
Halgankii Loo Soo Maray Curinta
Qaranimada Soomaaliyeed
Qarandunkii 1aad
Soomaalidu waxey u soo martay jiritaankeeda
jid dheer oo dhiig badan ku daatay. Waxaa la aaminsan yahay in
Faraaciintii asalkeedi hore ay ka soo jeedey dhinaca Soomaalida.
Soomaaliduna waxey waqtigaas ka mid ahayd qowmiyadihii safka
hore kaga jirey aduunka. Webiga Nile wuxuu ahaa jidka keliya ee
isku xir jirey Soomaalida iyo Masaarida. Dhulka buuraleydaa ee
afka webiga Nile uu ku yaal ayaa degaan u ahayd Soomaalida,
waxeyna boqortooyo xoogan ku lahayeen degaankaas, waxaana xaruun
u ahayd degaanka loo yaqaan Shewa oo markaas aysan Addis Sababa
aysan ku jirin. Waxaa degaanada ku teedsan buuraleydaas oo ku
kala noolaa qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Amxaarada, iyo
Danaakiisha (gaalla), waxeyna dadkaasi ahayeen kuwo aan kala
tiro badneyn.
Waxaa soo can baxay boqortooyadii Amxaarada
oo dhamaadkii waqtigii faraciinta bilaawday iney sameystaan
xiriir aqoon kororsi ah ee la yeesheen dowladihii
boqortooyadihii markaas jiray. Sidaasna Amxaaradu waxey xagga
aqoonta iyo farsamada kaga hormartay qowmiyaadkii kale oo iyagu
aan dadaal u gelin la socodka aduunka kale inta ku dhow moyaane.
Markii Amxaaradu u talaabtay dhinaca Dhulalka Carabta waxey ka
heshay aqoonsi, waxaana loo bixiyey magaca Xabashida, sidoo kale
markii ay la kulmeen badmareenada reer Yurub h oo markaas u
badnaayeenGreek, waxey ka kasbadeen magaca Ethiopia oo la macna
ah “Wejigii Gubtey”, sheekooyinkoodana waxey gaaartey Yurub.
Xiriirkii ay la yeesheen dadka ku nool
aduunka kale waxey Amxaarada ku soo kordisey xeelado dagaal,
sameynta qalabka dagaalka iyo adeegsiga fardaha oo loo
isticmaalayo gaadiid ahaan. Markii tayadii Amxaarada ay kor u
kacday ayey bilowday iney dhulka buuraleydaa oo dhan u taliso,
waxeyna bilowday in ay qowmiyaadka kale ay dulaan ku sikiso oo
ay ku shubto dhulka hoose oo kuleylka badan. Qowmiyadihii kale
waxey bilaabeen iney ka sikadaan sida Danaakiisha, qaarna ay
ogoladaan xukunka Amxaarada sida Oromada, qaarna waxey goosteen
iney la dagaalamaan sida Soomaalida.
Boqortooyadii Xabashida ee Axzum, jirteyna
250 sanno ka hor dhalashadii Diinta Kirishtaanka waxey xiriir
xoogan la lahyd Greek oo ahayd xilgaas dowlada ugu xoog iyo
aqoonba sareysay Yurub, waxeyna si joogta ah uga heli jirtey
hubka iyo saanada waqtigaas dagaalka loo adeegsan jirey.
Soomaalida oo qalabka dagaalka looga awood roonaa waxaa lagu
qasbay in lagu soo riixo dhinaca Shewa, halkaasna lagu soo
aruuriyey xoogooda.
Qarniyaal kadib dagaalo socdey waxey
Xabashidu ku guuleysatay iney burburiyaan boqrtooyadii
Soomaalida waxayna ay noqdeen wax u cararay xeebaha Soomaalida,
degaankii Shewa ku dhowaa ee Harar, iyo qaar u galay degaanka
Oromada oo qowmiyadaas ku biiray ogolaadeyna Xukunkii Amxaarada.
Xiriirka u dhexeeyey Amxaarada iyo Greek oo
aad u qoto dheeraa ayaa wuxuu sababay in Amxaaradu ay qaadato
diinta Masiixiga, oo ahayd Orthodox. Amxaaradu waxey ahayd
dadkii ugu horeyey dadka Afrika oo qaatay diinta Kirishtaanka,
waxeyna taas u keentay in laga qadariyo wadamada Yurub.
