Cabsi laga qabo in uu dagaal beeleed ka dhex qarxo beelaha
degen Gobolka Waqooyi Bari
Buluugleey October 24, 2005.
Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in
amaanka gobolka waqooyi Bari uu dhawaantan ka soo darayo, kadib
markii uu maamulka halkaasi ka dhisan uu
malleeshiyo beeldka gobolka u waayey mushaaharado. Warar aanu ka soo
xiganay shabakada Qaranimo ayaa xaqiijinaya in amaan xumida ka
jirta guud ahaan Gobolka Bari ay ka timid wadashaqeyn la’aanta
ka dhex aloosan maamulka iyo malleyshiyo beeleedka gobolka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dad
badani ay ka careysan yihiin lacagaha sida sharci darrada ah uu
ugu takri falay ku-xigeenka Cadde Muuse oo la sheegayo inuu
hanti badan is-dabamariyey hantidaas oo markeedii hore loo
qondeeyay in mushahaarado loo siiyo malleeshiyo beeleedka
Gobolka.
Dhaqaala
xumada la soo deristay gobolka ayaa waxaa meesha ka dhashay xasilooni daro,
waxaana soo foodsaartay in
si is-dabajoog ah dad badani si tuugaaleysi loo dilo,
iyo in gawaari badan waddooyinka isku xiro gobolka lagu dhaco.
Ilaha dakhliga ugu ballaaran ee Gobolka
Bari wuxuu ka sooo galaa furdada iyo in kaloo xaddidan oo
cashuuraha rayidka
laga soo ururiyo. Dhaqaalahaas intiisa badan wuxuu
maamulka u adegsadaa sidii khalkhal siyaasadeed loogu ridi lahaa
amaanka Bobolka Banaadir. Waxaa la qiyaasay in uuu dhaqale
ballaaran ku baxo kala qeybinta iyo isku dirika
xildhibaanada ku sugan Muqdisho ee siyaasada kula looltamaya
Col. Cabdullahi Yusuf. Waxaa kaloo iyadana meesha ku jirta in
dhaqaalahaasi qaar ka mid ahi uu maamulka u isticmaalay
hubeeynta malleeshiyadii laga soo ururiyey Gobolka Bari oo
intooda badani ay ku sugan yihiin Gobolka Shabeelada Dhexe,
magaalada Jowhar.
