Garaad Cabdiqani ayaa
ku tilmaamay wax fool xun ciidamada uu xiligan Col.Cabdulaahi
Yuusuf uruurinayo
Buluugleey July 16,2005
Garaad Cabdiqani oo ka mid ah
salaadiinta gobolka Sool ayaa ku tilmaamay wax aad u fool xun
ahna wax aan la aqbali karin ciidamada uu Col. Cabdulaahi Yuusuf
xiligan uruurinayo si uu weeraro shacabka ku dhaqan Muqdisho.
Garaadka ayaa ku tilmaamy arrintan uu Col. Cabdullahi Yusuf ku
kacayo wax khilaafsan hawshii laga sugayey.
Garaad Cabdiqani oo ku sugan
magaalada Laascaano ee gobolka Sool ayaa wareysi uu siiey
iddaacada HornAfrik waxa uu kaga hadley marxaladda siyaasadeed
ee uu dalku marayo iyo waxa uu xilligan Col. Cabdulaahi Yuusuf
ka wado magaalada Galkacyo oo maalmahan ku aruurinayo ciidamo la
sheegay in uu ku damacsanyahay inuu ku weeraro Magaalada
Muqdisho. Garaadka ayaa sheegay ineysan marnaba ogolaaneyn
salaadiinta gobolka Sool in dagaal dalka laga huriyo.
Garaadka oo wareysigiisii ku
sheegay in Col. Cabdullahi uu weli u muuqato jabhadeyntii uu
cimrigiisa inta badan ku lumiyey. Hase yeeshee, ayuu yiri
waxaa xilligan la joogo korneelku looga baahan yahay nabadeyn
iyo dibuheshiisiin in dalka lagu soo dabaalo.
Garaad Cabdiqani ayaa ugu
baaqey Col. Cabdulaahi Yuusuf inuu ku shaqeeyo magaalo madaxda
Soomaaliya ee Muqdisho. "Ma aha ayuu yiri Garaad Cabdiqani wax
la aqbali karo waana wax aan waafaqsaneyn dastuurka in Col.
Cabdullahi Yusuf ka baaqsado hawshii shacabka Soomaaliyeed ka
rajeynayeen oo ah in ay dowladiisa soo celiso sharcigai iyo kala
danbeyntii dowladnimo.
Col.
Cabdullahi oo ah nin dagaal ayaa weli ku madax adag in farsamada
siyasadeed uu dalka ku hogaaminayo tahay inuu markale
wadanka Soomaliya ka huriyo dagaal
sokeeye ee dhiig fara badan ku daatay.