Boqortooyadii Xabashida oo aad isku mahdisay ayaa waxey qorshe
la gaartey Yurub si dhulka siman ee Soomaalidu xoolaha ku
dhaqato ilaa xeebaha Soomaalida ay ka mid noqdaan boqortooyada
Xabashida. Xilligaas waxaa Yurub looga adkaaday Greek, waxaana
soo baxday boqortooyadii xooga weyneed ee Roomaanka oo
waqtigeedii u dambeeyey la saan qaadey dhalashadii diinta
Kirishtaanka. Boqortooyadii Roomaanka waxaa Greek dhexmaray
dagaalo qaraar, iyada ayaana dumisey boqortooyadii Greek, mana
aysan ahayn mid soo dhaweysey diinta Kiristaanka oo Nebi Ciise
iyadaa surtay iskutilaabta ama macatabka oo uga tegey aduunka.
Xabashida xiligaas waxaa soo foodsaaray cabsi, waxaana meesha ka
baxay kaalmadii ay ka heli jirtey Greek oo Yurub looga awood
roonaaday, dalkeedina la qabsaday. Halkaasna waxaa ku damey
dulaankii iyo damacii Xabashida ay ku qorsheyneysey iney ku
qabsato dhamaan dhulka Soomaalida.
Soomaalidii ku soo qaxday Harar iyo kuwii
horay u joogey waxey degaankaas ka abuurteen xukuumad awood yar,
waxeyna ku galeen tabaasheyn, iyo is urursi qaatay qarniyaal.
Waxey soomaalidu qaadatay Diinta Islaamka qarnigii 7aad,
waxeyna heshay afkaaro cusub, xilado dagaal iyo kaalmo uga yimid
wadamada Islaamka, gaar ahaan kuwa Carabta, Persia, iyo Turkey.
Soomaalida oo ka soo kabatay firxadkii iyo jabkii ay u geysatay
Amxaarada kumanaan sanno ka hor ayaa intii ku hartay degaankii
Shewa iyo Harar waxey sannadkii 1528 mar labaad dagaal culus la
galeen Boqortooyadii xabashida. Dagaalkaas waxaa hogaaminayey
halyeygii Axmed Ibraahim Gurey oo 15 sanno Xabashida dagaal kula
jirey, burburiyeyna awoodii boqortooyada Xabashida ilaa ay ka
codsadaan ciidan shisheeye oo uga yimid Purtaqiiska, Griik iyo
wadama kale oo Yurub iyagoo wata madaafiic iyo hubka qarxa oo
kala du-duwan.Wixii dagaaladaas ka dambeeyey Xabashidu af ka
hadal mooye waa ayey joojisey dulaankii ay ku fidsaneysay dhulka.
Boqoorkii Menelik II oo Etoopiya xukumayey inta u dhexeysa 1868
ilaa1913 oo la socdey waraka Yurub ayaa markii uu arkay in
dhulka Soomaalida Yurub ay kala boobeyso ayuu weerar ku qabsaday
degaankii Harar sannadkii 1890s.
Qarandunkii 2aad
Markii Soomaalidu ay ka soo
jabtay dhulka buuraleydaa ee webiga Nile soona degtey xeebaha
Zeylac ilaa Kismaayo, ayaa Masaaridii hore waxey u bixisay
dhulka Soomaalida dhulkii dadka madow ee Berber. Soomaalida
inteeda badan waxey ku noolaayeen dhulka gudaha ah, degaanka
xeebuhuna wuxuu u badnaa dhul banana oo aan sidaas loo degganeyn.
Qarnigii 7aad ayaa Soomaalida waxaa diinta soo gaarsiiyey
wadaado Carbeed oo ka soo baxsaday cadaadiskii ay ku hayeen
qabaa’ilada Carabta waaweyn oo ka soo horjeedey diinta Islaamka
oo lid ku ahayd dhaqankooda. Diinta Islaamka ayaa si fudud ugu
fidday dhamaan dhulka Soomaaliyeed oo baaxad ahaan aad u
balaarnaa. Wadaadadaas yimid ka sokow xiriirka Carabta iyo
Soomaalida ma hayn mid isaqoonsi jid u furay, wixii mararkaas ka
dambeeyey Soomaalida degta xeebta iyo badmareenada Carabta waxaa
u dhexeeyey dhaqanka Islaamka oo u badnaa dhaqanka Carabta,
waxeyna Soomaalida kala kulmeen soo dhaweyn. Carabta waxey
daneyneysay ganacsi iyo iney xeebaha Soomaaliyeed ka dhigato
meel ay ku soo xirtaan marakiibtoodu. Waxey kaloo daneynayeen
dadka madow oo ay adoon ahaan ay uga ganacsadaan. Soomaalidu
marna ma jecleyn in Carabta ay is dhexgalaan oo ay wadaagaan
guur ama ay wada degaan.
