Shir Looga Hadlay Xuquuqul
Insaanka Somaligalbeed
Buluugleey, Monday,
September 12, 2005
Shir xuquuqul insaanka
somaligalbeed ku saabsan oo lagu qabtay Minissota Shir si
hufan aadna u cilmiyeysan loo soo abaabulay oo ay ka qayb
qaateen iskuna soo duba rideen rururo kala duwan socdayna laba
maalmood oo kala ahaa 3di iyo 4ti bishan Sibteembar ayaa lagu
qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minisoota dalka
Maraykanka. Shirkan oo u jeedadiisu ahayd mid lagaga hadlayey
dhibaatooyinka uu Guumaysiga Itoobiya ku hayo Shacbiga
Soomaalida somaligalbeed ee dhinacyada gefafka xad-dhaafka ah ee
ku xadgudubka Xuquuqal Iinsaanka, Nololxumada, Horumarla’aanta,
Waxbarasha la’aanta, Caafimaad la’aanta, iyo guud ahaan
dhibaatooyinka ka jira somaligalbeed ayaa sidii loogu talagalay
guul ku dhamaaday.
Shirka waxaa ka soo qayb galay dad boqolaal gaadhayey oo isugu
jiray Madax Sare oo ka tirsan Masuuliyiinta Gobolka Minnesota oo
ay ka mid ahaayeen; Afhayeenka Baarlamaanka Gobolka Minnesota
Mudane Steve Sviggum, Senator Mark Kennedy, oo dhamaantood
qudbado aad loogu bogay oo ku wajahan Qadiyada somaligalbeed iyo
doorasho ku sheegti dhawaan Itoobiya iyo somaligalbeed ka
dhacday ka soo jeediyey goobti shirka.
Waxaa iyana ka soo qayb galay Jaaliyadaha Minnsota ee Afrikada
Bari, Aqoonyahano, Ururada Gobanimadoonka ah sida Oromada oo
wafti uu Hogaaminayey Madaxa Arimaha Dibada ee Ururka Xoraynta
Oromia Mudane Xasan ay ka soo qayb galeen, wufuud ka kala timid
Jaaliyadaha somaligalbeed ee ku nool Dalka Kanada, Magaalada
Chicago ee Gobolka Ilinois, Masuuri Kansas, Atlaanta Georgia,
Denver Colorado, iyo Gobolo kala duwan oo Dalka Maraykanka
tirsan.
Dadka qudbadaha kala duwan shirkaas ka soo jeediyey waxaa ka mid
ahayd; Dr. Fawsiya Cabdiqaadir oo ah Madaxa Ururka Xuquuqal
Iinsaanka somaligalbeed oo ka hadashay xaalada dhaqaale iyo tan
nololeed ee shacabka Soomaaligalbeed, gaar ahaan xaaladaha ay ku
sugan yihiin haweenka Soomaalidagalbeed.
Hodan Ducaale oo ka tirsan Ururka Isu-taga Haweenka
somaligalbeed ee dalka ayaa iyaduna ka hadashay dhibaatooyinka
uu Guumaysiga Abasiiniya ku hayo shacbiga Soomaaligalbeed ee
isugu jirta dilka, dhaca, xadhiga, kufsiga, iyo cunaqabataynta
shacbiga.
Dr. Maxamed Xasan Cali ayaa isaguna si qoto-dheer uga hadlay
Qadiyada Shucuubta somaligalbeed iyo Oromiya oo taariikhdooda si
wayn u falanqeeyay.
Dr. Keith Jennings oo ka socday Ururka Xuquuqal Iinsaanka
Afrikaanka Maraykanka ah ayaa isna ka hadlay sida ay lagama
maarmaanka u tahay la dagaalanka guumaysiga iyo ku xadgudubka
xuquuqda aadamaha. Helen Butler oo ka socotay Ururka Isbahaysiga
Qorshaha Dadka yaa iyaduna ka hadashay sida ay lagama maarmaanka
u tahay gacan siinta Shacbiga Dulmiga Abasiiniya ku jira ee
Soomaaligalbeed , ballana ku qaaday in Ururkeedu u garab istaagi
doono Shacbiga dulma ee somaligalbeed.
Waxaa kaloo shirkaas laga akhriyay qoraallo ka kala yimid Madax
Sare oo ka tirsan Dalka Maraykanka oo lagu martiqaaday, hase
yeeshee duruufo shaqo awgood aysan u suurta galin inay ka soo
qayb galaan, ka dibna wakiilo waraaqahooda ka akhriya soo
dirsday. Dadkaas waxaan ka xusaynaa; Senator Colman oo ka tirsan
Golaha Odayaasha Dalka Maraykanka ahna xubin ka tirsan Gudiga
Xidhiidhka Caalamka ee Dalka Maraykanka, Madaxa Gobolka
Minnesota Governor Tim Pawlenty, iyo Jesse Jackson oo ah
Hogaamiyaha Ururka ugu wayn dalkan Maraykanka ee u ololeeya
Xuquuqda Dadka Madow ee Dalkan Maraykanka Magaciisana la
yidhaahdo Rainbow Coalition. Dhamaan qoraaladaas ayaa muujinayey
sida ay taageero ugu hayaan shacbiga dulman ee Soomaaligalbeed
ee Guumaysiga Abasiinaya ku hoos jira.
Sidoo kale, madaxdaas waxay qoraaladooda ku muujiyeen sida ay
uga xun yihiin dhibaatada Itoobiya ay ku hayso Shacbiga
Soomaaligalbeed. Waxayna ballanqaadeen inay si joogta ah ula
socon doonaan xaaladda Shacbiga dulman, isla markaana ay ku
dadaali doonaan sidi ay wax uga qaban lahaayeen.
Gabagabadiina waxaa isu hadhay Ururo bulsheedyada
Soomaaligalbeed oo si cilmiyeysan uga dooday sii xoojinta wada
shaqayntooda mustaqbalka, iyo kor u qaadida hawlahooda ku
wajahan u Halganka Qadiyada Soomaaligalbeed.
