Golaha Amaanka ee Qarammada Midoobay Ee diiday in Soomaaliya
Cunaqabateynta Hubka laga qaado
Buluugleey July 15, 2005
Golaha
Amaanka ee Qarammada Midoobay shir ay lahaayeen ayey qoraal ka
kooban 3-bog oo ay ku diidanyihiin in haatan Soomaaliya laga
qaado cunno qabateynta hubka ay soo saareen. Taasi waxay ka
danbeysay markii ay xubno ka tirsan Ururka Midowga Afrika ka
codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka si
ciidamada IGAD loo keeno oo dalka hub iyo saanad fara badanna
loo soo geliyo si mar kale xasuuq dalka uga dhaco.
Waxaa
kaloo qoraalka Qarammada Midoobay ku xusnaa in xubnaha dowladda
KMG ah ee ku sugan magaallada Muqdisho ku ammaanan yihiin
dadaalladii ku aaddanaa dhinaca nabadda ee ay ka fuliyeen Gobolka
Banaadir taas oo ka mid ahaayeen ciidammadii lagu xareeyey
xerooyinka Hiil-Weyne iyo Laanta-Buur iyo weliba qaadista
isbaarrooyinka oo sida shrcidarrada ah kala qoqoba isku socodka
gaadiidka magaallada Muqdisho.
Ugu
danbeyntii wuxuu qoraalka Golaha Amaanka ee Qarammada Midoobay
ugu baaqayaa in dadaal aan lagu kala harin lagu raadiyo gacan ku
dhiigleyaashii dilay marxuum Cabdulqaadir Yaxye oo ahaa
Agaasimihii hay’adda Cilmi Baarista iyo wada Tashiga ee marka
magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno (CRD).
Si
kastaba ha ahaatee, Col. Cabdullaahi
Yuusuf ayuu go'aanka Golaha Amaanka ku noqonayaa dhabarjab
maaddaama uu aad u doonayey in cunnaqabataynta hubka laga qaado
Soomaaliya si ciidamo ka socda dalalka IGAD ay Soomaaliya u soo
galaan.