Waxaa qarnigii 7aad dalka soo
galay qaxooti ka yimid dhinaca Yemen, xeebaha Bari ee
Soomaalidana ka abuurtay xukuumad uu ka taliyo Suldaan. Waxaana
qarnigii 17aad qabsaday boqortooyadii Cumaan ee ka jirtay Muscat
oo ku taal qaliijka Carabta. Sannadkii 1866 ayaa maamulkaas
waxaa dib u qabsaday Boqortooyada Zanzibaar oo ka soo go’day
Boqortooyada Cumaan. Wadanka Cumaan waxey qaranimadiisu
bilaabtay 661, waxeyna xukunka islaamka ku biirtay 697 oo ay
ahayd wadan madax banana oo Caraba.Wixii ka dambeeyey
sannadkii1744 boqortooyadii Cumaan waxey ku fidday Khaliijka
Carabta iyo Peershiya, Pakistaan iyo geeska Afrika ilaa
Zanzibaar. Markii uu geeriyoodey Suldaan Saciid bin Suldan Al-Busaid
sannadkii 1856 ayeey wilashiisa ku dagaalameen dhaxaltooyada,
waxeyna u kala jabeen laba qeybood. Carqaldaas ay ku kala
qeybsameen darted baa markuu Sannadku ahaa 1861 ayaa qeyb
xukunka ka mid ah waxay noqdeen qeyb ka go’day xukunkaas
waxayna ka taliyeen Zanzibaar iyo xeebta bariga Soomaalida.
Bortuqiiska oo sahan ku ahaa
helida dalka India ayey maraakiibtiisu si joogtaa ugu xiran
jireen xeebaha Koofurta Soomaalida, wuxuuna magacaabay
magaalooyinka Mugadishu, Merca, iyo Brava, oo uu ka sameystay
degaano qarniyadii 15aad iyo 16aad. Inkastoo ujeedadiisu ahayd
mariin uu u helo maraakiibtiisa ganacsiga haddana wuxuu
magaalooyinkaas iyo xeebaha ku dhowaa ka sameeyey qalcado,
wuxuuna ku soo rogey xukunkiisa ilaa ay ka qabsadaan
boqortooyadii Cumaaniyiinta ee ka talineysay Zanzibaar.
Waxaa xeebaha Soomaaliyeed ee
Zaylac iyo kuwa kale oo ku teedsan Badda Cas, iyo koofurta
xeebaha ku yaal sida Kismaayo ay gacanta u gashay Xunkii
Masaarida, waxeyna xeebahaas ka talinayeen laga soo bilaabo 1875
ilaa 1887. Awooda Masaarida waxaa waqtigaas wiiqay dagaalkii
Mahdiyiinta oo kaga furnaa dalka Suudaan. Wadanka Masar taariikh
ahaan waxaa soo xukumay dowlado xoog weyn oo reer Masara ah,
kuwaas oo jirey 3200 ka hore dhalashadii diinta Kirshtaanka,
dabadeedna waxaa qabsaday Pershiya (Iran) sannadkii 525
dhalashada Kirishtaanka ka hore, waxaana ka sii qabsaday Greek
sannadkii 332 dhalashada Kirishtaanka ka hore, sannadkii 51
dhalashada Kiristaanka ayaa waxaa qabsaday Roomaanka.Masaaridu
sannadkii 636 ayaa lagu daray xukunka Islaamka, lana baray afka
Carabiga, waxeyna noqotay dowlad Carbeed oo madax banana
sannadkii 878. Sannadkii 1517 ayey ka mid noqotay xukunkii
Cusmaaniyiinta ee Khaliif Cusmaan oo ka soo jeedey waddanka
Turkiga. Waxeyna Masar gacanta u gashay Ingriiska sannadkii
1882. Kadibna wuxuuna Ingriisku boqortooyadii Cusmaaniyiinta
dumiyey sannadkii 1914, wuxuuna maser ka sameeyey boqortooyo
hirgashay sannadkii 1922.
Dalka Turkiga oo ay ka
soo jeedeen Cusmaaniyiinta taariikh ahaan waxaa soo xukumay
Greek inta u dhexeysey 200-1200 BC, waxaana xukunka ka qabsaday
Pershiya inta u dhexeysey 546-334 BC, dabadeedna waxaa qabsaday
Roomaanka sannadkii 133 BC. Burburkii Romaanka kadib reer
Turkiya waxey isku xukumayeen hab qabiil. Dabadeed sannadkii
1243 waxaa qabsaday Mongoils, waxaana ka qabsaday xukuumadii
islaamka ee boqortooyadii la magacbaxday Cusmaaniyiinta.
Boqortooyadaas Islaamka waxey ka qeyb gashay dagaalkii kowaad ee
adduunka, waxeyna xulafo ahaan la barbar safatay Germany. Markii
looga adkaaday xulafadaas dagaalka ayey burburtay boqortooyadaas
oo dalalkii ay xukumeysay oo dhan sida Masar waxaa la wareegey
xulufadii ku adkaatay dagaalkii Kowaad ee Adduunka.
