Siyaasiyi
Taageersan Garabka Col. C/Llahi Yusuf oo Daryeelxumo Caafimaad
Awgeed Ugu Geeriyoodey Magaalada Jowhar.
Buluugleey,
November 11, 2005
Magaalada
Jowhar ayaa waxaa ku geeriyoodey allaha u naxariiste nin la
yiraahdo C/Qaadir Axmed Jibaar. Ninkaas oo ka soo jeeda gobolka
Bay ayaa da’diisa lagu qiyaasay inta u dhexeysa 50 iyo 60 sanno jiro.
Marxuumkaas
geeriyooday ayaa wuxuu la il darnaa xanuun loo maleynayo inuu la
xiriiro xagga dhiiga. degmada Jowhar oo xaruun u ah Col. C/llahi
ayeysan jirin wax gargaar caafimaada oo dadka buka naftooda lagu
badbaadin karo. Isbitaalada magaalada ayaan lahayn qalab, daawo
iyo dhaqatiir aqoon u leh cudurada kala duwan.
Siyaasiyiinta
taageersan garabka Col. C/llahi ee ku sugan Jowhar ayaa geerida
ku timid C/qaadir Jibaar waxey ku dhalisay cabsi. Inta badan
siyaasiyiintaas ayaa waxa isugu darsamay qaniinka kaneecada iyo
caburka dhimirka iyagoo noloshoodii ay ku soo koobantay
maqaayadaha laga qaxweeyo iyo masaajidyada lagu qabto xuska
allabariyada.
Col. C/llahi
ayaa u saaray
aaska marxuumkaas Gudi gaar ah oo heer qarana, isaga oo ka
gaabsaday walaaca kooxdiisu ay ka muujiyeen caafimaaddarada
Jowhar iyo gargaar la’aanta dhinaca daryeelka caafimaadka, gaar
ahaan waayeelada bukaanada garabkan oo ay ku badan tahay
cudurada wadnaha iyo dhiiga.
Geerida
Cabdulqaadir Axmed Jibaar ayaa horseedi karta in siyaasiyiin
badan ay isaga noqdaan degaanadii ay ka soo jeedeen marba haddii
ay adag tahay gargaarka caafimaad ee lagu badbaadin karo
siyaasiyiinta xanuunsan. Waxaan shaki ku jirin inuusan marxuun
Jibaar ahayn keli ahaan kan ku geeriyooda Jowhar laakiin ay ku
soo daba jiraan siyaasiyiin aan yareyn oo daryeelxumo dhaqaale
awgeed u tegey degmada Jowhar, haddana aan ku haysan dhaqaale
iyo caafimaad midna.
