Shariif
Xasan oo aan ahayn dagaalooge oo mustaqbalka u qorsheysan C/llahi
inuu codka kalsoonida ah uga tuuro xilka gudoomiyenimada
baarlamaanka
Buluugleey,
February 1, 2006
Gudoomiye
Shariif Xasan ayaa siyaasadiisa waxey la soo baxday degenaansho
la’aan. Shariifka ayaa wuxuu ka soo jeeda beelaha degan Bay,
wuxuuna sidaas ku helay xilka gudoomiyenimada baarlamaanka.
Shariifka ayaa waxey dantu biday inuu dib ugu noqdo kasbashada
taageerada dadka uu ka soo jeedo. Arrintaasna waxaa ku dhalisay
kadib markii uu wax culaaba ku yeelan waayey kooxda Muqdisho iyo
Jowhar.
Si Shariifka
loogu hirgeliyo riyadiis ayaa waxaa fursad u noqotay shirka
xubnaha baarlamaanka in lagu qabto Baydhabo, arrintaasna waxey
gorgortan gelisey mabaadi’dii uu Shariifku ka wadey Muqdisho iyo
isbaheysigii siyaasadeed ee uu la lahaa hogaamiyeyaasha Muqdisho.
Waxaa cad in
Shariifka loo soo xilsaaray inuu kala jebiyo mucaaradka Muqdisho
iyo inuu rido dowlada Prof. Geeddii. Shariifka ayaa hirgelinta
arrimahaas wuxuu la taliye uga dhigtay mudane Qanyare oo
labadooduba ay ciil badan kala kulmeen xadgudubyadii ka soo
gaarayey wasiirka kowaad, kaas oo dhaqaalahooda iyo sharfkoodaba
dhulka dhigay.
Dowlada
Itoobiya iyo C/llahi waxaa ka go’an in Shariifka marka lagu
fuliyo danaha laga leeyahay oo uu ugu horeeyo shirka Baydhabo
iyo xil ka qaadida xubnaha dowlada ee ka soo jeeda Muqdisho in
isna markiisa laga horkeeno xubnaha ka soo jeeda Muqdisho ayna
keenaan codka kalsoonida in loo qaado, sidaasna jagadiisa lagu
majaxaabiyo, laguna bedelo dagaalooge ka soo jeeda Bay haddana
ah taageerayaasha Itoobiya.
Shariif Xasan
taageerada uu ka raadinayo Bay waa mid uusan meelna ku gaareyn
waayo beel ahaan uma arkaan iney asal ahaan ka soo jeedaan,
waxeyna ka jeclaan lahayeen hogaamiyeyaasha kale oo sinji ahaan
ka soo jeeda beelahooda.
Shariifka
waxaa u sabab ahaa xilka uu maanta hayo codkii badnaa ee uu ka
helay beelaha degan Muqdisho, haddii siyaasadiisu ay u rogmato
dhinaca C/llahi, waxaan shaki lahyn in labada dhinacba aysan ka
cafin doonin galgalashadiisa siyaasadeed, cod midana ay ku tuuri
doonan marka ugu horeysa oo ay helaan fursadaas.