Inkastoo Soomaalida xiligaas u ku
riyaaqeen jiritaanka madaxbanaanideeda oo intooda badan aysanba
war ka hayn in xeebahooda ay xukuumado Carbeed ka talinayaan,
haddana dowladahaas Carabeed Soomaalida kulama dhaqmeyn qaab
isticmaar ku dhisan oo waxey ku ekaayeen xeebaha oo ay ku
ilaalsanayeen danahooda ku dhisan ganacsiga maraakiibta. Soomaalidu
oo dhaqan ahaan aad uga duwnaa carabta ayaa markii ay xiriir
ganacsi dhexmaray waxay Soomaalida u soo horseedeen habka
qabaliyadda oo waayihii danbe Soomaalidu qeybiyey cududooda.
Carabtu waxay kaloo Soomaalidu u horseedeen marin ay soo
maraan Gumeysigii Yurub. Wadamada Carabta ka hor Soomaalidu waa
isku duubneyd, dulaankana wadajir ayey u wada qaadi jireen sida
kii Gaalkacyo looga kiciyey Gaallaha ama kii lagu qaaday
Booranta ee ka dhacay Baali iyo Sidaamo. Soomaalida waxaa ku
dhacay jabkii labaad markii ay soo baxeen qabiilo bilaabay iney
ku abtirsadaan Carabta, qaarka kalana ay isdifaacid u galeen
sinji Afrikaan ah, qaarna ay ku dadaaleen iney isir la wadagaan
cadowgii Soomaaliyeed ee Xabashida.Waxaa intaas ka darneyd
markii Soomaalida qabiil walba uu iskiis u sameystay boqortooyo
u gooniya, taasna ay kaga daydeen dhaqanka Carabta oo dhul walba
oo yar uu ka talinayey suldaano isku wada heyb ah.
Wadamadii Islaamka ee xukumayey xeebaha
Soomaaliyeed waxey heshiis la galeen dowladihii Yurub, sidaas
ayey Masar ugu wareejisey Ingriiska xeebihii Soomaaliyeed oo ay
xukumeysay, sidoo kale Boqortooyadii Zanzibaar waxey talyaaniga
gacanta u gelisay xeebihii ay ka talineysay. Soomaalidu wax war
ah kama aysan haynin gacan is weydaarsigaas xeebahooda lagu
milki wareejinayey, mana jirin wax dagaal ah oo Carabtaas ay la
galeen gumeysteyaashaas reer Yurub ineysan qabsan Xeebahaas
Soomaaliya.
Qarandunkii 3aad
British oo daneynayey inuu helo mariin
nabadeed ee uu u maro Asia ayaa bilaabay markuu sandku ahaa1840
inuu heshiis la galo Suldaankii Tajura ee xeebaha Soomaalida
Djibouti, ka dibna wuxuu heshiis la galay madaxdii qabiilada
Soomaaliyeed ee degeneyd xeebaha waqooyiga Soomaliyeed sannadkii
1886 isagoo u ballan qaaday inuu dadkaas damaanad gelinayo oo uu
wakiil uga noqonayo aduunka kale si ay uga badbaadiyo cid kale
oo qabsata. Ingriiska wax mariin ka baxasn ujeedadiisu ma ahayn,
wuxuuna doonayey inuu India uga soo gudbo kanaalka Suez. Waxey
ahayd shirkadii loo yaqaaney The British East India Company oo
ku qasabtay Ingriiska iney u sameyso dekedo ku yaala xeebaha
waqooyi ee Soomaalida oo ay shuruud la’aan uga sameystaan meelo
ay ku xirtaan, kana helaan sahayda cuntada iyo keydad kale.
Ingriisku wax dan ah kama lahayn Soomaalida iyo ismaamulka
gudaheeda. Waxaa dareenka Ingriiska soo jiitey waa halgankii
dheeraa oo uu halyeygii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu la galay
Ingriiska. Halgankii Darawiishta ayaa cagta mariyey Ciidamadii
badda iyo dhulka ee uu lahaa Ingriisku, markaas ka dib waxey
Ingriiska ku qasabtay inuu u soo jeesto guddaha Soomaalida,
wuxuuna Ingriisku go’aansaday inuu dayaaradihii ka soo laabtay
dagaalkii 1aad ee aduunka sannadkii 1919 oo ahaa DH9 inuu ku
weeraro Daraawiishta isagoo Sayidku ugu yeeray “Mad Mullah”
wadaadkii waalnaa, wuxuuna qorshahaas fuliyey January 21th, 1921
oo uu ku burburiyey xaruuntii ugu weyneed ee Taleex. Jebinta
Daraawiishta Sayidka ma ahayn oo keliya dayaaradihii Ingriiska,
ee waxaa horey xoogiisii u wiiqay dagaaldii sokeeye ee uu ku
dhisnaa qabiilka ee uu la galay qabaailkii deggenaa waqooyi iyo
waqooyi -bari Soomaaliya. Ingriisku markaas wixii ka dambeeyey
wuxuu u soo jeestey inuu gumeysto Soomaalida ku nool Waqooyiga.
