Sugidda amaanka magaala-madaxda
Buluugleey April 13, 2005
Generaal Galaal oo soo dhaweeyay
balanqaadyadii magaalada Muqdisho ee ahaa in malleeshida laga
saaro lana sugo nabadda Muqdisho.
Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa taageeray goa'aankii ka
koobnaa 29ka qodob ee masuuliyiinta labada gole ee dowladda KMG
ka tirsan ee dhawaantaan wadajir ku go'aansaday in magaala
madaxda Muqdisho laga saaro malleshiyada lana sugo amaanka loona
sameeyo maamul gobolka Banaadir. Jeneraal Galaal oo wareysi
la yeelatay shabakadda Radio Shabeele aya sheegay in u soo
dhaweynayo ballanqaadyadii ahaa in la dhaqangeliyo malleshiyada
wuxuu kaloo ku daray Jerneraalku in ciidamada Milleterigii hore
sida ay diyaar u yihiin inay Malleeshiyada siiyaan tababar
ballaran. Ugu danbeeyntii wuxuu Jeneraalku xaqiijiyay in
malleshiyada la siinayo mushaar lana dejinayo xeryoooyin
ka baxsan magaalada Muqdisho.
Go'aamada ay labada gole ay
wadajir ku goaansadeen ayaa la hubaa inaynan jirin cid diidan in
la soo celiyo ammaanka magaalamadaxda
