Col. Cabdullahi
Yusuf oo siyaasadiisu ku fashilantay Jowhar ayaa doonayo inuu
hantiyo mulkiyada Kaalkacyo isaga oo kaashanaya xeelado cusub
Buluugleey
February 14, 2006
Col. C/llahi oo ku
soo guuldareystay siyaasadiisa uu ku doonayey in Jowhar uu ka
sameysto saldhig lagu kala qeybiyo dadka walaalaha ee
Soomaaliyeed, ayaa hadda u soo guryo noqday magaalada Gaalkacyo
oo ay wax ka degaan beeshiisa. Ujeedadiisa ugu weyn ee uu hadda
ku doonayo inuu qalcad rukumada u dhigo, isagoo adeegsanaya
xeeladdiisaan siyaasadeed ee cusub oo ah colaad hurin si
siyaasada Soomaaliya aynan marnaba u deign. Waxaa Col.
Cabdullaahi ka go’an inta ay gobollada colaada ka jirto inuu
ballariyo maamulka gobolka Bari (Puntland) oo Koonfurta Gaalkacy
iyo magaalooyinka kale ee ku xariirsan uu hoos keeno.
Tegitaanka koonfurta Gaalkacyo ayaa Col. Cabdullaahi
Yusuf waxay kordhisay sumcadiisa siyaasadeed oo gunta hoose u
hoobtay marka laga eego heerka qiimeynta. Maxaa yeelay Col.
Cabdullahi waxaa ka dareemeysaan hadalladii beerdulucsiga ahaa
ee uu la hortagay odayaasha dhaqanka ee ka tirsanaa K. Gaalkacyo.
In kasta oo dad
farabadani ay saadaalinayaan hadii uu col.Cabdullahi Yusuf
xulufo la sameysto reeraha degan K.Gaalgacyo uu markaasi
dowladaha deeqda bixiya uu kaga helayo dhaqaale fara badan,
taasna waxay ka gargaareysaa inay markale u sahasho inuu fooda
isku geliyo gobolla kale ee sanadahan danbe xasillan. Waxaa
kaloo sii dheer in dagaal oogayaasha oo u indha dheer, una dhega
furan halka ay ka bidhaameyso ilaha dhaqaale ayaa iyaguna laga
yaabaa inay foodda isla galaan.
Col.
Cabdullahi oo intii xilka loo dhiibay aan waxba ku soo
kordhinin dalka Soomaaliya oo aan ka ahayn colaado ee sababay abaaro
fara badan ayaa haatan waxaa laga cabsi qabaa markuu dhaqaalaha
deeqda gacanta ku dhigo ay u sahli karto in uu markale dagaal
hubeysan ku qaado
gobollo fara badan ee dalka Soomaaliya ka mid ah, isagoo ka billabaya K.
Gaalkacyo.