Talyaaniga ayaa gacan ka helay Suldaanka
Zanzibaar oo xiriir ganacsi uu horay u dhex maray, waxeyna
boqortooyadaas ay ku wareejisay Talyaaniga sannadkii 1885
xeebaha koofurta Soomaaliya, sidoo kale talyaanigu sannadkii
1889 wuxuu heshiis la galay boqortooyadii Majeerteenka oo
ogolaatay iney hoos timado maxmiyada Talyaaniga oo u balan
qaaday hanti, hub iyo inuu kor ka difaaco. Sannadkii 1897 ayuu
Talyaanigu la galay heshiis Xabashida iyo Ingriiska, kaas oo
qeexayey sameynta sohdin u dhaxeysa dhulalka Soomaalida iyo
Ethiopia. Talyaaniga oo Soomaalida u soo aadey inuu lacag ka
sameeyo dhul beereedka hodanka ah Soomaalida ee ku dhow labada
webi ee Shabeele iyo Juba ayaa Ingriiska dagaalkii 1aad kadib
abaal marin ahaan kaga codsadey in Dhulka Soomaaliyeed ee ka
shisheeya webiga Juba uu ku soo wareejiyo si Talyaaniga oo faqri
ahaa uu halkaas uga helo cunto uga soo baxda beerahaas.
Talyaaniga waxaa sannadkii 1924 lagu
wareejieyey Jubada hoose oo markaas ka tirsaneyd maxmiyada
Ingriiska uu ku hayey Kenya. ayuu .1925 ayaa Talyaanigu
burburiyey Boqortooyadii Majeerteenka. Talyaanigu wuxaana dadkii
la shaqeeyey ku abaalmariyey inuu u soo masafuriyo magaalada
Kismaayo sannadku markii uu ahaa 1927. Talyaaniga ayaa wuxuu
bilaabay inuu madaxdii qabiilada Soomaaliyeed oo ugu yeeri jiray
“Capo Cabilla”ayuu laaluushay una qoray lacag iyo hub si uu u
dego gudaha Soomaaliya. Wuxuu hub iyo lacag siiyey boqortooyadii
ka jirtey Waqooyi Bariga Soomaaliya si ay u wiiqaan halgankii
uu Sayidku waday inta uusan burburin boqortooyadaas. Sidoo kale
wuxuu Cabsi weyn ka qabey Soomaalida degta Gobolada dhexe oo uu
u arkayey kuwo ay ku dheertahay wadaniyadda, wuxuuna doonayey
inuu dareenkooda ka jeediyo tacadi faraha badanaa oo Talyaanigu
ka waday koonfurta Soomaaliya. Wuxuu ogaa ineysan Soomaalidu
jecleyn xabashida, isagana waxaa ku jirey damaci uu ku doonayey
inuu ku qabsado Ethiopia. Talyaanigu wuxuu gobolada dhexe la
yimid siyaasad dabacsan oo ka duwan tan ka jirtey koofurta
Soomaaliya, wuxuu ka sameystay gobolada dhexe xaruumo ciidan,
wuxuuna ka qortay ciidan gaaraya ilaa 60 kun oo uu lacag iyo
darajaba siiyey. Wuxuuna ciidankaas horjoogeyaal uga dhigay
saraakiil yar oo Talyaani ah. Xilligaas sarkiil Talyaniya ayaa
lagu diley gobolada dhexe laakiin Talyaanigu kama qaadiin wax
tilaabo ah. Inkastoo Talyaaniga ugu xanuun badnaa sarkaal sare
oo Soomaalidu uga dishey degmada Ceel Buur.15kii Janaayo 1935
ayuu Talyaanigu duulaan ku qabsaday Ethiopia iyadoo Soomaalidii
badankood laga dhigay wax dagaalkii ku dhintay ama ku dhaawacmay.
Talyaaniga oo is mahdiyey ayaa June 1940 ayaa haddana wuxuu
guluf dagaal ku qaaday Ingriiskii xukumayey waqooyiga Soomaaliya,
isaga oo markaas watay ciidamo Soomaaliyeed oo fara badan,
kuwaas oo uu ka soo qortay bariga Soomaaliya. Dagaalkaas wuxuu
keenay in Ingriiska laga raacdeeyo goboladaas waqooyo.
