Abaaraha aafeeyey dalka
Soomaaliya waa mid xil ka saaran dhamaan umadda Soomaaliyeed
Buluugleey
Februry 18, 2006
Abaaraha
ba’an ayaa dhibaato weyn gaarsiiyey dad aad u fara badan ee ku
dhaqan gobollo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Abaaruhu waxay la
kaashadeen xisad colaadeed ee isdaba joog ah ee dhawaanahan
naafeeyey gobolladaas. Abaarahaas ayaa sababay dhimasho
iyo macluul waxaana ku xaalufay duunyo aad u fara badan.Sidaas
darteed ayaa gobolladaasi ka qaxeen qoysas fara badan waxayna u
qaxeen xuduuda Kenya. Waxaana abaaruhu laga cabsi qabaa inay
xaalufiso dad iyo duunayaba, hadii aan gurmad deg-deg ah lala
soo gaarin.
Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ayaa si
bani’aadnanimo ah isku xilqaamay iyagoo si wada jir ah deeq aan
kala go’lahayn ilaa haatan walaalahooda abaartu waxyeelleysay
ugu deeqayaan.
Hey’adda Laanta Qeyrta Cas ee caalamiga ah (Red Cross) ayaa
haatan bilawdey gargaar deg- deg ah oo la gaarsiinayo dadka ku
macluushan abaaraha ee ku dhaqan koonfurta Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaa loogu baaqayaa inay
gargaar ded-deg ah la soo gaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee
abaaraha la ildaran. Gaar ahaan waxaa qof kasta oo Soomaaliyeed
laga rajeynayaa inay si gaar ah isku xilqaamaan sidii loola
gaari lahaa lahaa gargaar si loo badbaadiyo inta hadhay.
Dadka Soomaaliyeed ayaa u maqneen dowlad gargaarta, lagana
sugeynin waqtiga xaadirka ah inay fiira gaar ah siiyaan ama
gacan ka geestaan qoyaska ku la'anaya dalka Soomaaliya.
