Siyaasyiinta Garabka Muqdisho oo ku tilmaamay Col. C/llahi Yusuf
iyo grabkiisa kuwo ka soo horjeeda dhexdhexaadintii uu ku baaqay
Col. Barre Hiiraale
Buluugleey,
December 27, 2005
Warbixin ay
soo saareen xubnaha labad gole ee garabka Muqdisho ayaa maanta
cambaareeyey khilaafka ay sii xoojinayaan kooxda C/llahi Yusuf
oo ka shaqeyneysa inuusan qabsoomin dhexdhexaadintii uu soo
bandhigay Barre Hiiraale.
Waxey sidoo
kale ka hadleen iney kooxda Jowhar shaqo ka dhigteen howlo macno
dara ah oo ay qoorta isku gelinayaan howlwadeenada haya xilalka
kala duwan ee dowlada. Waxeyna tusaale u soo qaateen in xilkii
gudoomiyaha baarlamaanka ay u magacawdeen ku xigeenkiisa, taasna
ay dhalineyso in wixii hadda ka dambeeya ay qolo walba
magacaabato howlwadeenada xilalka dowlada, taas oo ay ka
dhalaneyso isqabqabsi fara badan.
Cumar Xaashi
oo u hadlay xubnaha labada gole ee Muqdisho ayaa tilmaamay iney
dhimatay rajadii laga qabay in shirkii dib u heshiisiinta lagu
qabto magaalada Kismaayo kadib markii ay garabka C/llahi Yusuf
diideen ka soo qeybgalka gogoshaas, iyagoon wax jawaaba ka bixin
martiqaadkii loo soo fidiyey. Cumar Xaashi waxa uu sheegay in
hadii ay sii socoto is qabqabsiga xagga xilalka ay keeni doonto
in sidoo kale la isku qabsado xilalka Madaxweynaha iyo
Ra’isulwasaaraha. Waxa uu sheegay in hadii aysan ka waantoobin
isla markaana aysan joojin faragelinta ay ku hayaan xilka
Gudoomiyaha Baarlamanka in iyaguna ay qaadi doonaan talaabooyin
ay xilka kula qabsanayaan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.
Warsaxaafadeedka ay soo diyaariyeen xubnaha labada gole ee
garabka Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayey in haddii ay
burburtay rajadii laga qabay in lagu kulmo magaalada Kismaayo ay
kooxdan qorsheynayaan iney soo dhisaan madaxweyne iyo golihiisa
dowlada oo ka howlgala magaalada Muqdisho.
Kooxda
taageersan C/llahi Yusuf ayaa wadatay qorshe ay ku fashilineyso
gogosha uu dhigay Barre Hiiraale, laakiin tooda ka hor ayey
waxey saadaalinayeen ineysan kooxda Xamar oggolaaneynin
hindisaha nabadeynta Barre Hiiraale. Markii ay ogaadeen in
kooxda Xamar ay si buuxda raali uga yihiin nabadeynta Barre
Hiiraale ayeey la soo baxeen shaxdoodi hore oo ay ku diidanayeen
shirka Kismaayo, iyagoo iska dhaadhiciyey in dib u heshiisiintii
ay dhamaatay, wixii harayna ay kooxda Jowhar dhameystireyso.
Ujeedada Col.
C/llahi waa wax iska cad, wuxuuna doonayaa waa dagaal ka qarxa
Kismaayo, Jowhar iyo Xamar, mana ahan qof u diyaara nabad iyo
xasilooni siyaasadeed oo ka dhalata dowladnimo Soomaaliyeed.