Talyaaniguna wuxuu markaas fursad u helay inuu Dhamaan dhulka
Soomaaliyeed gacanta kuwada dhigo, marka laga reebo Djibouti iyo
NFD. Ingriiska oo markale soo rogaal celiyey isagoo isna wata
ciidamo u badan Kenyaan, Ugandhees iyo Asian ah ayaa Talyaaniga
dhamaan kawada qabsaday Geeska Afrika bilowgii sannadkii 1941.
Gumeysigii Yurub Soomaalida wuxuu u keenay
inuu hub isugu dhiibo oo ay u dagaalamaan qolo dano gaara ku
heysata Gumeysiga iyo kuwa diidan, sidoo kale waxaa waxaa soo
galay cuduro aan horay loo aqoon sida Jabtada, Isfiilitada, iyo
kuwo kale ee la xiriira cdudurada dhalmada. Kumanaan Soomaali ah
ayaa ku geeriyoodey wax gumeysiga u hiillinayay iyo kuwa ka soo
horjeeday. Odayaashii Soomaaliyeed ma aysan la saan qaadi Karin
tabtii ay maleegayeen reer gumeystayaashii reer Yurub, waayo
aqoon iyo farsamaba way ka horeeyeen. Odayaasha kama ahayan
hanti ak qaata gumeysytayaasha oo dhulka gaalo gacanta u geliya
kama ahayn, waxaynan fahmin waxaa looga jeedo “maxmiyad”. Waayo
waxaad ka garaneysaa marka ay ku doodayaan inaan laga tala
warsan maamulka ku aaddanaa dalkooda iyo dadkooda iyo
heshiisyada ay wadamadaas la geleen dalal kale iyagoo ka wakiila
danaha dadka la xukumayo.
Halgankii Madaxbanaanida
Ingriiska oo gacanta ku dhigay dhulka
Soomaalida oo dhan marka laga reebo Djibouti oo gacanta ugu
jirtey Fransiiska ayaa dagaalkii 2aad ee adduunka kadib maamul
military Ingriisa ku xukumay Soomaalida. Wuxuu Muqdisho ka
sameeyey maamukaas milateri 26dii February 1941, wuxuuna
sameeyey ciidamo Soomaaliyeed oo loo yaqaan Ilaalda. Walaaca ugu
weyn oo uu qabey Ingriisku waxey ahayd sidii uu Soomaalida uga
dhigi lahaa hubka faraha badan oo ay ka kala heliin labdii
dagaal adduun weyne ka dhacay, uuna u soo celin lahaa kala
dambeynta iyo ku dhaqanka sharciga. Ingriiska wuxuu ku
guuleystay inuu isbedel ku abuuro bulshada iyo siyaasda
Soomaalida. Wuxuuna abuuray dugsiyo waxbarasho, adeegyo
caafimaad, horumarinta adeega beeraha iyo daryeelka beeraleyda.
Wuxuu ogolaaday in Soomaalida ay buuxiso jagooyinka hoose ee
maamulka iyo ciidamadaba oo idil. Wuxuu kaloo ku bedeley
caaqiladii uu Talyaanigu soo dortay kuwo ay qabiildu soo xushan
iyo aqoon yahano Soomaaliyeed oo wada maamulka degmooyinka iyo
magaalooyinka.
Markii
dagaalkii 2aad ee addunka looga adkaaday dowladii Fashistaha
Talyaaniga ayaa Muqdisho waxaa ka soo baxay kooxo Talyaaniya oo
afkaartoodu ku saleysan tahay mabaadii’da Hantiwadaaga, kuwaas
oo jaraaidka iyo raadiyaasha adduunka aad ula socdey, una badnaa
dad ka soo baxay jaamacadaha Talyaaniga oo ka soo cararay
caburinta kelitaliskii Musellini. Ingriiska wuxuu kooxahaas
Talyaaniga u ogolaaday iney abaabushaan xisibiyo siyaasadeed
kuwaas oo la socdey kuwa ka abuurmay Talyaaniga. Kooxahaas
aqoonyahankaa waxey saameyn ku yeesheen dhalinyaradii
Soomaaliyeed ee guryaha uga shaqeyneysay oo luqada ku hadli
yaqaana laakiin aan aqrin karin wararka jaraaidka ama aan aqoon
u lahayn radiyaasha ugu waaweyn caalamka. Sidoo kale waxey
kooxahaas saameyn ku yeesheen shaqaalihii rayidka Soomaaliyeed
oo ka shaqeynayey xaafisyada maamulka dowlada. Waxey kooxahaas
soo akhrisan jireen jaraaidka caalamka, waxeyna soo dhageysan
jireen wararka raadiyaasha caalamka, markaas ayey u tabin jireen
saaxibadooda Soomalliyeed. Ingriiskii wuxuu daremay in Ururada
Talyaaniga, iyo kuwa Carabta ay u ololeynayaan soo noqoshada
Talyaaniga, mararka qaarna ay si xoogan uga hor imaanayaan
xukunka Ingriiska. Ingriiska waxey dantu biday inuu xulufeysto
Soomaalida, wuxuuna ku dhiiri geliyey Soomaalida iney sameystaan
xisibiyo siyaasadeed.
