Wadamada Carabta oo Gogol Nabadeed u Fidineya Madaxda Soomalida
Buluugleey, Sunday, September 04, 2005
Wadamo badan oo ka tirsan Jaamacada Carabta ayaa soo bandhigay
sida ay u daneynayaan iney Soomaalida dhex dhigaan nabad.
Wadamadaas ayaa waxaa ka mida Libiya, Yemen, Masar iyo Sacuudiga.
Waxaa meesha ka muuqata in kooxaha awooda weyn ee ka jira
magaalada Muqdisho ay siyaasad ahaan isku dhow yihiin wadamada
Carabta, taasna waxey ku qasabtay in Qaraamada Midoobey ay
weydiisato wadamadaas Carabta iney gacan ka geystaan nabadeynta
Soomaaliya oo aan shaqeyn karin haddii aysan kooxa fadhigoodu
yahay Muqdisho oo leh aqlabiyad balaaran aysan ku qancin awood
wadaaga dowlad qaran oo ka shaqeysa Caasimada Soomaalida ee
Muqdisho.
Waxaa horay ugu dhawaaqay dib-u-heshiisiin madaxweynaha dowlada
Yemen, arrimahaasna dhaqaale uga raadsanaya dowlada Mareykanka.
Waxyaabaha uu la shir tegayana waxaa ka mida mashruuci horay
looga xiray dalka Itoobiya oo ku saabsanaa la dagaalanka kooxaha
argagixisada ee ka jira Geeska Afrika. Gobolka bari iyo dowlada
Yemen waxaa ka dhex shaqeysta kooxo maafiya oo ka soo jeeda
doonleyda labada dhinac, waxeyna iskaashi ku yihiin in ay bada
ku daadiyaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ka soo qaxaya dhibaatada
ka jirta koofurta Soomaliya. Ilaa iyo haddana ma jirto dowlada
yemen arrintaas xal masax gala oo ay ka gaartey, marka laga
reebo iney dalkeeda u diidey dadka Soomaalidaa oo u soo qaxaya.
Siyaasiyeen badan uma arkaan dowlada Yemen mida wada wanaaga
danaha Soomaalida.
Dowladda Masar ayaa maanta si rasmi ah iyana u soo bandhigtay
inay qabaneyso shirweyne lagu heshiisiinayo dhinacyada khilaafka
uu ka dhaxeeyo ee dowladda IGAD u sameeysay Soomaaliya .
Xukuumadda Masar ayaa waxa ay sheegtay in ay soo dhoweyneyso
qabsoomida kulan balaaran oo lagu qabto magaalada Qaahira kaasoo
lagu dhexdhaxaadinayo Siyaasiyiinta Soomaaliya oo khilaaf
beeleed ku kala tegey , waxaana Dowladda Masar ay sheegtay in
gacan ka geysaneyso sidii go,aanada ka soo baxa kulanka ay
qabaneyso ay uga fuli lahaayeen gudaha Soomaaliya sida ugu
dhaqsiyaha badan . Wasiirka arimaha dibadda Masar Axmed Abul-
Gheyd oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Qaahira ayaa
waxaa uu kaga dhawaajiyay in dowladda Masar iyo Q.M ay iska
kaashan doonaan qabsoomida kulankaasi oo noqon doono mid lagu
soo dhameeyo khilaafaatka iyo is afgaranwaaga u dhaxeeya Madaxda
Soomaalida , waxaa uuna xusay in kulankaasi uu noqon doono mid
lagaga dhabeeyo dib u hesheesiinta dhinacyada siyaasadda ee
Soomaaliya . Axmed Abul- Gheyd ayaa waxaa uu intaasi ku daray in
diyaar garow weyn uu u baahan yahay kulan noocan oo kale ah oo
ummad fowdo 15 sano ku jirtay lagaga saarayo , waxaa uuna
tilmaamay in shirka ay qabanayaan dhowaan uu noqon doono mid
dhibaatada ka saara Shacabka Soomaaliyeed kana soo baxaan
natiijooyin wax ku ool ah . Axmed Abul-Gheyd oo ah wasiirka
arimaha dibadda Masar ayaa ku nuux nuuxsaday in Q.M ay la soo
jeclaatay dowladda Masar in ay marti geliso shirweyne lagu soo
dhameeyo fikradaha is khilaafsan ee u dhaxeeya hogaamiyeyaasha
Soomaalida , isagoo sheegay in Q.M ay arintan la doorbiday Masar
markii ay dareentay xiriirka wanaagsan ee Qaahira kala dhaxeeya
Hogaamiyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya .
Dowlada Masar ayaa daneyneysa dhaqaale ay ku hesho shir dib u
heshiisiineed oo ay u qabato Soomaalida. Masar waxaa aad u
farxad geliyey iney waxba ka qabsoomi wayeen faragelintii
dowlada Itoobiya ay ku heysey Soomaaliya si ay uga hesho
dhaqaale. Waxaa kaloo hadda Masar u muuqday in maamulka
Mareykanka ee madaxweyne Bush uu ka sii jeesanayo dowlada
Itoobiya oo aan ku guuleysan iney dalkeeda ka hirgeliso hanaanka
dimoqaraadiyada kadib markii maamulka Mele Zenaawi uu ku shubtay
doorashadii u dambeysey ee laga qabanqaabiyey dalka Itoobiya.
