayd ceel iyo bali biyo galena
Gaalkacyo waxey isku bedeshey magaalo
wakhti aad u dhow oo ay taariikhdu ahayd 1907. Dadka dega Hobyo
ayaa wanaag badan abuuray, waxeyna abbayaashood ku talaabsadeen
iney soo dhoweeyaan dad ka soo barakacayey gobolka Bari oo
dhibaato ay ka heysatey dhinaca biyaha iyo baadka.
Dadka dega Gaalkacyo oo u badan dad iska
dhala ayaa waxey ahaayeen xiddigaha ka muuqda goboladda dhexe
marka laga fiiriyo dhinaca is dhexgalka iyo dhinaca fikirka oo
ay ka mideysnayeen. Waxey ahyd beesha degta Hobyo kuwii ka
dambeeyey in Madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharmarke uu noqdo
Madaxweyne iyagoo maal iyo dadaal siyaasadeedba u galay sidii ay
u hirgelin lahayeen madaxtinimadiisa.
Maanta Gaalkacyo waxaa loo kala degen yahay,
koofurta magaalada oo ay degen yihiin dadkii u dhashay degaanka
iyo waqooyiga oo ay degen yihiin dadkii ka soo qaxay gobolka
Bari. Dhibaatada ugu weyn waxey ka taagan tahay qolooyinka degan
waqooyiga oo magaalda milkiyadeeda isisiiyey, doonayana
magaalada iney ku daraan degaanada looga taliyo gobolka Bari.
Magaalda garoonka ku yaala oo keliya ayaa
wuxuu gacanta ugu jiraa beesha degta waqooyiga inkasto degaanka
uu ku yaalo garoonku u yahay dhinaca koofurta. Dhaqaalaha ka soo
baxa garoonka ayaa wuxuu sababay in koofurta iyo waqooyiga
magaalada Gaalkacyo ay kala dhaqaalo roonaadaan, taas oo
sababtay in adeegyada ay u baahan yihiin dadweynaha ay ka
socdaan oo keliya dhinaca waqooyi meesha koofurta aad u moodid
ineysanba waxba ka jirin.
Dadka u dhashay degaanka ayaad hadda moodaa
iney arrinta ku soo baraarugeen oo ay arkeen in magaalada ay
gacantooda ka sii fara baxeyso. Codsiyo badan oo ay dhanka kale
kaga dalbanayeen in si sinaana wax loo qeybsado ayaan laga
dhageysan, sidoo kale ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ku magac
roon dhinaca waqooyiga oo gacanta ku haya xiriirka ay magaaladu
la leedahay dibeda iyo gudahaba
Gaalkacyo waa magaalo ka iftimeysa gobolada
dhexe, degaan ahaana waxey ka tirsan tahay gobolada dhexe sida
Hiiraan iyo Galgaduud. Degaan balaarsiga ka socda xukunka ka soo
jeeda Bari iyo dadka laga tirada badan yahay ee ka soo jeeda
Bari intuba magaalada waa ineysan ka saarin dhexdhexaadnimada ay
raaliga ka yihiin dadka u dhashay degaanka. Haddi taas la waayo
waxey dhibaatada inteeda badan ay ku dhaceysa beesha qaxootiga
ku ah degaanka, waxeyna ku dambeyn doonta magaaladu in lagu kala
guuro sida horay uga Dhacday Xamar markii uu qarxay dagaalkii
sokeeye.