Aasaaskii
Ururkii SYL
Dhalinyarada
Soomaaliyed ee xiligaas ma aysan lahayn wax aqoona oo ay ka
barteen hab waxbarasho, laakiin waxey iskood isku barteen sida
loogu hadlo luqada Ingriiska, Talyaaniga iyo Carabiga. Waxeyna
intooda badan ku shaqeysan jireen turjubaan ama iney ka adeegaan
xaafiisyada, guryaha iyo ganasiga gumeysteyaasha. Sidaasna
dhalinyaro badan waxey ku kasban jireen kalsoonida
gumeysteyaasha, waxeyna inta badan heli jireen wararka sirta iyo
la socodka waxa ka dhacaya dunida inteeda kale. Talyaanigu wuxuu
ku dadaalay inuu Soomaalida ka cuuryaamiyo dhinaca aqoonta iyo
dhaqaalaha si aysan u haweysan is xukun. Waxaa kaloo Talyaanigu
uu ku hayey Soomaalida xukun adag oo aan u ogoleyn iney wax
abaabulaan ama ay wax horumar leh ay ku sameystaan. Wuxuuna
arrimahaas u adeegsan jirey boolis Soomaliyeed iyo odayaasha
dhaqanka oo gumeysgu naas nuujin jirey, kuwaas oo wixii wararka
gudaha u soo tebin jirey. Markii Talyaaniga laga saaray
koofurta, dhalinyaradaas waxey dareentay nefis ay ku kulmi
karaan oo ay afkaar isku weydaarsan karaan.
Sannadkii 1942 ayey dhalinyaradii
waxgaradka ahyad bilaabeen wadatashiyo ku saabsan adduunka
mowjadaha siyaasadeed oo wadama badan ka kacsanaa, waxeyna is
tuseen iney sidaas oo kale dalkooda mowjado gumeysi diid ah uga
kiciyaan. Kulamadoodi wuxuu jiitamay waqti dheer waayo waxaa aad
u yareyd is aaminka, waxaana adkaa sidii loo kala saari gumeysi
la jireenka iyo xornima u dirirka ee dagaalamaya madaxbanaanida
Soomaaliyeed. Ugu dambeystii waxaa la is tusay in dhalinyaro
kooban oo is aaminsan is xulato, sidaasna waxaa isku xushay koox
dhalinyaro ah oo gaareysa 13 xubnood waxeyna ku shireen Xamar 13
Maajo 1943. Dahallinyaraasi waxeyna is tuseen barnaamijka
ururkooda oo aan lahayn qorshe siyaasadeed oo xambaarsan fikrado
culus. Ururka waxaa hor boodayey karaani magaciisu ahaa Cusmaan
Yaasiin oo ka soo jeeda gobolada Bari, wuxuuna ururka u xushay
dad isaga uu la lahaa gacan saar, wuxuuna madax uga dhigay
shaqsiyaad aan ka soo jeedin qabiilada waaweyn, isaguna wuxuu
isku magacaabay xoghayaha guud. 15 Maajo 1943 ayey ogolaasho ka
dalbadeen Ingriiska, isla maalintiina Ingriisku wuxuu siiyey
ruqsada ururkooda la magic baxay naadiga dhlainyarada
Soomaaliyeed (Somali Youth League). Ingriisku si uu u xoojiyo
ururkaas wuxuu ku soo biiriyey aqoon yahankii Soomaaliyeed ee
xukuumad iyo ciidankaba ku jirey, taasna waxey dhalisay in
ururkii uu magaciisu soo shaac baxo. Si kastaba ha ahaate ururku
wax horumara ma gaarin 4 sanno, waxaana la is tusiyey in
qabiilada waaweyn ay hogaanka ururka wax ka qabtaan si waxqabad
loogu tilaabsado, waxaana la isla gartay inu jagada xooghayaha
guud loo dhiibo Mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo markaas
heystey Hamar Youth Club, Beldweynana u fadhiyey faraca ururka
dhalinyarada Soomaaliyeed. Cabdulaahi Ciise si naftihurinimo leh
ayuu Soomaalida daacadnimo ugu shaqeeyey wuxuuna ku guuleystey
biishii Maajo 1947 im magaca ururka laga dhigo xisbi siyaasiya
una halgamaya madax banaanida dhulka Soomaaliyeed oo dhan,
doonayana in Soomaalida waxbarasho casriya la siiyo. Mudane
Cabdullaahi Ciise dadaal weyn u galay inuusan xisbigu ku shaqeyn
qabyaalad ama madahab gaara ah, wuxuuna ka furay xisbiga dhamaan
dhulalka Soomaaliyeed. Mudane Cabduulaahi Ciise fikradha uu soo
kordhiyey waxaa ka mid ahaa inaan Talyaaniga loo soo celin
Soomaalida. Waayo Talyaanigu aad ayuu u maamul xumaa, iyo in
halganku uu ahaado mid siyaasadeed iyo mideynta Soomaaliweyn in
lagu doono si nabada ah.
