Prof. Cali Maxamed Geedi oo Dib u Dhacay ku yimid
safarkii uu Marar Badan ku Imaan Lahaa Muqdisho
Buluugleey,Saturday, October 01, 2005
Imaashaha Prof.
Geedi ayaa waxey hadalheyntiisu ku badan tahay oo keliya Xusseen
Caydiid, wuxuuna Xusseen ku celceliyey marar hore inuu Muqdisho
u soo gaarayo Prof. Geedi. Xusseen ayaa hadda dib u soo
cusbooneysiiyey imaashaha Geedi wuxuuna sheegay
in todobaad gudihiisa magaalada Muqdisho ay ku soo fool
leeyihiin wafdi uu hoggaaminayo Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka
kooban grabka Jowhar oo ah taageerayaasha Col. Cabdullaahi Yusuf.
Waxaa laga war helay in dib u dhaca badan oo ku yimid safarka
Prof. Geedi ay ugu wacneyd khilaaf xoogan oo u dhexeeya Col. C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Prof. Cali Max’ed Geedi, kaas oo la xiriira
qaabka loo xalinayo dhameynta khilaafka u dhexeeya garabyada
hubeysan ee ka soo kala jeeda magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Prof. Geedi ayaan sinaba ku qanacsaneyn in dagaal lagu dhameeyo
khilaafka labada garab, taas oo ay ka soo horjeedaan Col.
Cabdullahi iyo Maxamed Dheere. Labadaan dagaalooge oo dadaal
badan ugu jira iney dagaal oogaan ayaa ku adkeysanaya in dowlada
loogu yimaado Jowhar oo wixii deeqana ay halkaas ku maamushaan
garabkoodu. Waxeyna labadaas nin shaki weyn ka qabaan in haddii
uu Prof. Geedi dego Muqdisho in isbedel ay ku imaaneyso
siyaasada Prof. Geedi, taasna ay horseedi karto burbur ku
yimaada garabka Jowhar.
Waxaa kaloo muuqta sadaal ifineysa in Prof. Geedi uu damacsan
yahay inuu meel dhexe ka istaago garabyada isku haya loolanka
awooda ee ka soo kala jeeda Muqdisho iyo Jowhar. Waxaana laga
yabaa inuu dego Villa Somalia oo uu garab ka dhigto Xusseen
Caydiid oo hadda u muuqda inuu meel dhexe ka taagan yahay
muranka u dhexeeya labada garab. Haddii uu sidaas sameeyo wuxuu
Prof. Geedi ka badbaadaya isbaheysiga labada kooxood oo aad u
hubeysan inuusan midna u noqon laheyste ku qasban inuu raaco
aragtidooda.
Waxaa la xaqiijiyey in Kulan looga hadlayey sidii loo soo
dhaweyn lahaa Prof. Geedi uu ka dhacay Villa Somalia, Kulankaas
ayaa laysku afgartay in guddi ka kooban 12 xubnood loo magacaabo
soo dhaweynta Prof. Geeddi oo ay sheegeen inuu dhowaan imaanayo
Muqdisho. Xuseen Ceydiid ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka
qabo xubnaha garabka Muqdisho ku sugan iyo kuwa Jowhar iney isu
soo dhowaan doonaan, oo khilaafaadka ka dhexeeya la dhameyn
doono. Xuseen Ceydiid wuxuu ku tilmaamay ciidamada lagu xareyey
magaalada Jowhar in aysan aheyn kuwo sharci ah, waxaana loo
baahan yahay buu yiri marka la xareynayo ciidamo qaran in
baarlamaanka la soo marsiiyo, si markaa uu baarlamaanka u
ansixiyo.
Col. Cabdullahi ayaa qaba inaan Muqdisho loo kala dhuuman oo ay
sugaan inta ay garabkoodu xoog yeelanayaan, dabadeedna iyaga oo
wada socda degaan Muqdisho marka ay ka furtaan gacmaha
dagaaloogayaasha ka soo horjeeda garabkooda. Waxaa kaloo isi soo
taraya walaaca uu ka qabo Col. Cabdullahi in lagu cidleeyo
magaalada Jowhar oo dadaal badan ay gelisey beeshiisu.
