Haddii
fadhiga barlamaanku si wadajir ah u qabsoomo waa guul u soo
hoyatay Reer Baydhabo
Buluugleey February 20, 2006
Xubnaha labada gole ee Dowlada KMG ee ku sugan Jowhar oo uu
hoggaminaya Col. C/laahi Yuusuf, Porofesoor Geedi ayaa la
filayaa inay u kicitimaan magaalada Baydhabo maalmaha inagu soo
aadan si ay uga qeyb galaan fhadhiga dowlada KMG ee in mudo ahba
xurguf siyaasadeed ay ka dhaxeysay. Fadhigaas ayaa la
saadaalinayaa inay xubnaha barlaamaanka
intooda badan
ay
ka soo wada qeybgalaan.
Waxaase weli kalacadeyn in hogaamiyayaasha hubeysan ee ka
tirsan dowlada KMG ay la imaan doonaan malleeshiyadooda u
qaabilsan amaankooda. Dhanka kale ayaa wararku sheegayaan in
Col. Cabdulalhi Yusuf ka wadan toono magaalada Jowhar ciidan uu
ku kalsoonyaay oo amaankiisa suga, in kasata oo Baydhabo tahay
magaalo looga diyaargaroobay amaanka wafdiyadan ku soo fool leh.
Baydhabo oo ah meel istiraatijiyad muhiim ah
kana jirtey
dagaallo ayaa
waxaa
horey loo qondeeyay in malleeshiyada kala duwan ee sida aadka u
hubeysan in la geeyo xeroonyin gaar ah, laakinse ilaa hadda ayaa
malleeshiyadu weli ku sugantahay gudaha magaalada.
Hoggamiyayaalka ka soo jeedo gobolka Bay ayaa rumeysan in
fadhiga barlamaanka dowlada KMG haduu sida loogu talagalay u
qabsoomo, taasi waxay noqon doontaa guul u soo hoyato dadka reer
Beydhabo, taasina waxay u suurta gelin doontaa awood siyaasadeed
ee ay ku saleysan nabadeynta qaranka Soomaaliyeed. Nabadeynta ka
curandoonto magaalada Baydhabo ayaa dad badani rumeysanyihiin in
hogamiyayaalka kale ee weli ku xoogsada qoriga karkaarada weydaarin doonto.
Kulanka Barlamaanka ee muddo
dhow laga qorsheeyey in lagu qabto magaalada Baydhabo ayaa ah
mid la filayo inay ku kulmaan labada garab ee kala taabacsan
Muqdiisho iyo Jowhar ,waxaana la filayaa inay garabyada
dowladda KMG ee la yimaadaan siyaasad weji cusub leh ee si aad
ah uga duwan tii hore.