Masar hadda waxaa fooda ku soo haya doorashada madaxweynaha oo
dhaceysa Arbacada soo socota, taas oo u dhacaya si
dimoqaraadiya. Doorashadaas waxaa soo diyaariyey Tony Blair,
Bill Clinton, Charles Kennedy, iyo wiilka uu dhalay madaxweynaha
Masar ee loo yaqaan Gamal. Dowlada Masar waxaa si weyn u gacan
bidixeeyey maamulka Jamhuuriga ee hadda ka taliya Mareykanka oo
u arka Masar mid u dheelisa taageerada siyaasadeed ee Xisbiga
Dimoqaraadiga Mareykanka. Hadda dowlada Mareykanka waxey cabsi
ka qabtaa iney masar qabtaan dowlad ay hogaaminayaan Iqwaanu
Muslimiin oo runtii taageero balaaran ka heysta shacabka Masar.
Madaxweynaha Masar ayaa hadda $1m qarash ahaan ku bixiyey
doorashada musharaxnimadiisa, lacagtaas oo ay ka kaalmeeyeen
wadamada shisheeyahaa ee daneeya Masar. Mareykanka ayaa hadda
doonaya iney soo celiyaan madaxtinimada Xusni Mubaarak iyo
weliba iney u furan albaabo horay looga xirey oo ah in ay noqoto
mariinka loo maro wadamada Carabta, gaar ahaan Soomaaliya iyo
Suudan oo ay ku heli jireen dhaqaalo aan yareyn.
Dowladda Sacuudiga ayaa ahayd wadan cabsi weyn ka qabi jirtey
dalka Soomaaliya oo hub badan ka heli jirtey Ruushka, wadamada u
dhowna ku dhiiro gelin jirey isbedel siyaasadeed oo ku yimaada
afgembi ama kacdoonka dadweynaha. Sacuudiga oo si dirqiya uga
fakaday in Mareykanku u adeegsado cudud milateri kadib markii ay
carigiisa weerareen argagixiso u dhasahay dalka Sacuudiga ayaa
cabsi labaad waxey ka soo foodsaartay dowlad la’aanta ka jirta
Soomaaliya, iyada oo laga dhaadhacsiiyey in Soomaaliya ay halis
ku noqon karto nidaamka boqortooyada haddii ay halkaas ka
dhalato dowlad islaama oo shacabka Sacuudiga ku dhiirigelin
karta iney ka soo horjeestaan maamulka boqortooyada oo aan
danaha shacabka islaamka iyo kan Sacuudiga aan midna u adeegeyn.
Sacuudiga ayaa hadda qaba in nabadeyn laga sameeyo Soomaaliya
lalana dagaalamo kooxa mitidkaa ee ka jira gudaha Soomaalida.
Waxaase sacuudigu uu markasta ka soo horjeeda faragelinta
Itoobiya iyo in Mareykanku uu ku duulo Soomaaliya oo aan hadda
lahyn wax dowlada ee la aqoonsan yahay.
Boqorka
dalka Sacuudiga
Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis ayaa u bandhigay golihiisa
wasiirada codsi uu soo jeediyay Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo uu
ku dalbanayay Dhaqaale. Kulanka Golaha wasiirada xukuumadda
Sacuudiga oo ka dhacay Qasriga Al-salaam ee magaalada Jiddah
ayaa boqorka dalka Sacuudiga waxa uu soo bandhigay kulankii
isaga iyo C/laahi Yuusuf ku dhex maray magaalada Jiddah 23dii
Agoosto iyo codsiga gaarka ah ee ka yimid dagaaloogahaas, kaas
oo ku aadanaa in laga taageero dhinacyada siyaasadda iyo
dhaqaalaha. War qoraal ah oo kulankaasi laga soo saaray ayaa
waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay xoojineyso xiriirkii
kala dhaxeeyay Somaliya iyo soo celinta adeega bulshada, waxaana
lagu sheegay qoraalkaasi in Col. Cabdullahi Yusuf laga doonayo
in uu sameeyo dadaal badan oo ku aadan dhinaca nabadda iyo dib u
heshiisiinta. Sacuudigu waxa uu ka gaabsaday inuu cadeeyo
dhaqaala laga codsaday inuu soo gaarsiinayo Soomaalida iyo in
kale. Aad bay u wanaagsanaan lahyd haddii Sacuudigu uu dhaqaale
xoogan siiyo dadweynaha Soomaaliyeed si ay ugu dhistaan
adeegyadii bulshada oo horay uga burburay. Waxaa la
saadaalinayaa in dhaqaalahaas uu gacanta u geli doono dowlada
Masar oo hadda diyaarineysa googol nabadeed oo ay u fidiso
madaxda Soomaalida.