Khilaafkaan ayaa wax uu sii kordhay markii uu Col. Cabdullahi
soo jeediyay in xubno ka tirsan garabkiisa oo xigta ahaan isaga
aad ugu dhow ay tahay iney ku wehliyaan tegitaankiisa Xamar,
kaddibna in wixii warbixin ah oo ay soo uruuriyaan ay kula soo
laabtaan Magaalada Jowahr. Hase yeeshee Prof. Cali Max’ed Geedi
ayaa isagu ku adkeysanaya in si madaxbanaan uu u tago Muqdisho
uuna kulamo la yeesho xubnaha ka soo horjeeda oo ku sugan
Muqdisho. Khilaafkaas soo jiitamayey ayaa waxa uu keenay in uu
mara badan dib u dhac ku yimaado imaatinkii Prof. Geedi uu ku
soo gaari lahaa magaalada Muqdisho oo lagu waday inuu yimaado
wakhti hore.
Maxamed dheere ayaa isna u muuqda ninka u sababta ah in lagu
kala dareero magaalda Jowhar. Dagaaloogahaas ayaa wuxuu
caburiyey taagerayaasha garabka Col. Cabdullahi, isaga oo
xoogiisa u adeegsanaya siyaasada uu ku muujinayo in garabka
Jowhar ay ku hoos jiraan magantiisa, damaanadna uu isagu ka
yahay oo taladiisa la’aantiis aysan garabkaas qaadi karin wax
tilaabo ah. Maxamed Dheere ayaa hadda waxaa ku foorarta eedeymo
badan oo sababay in garabkoodu ay waayaan dhaqaale badan oo ay
ka sugayeen wadamada caalamka. Hadda waxaa isaga ka sii
fogaanaya taageerayaasha ku fikirkaa Col. Cabdullahi oo u arkaa
Jowhar meel ay ku badan tahay halista caafimaadkooda iyo
caburinta xoriyada fekerkooda.
Maxamed Dheere wuxuu horay uga fogaaday dagaaloogayaasha ay isku
heybta yihiin ee ku sugan magaalada Muqdisho. Wuxuuna feker
ahaan ku raacay Col. Cabdullahi in dagaaloogayaasha Xamar awood
lagu muquuniyo oo dhegta dhiiga loo daro. Haddii uu Prof. Geedi
isaga soo tago Jowhar, waxaan shaki lahyn in Col. Cabdullahi
isna uu u kicitimayo gobolka Bari. Waayo taageerayaasha garabka
Col. Cabdullahi ayaa aaminsan inaan la isku aamini karin Maxamed
Dheere haddii ay fashilanto siyaasada garabka Jowhar, waxeyna
cabsi ka qabaan inuu qarashka ku baxay joogitaankooda uu
qaansheegasho naftooda rahmad ugu qabsado, iyaga oo weliba
meesha aan ka saarin iska hor imaad uu dhexdooda ku daato dhiig.
Col. Cabdullahi oo ay u muuqato burburka garabka Jowhar ayaa si
uu u yareeyo waxyeelada ka iman karta arrintaas wuxuu ka
codsaday Col. Barre Hiiraale inuu dhexdhexaadin ka bilaabo isaga
iyo dagaaloogayaasha Xamar, taas oo ay macnaheedu tahay inuu
helo fursad ah ama inuu kula baxo ciidankiisa ama inuu ka helo
ogolaasho inuu nabad ku yimaado Xamar inta aysan dhicin kalayaac
ku yimaada garabka Jowhar oo hadda xaalkoodu cakiran yahay.
Burburka Garabka Jowhar ayaa waxaa soo hoobiyey dhaqaalihii laga
sugayey adduunka oo loo diidey in la soo gaarsiiyo garabkaas,
iyagoo horay ugu tashaday helitaanka lacagtaas oo ay u
qorsheysneyd iney ku maalgeliyaan maleeshiyooyinka laga soo
uruuriyey Bari iyo dhaqaale badan oo maamulka Jowhar laga
amaahsaday.
Siyaasdda lagu
maamulayo dowlada Soomaalida haddii Prof. Geedi loo madaxbaneyn
lahaa waxaa hubaal noqon lahayd ineysan cakiranteen, sida ay
maanta u murugeysan taheyna ay wax badan dhaami lahayd. Waxaa
nasiib wanaag noqon lahayd in laga tanaasulo xooga loo
isticmaalayo siyaasad ahaan, loona soo noqon lahaa dadaalka dib
u heshiisiinta ay u baahan tahay ummadda Soomaaliyeed in si
daacada looga dhex shaqeeyo. Waxaa rajo weyn laga muujiyey
safarka Prof. Geedi uu ku imaanayo Muqdisho inuu isbedel ku
keeno labada garab ee isku haya awooda Soomaalida, hogaanka
dalkana lagu saleeyo danta guud oo ay meesha ka baxdo
isqabqabsiga ku saleysan fikirka gaar ahaaneyd.
