Guddoomiye
Shariif Xasan oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho
Buluuglee, Axad, 15ka
May, 2005.
Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ka soo degey garoonka
dayaaradaha Deyniile ee ku yaal magaalada Muqdisho, magaala
madaxda Soomaaliya. Imaatinka uu guddomiyaha barlmaanka Mudane
Shariif Xasan uu maanta yimid Muqdisho waxay ku beegantahay
maalin ay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanaba u dabaaldegayaan
maalinta weyn ee lagu mamuusayo ururka dhallinyarada
Soomaaliyeed SYL ee la assaasay
Sannadkii 1942.
Soo dahweynta Gudoomiyaha waxaa
ka qeyb galay mas'uuliyiin faro badan oo ka tirsan labada gole
ee dowlada Federaalka KMG. Halkaas waxaa Mudane Shariid Xasan ka
qaatay salaan sharaf cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka
sida ee Soomaaliyeed iyo cutubyo ciidan fardooleey ah oo
halkaasi ku diyaar ahaa. waxaa kaloo goobtaas ciidamada
baambeeyda ka tunmeen muusikada astaanta u ah dalka
Soomaaliya.
Waddooyinka waaweyn ee magaalada
Muqdisho ayaa buuxiyay dadweyne aad iyo aad fara badan ee
badankooda ruxayey caleemo qoyan, waxayna ku luuqeynanayeen
heesayay soo dhaweyn ah. Markuu gaariga siday guddoomiyaha soo
hareer marayay u gacan haadiyay Mudane Shariif Xasan isagoo la
qiirooday sharafta weyn ay u hayaan dadweynaha Soomaaliyeed.
Gudoomiyeha iyo Wafdiga la
socdey ayaa u soo dhaqaaqey dhinaca xarunta Xisbiga halkaasi oo
ay diyaar ku ahaayeen xubno ka tirsan labada gole ee dowlada
Federaalka KMG, madax ka tirsan Gobolka Banaadir, ururada
bulshada, ganacsato, odoyaasl dhaqameed, iyo mas'uuliyiin kale,
iyo dadweyne aad u fara badan.
Gudoomiyeha Golaha baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aaden waxaa heeso xamaasad leh ku soo
dhaweeyay qaar ka tirsan hobollada Waaberi ee ku sugan dalka
gudahiisa.