Shirkii Potsdam oo dhacay sannadkii 1945
ayna qabteen wadamadii ku guuleystey dagaalkii 2aad ee adduunka,
waxey soo saareen in Talyaaniga lagala wareego dhulalkii uu
gumeysanayey ayna ku jiraan gacanta xulafada oo ka koobneyd
Mareykanka, Ruushka, Fransiiska iyo Ingriiska. Ingriiska oo la
dhacsanaa afkaarta xisbiga Leegada ayaa wuxuu soo jeediyey in
Soomaalida dhulkeeda oo dhan hal wadan loo wada dhiibo, uuna
jeclaan lahaa in isaga lagu aamino. Aragtidaas waxaa diidey
dowladihii kale oo u arkayey Ingriisku inuu tiisa keliya
fushanayo. Mareykanku wuxuu difaacayey Ethiopia oo u balan
qaaday saldhig ciidan iney dalkeeda ka siiso Mareykanka, Ruushku
wuxuu dareensanaa iney dabeylo hantiwadaaga ka dhacayaan wadanka
Talyaaniga, wuxuuna taageersanaa in la soo celiyo maamulkii
Talyaaniga, Faransiiska isagoo naceyb soo jiitamayey u qabey
Ingriiska. Wuxuu kaloo daneynayey in Talyaaniga la soo celiyo.
Sannadkii 1945 ayaa boqorkii Xabashida
Haile Selassie wuxuu codsaday in isaga dhulka Soomaalida oo dhan
lagu soo wareejiyo. Xulafadii go’aan mideysan way wada gaari
waayeen, waxeyna go’aansadeen arrinta in loo gudbiyo golaha guud
ee UNka. Goluhu wuxuu soo diray wafdi xaqiiqoraadin ah oo yimid
Xamar 11kii Janaayo 1948, waxeyna Leegadii codsatay in loo
ogolaado iney sameeyaan banana bax ay ku muujinayaan
taageradooda. Waxaa dadaalka Leegada carqalad ku noqday kooxo
Taliyaaniya, oo ay wehliyeen Carab iyo dhuuniqaatayaal
Soomaaliyeed oo dhan ka soo wada jeeday. Halkaasna waxaa ka
dhacay iska horimaad uu ku dhexmaray Soomaalida iyo Talyaaniga,
waxaana goobtaas ku dhintay 51 Talyaaniya iyo 24 Soomaaliya.
Dadka Leegada laga diley waxaa ka mid ahayd gabadhii
Soomaaliyeed oo magaceedu ahaa Xaawo Cusmaan Taako. Wafdigii
xaqiiqoraadinta waxey warbixin ka dhageysteen saddex kooxood:
leegadu waxey codsatay in guddi ka kooban afarta quwadood ee ku
adkaaday Dagaalkii 2aad loo dhiibo Soomaalida mudo dhan 10 sanno.
Aden Zoppe oo horkacayey ururka Xisbiya ayaa soo jeediyey in
Talyaaniga la soo celiyo dalkana loo dhiibo mudo 30 sanadooda.
Kooxda saddexaad waxey ka koobnayeen Talyaani iyo Soomaali isku
jira ah waxeyna codsadeen in la soo celiyo maamulkii Talyaaniga.
Wafdigii waxey qateen fikradii Leegada laakiin afartii wadan oo
waaweyneed waa diideen. Ingriiskii ma dooneyn in Soomali darted
uu ula dagaalamo xulafadiisa, wuxuuna ka niyad jabay markii
aysan SYL aysan codsan in Ingriiska loo dhiibo dhulka Soomali oo
dhan. Sebtember 1948 ayey Mareykanka iyo Fransiisku waxey shir
ugu qabteen Paris si ay Ingriiska u ogoleysiiyaan inuu aqbalo in
Soomalida loo dhiibo Talyaaniga, arrintaasna waa uu ka yeelay.
Ethiopia waxey cadaadis ku saartay Ingriiska iyadoo u soo
mareysa Mareykanka in Howd iyo Galbeedka Soomaliya uu gacanteeda
ku soo wareejiyo. Waxey kaloo Ethiopia ay bilowday iney
Soomaalida ku hubeyso Ingriiska ayna ku noqdaan shufto si
Ingriiska uu uga baxo dhulkaas. Dhibaato muddo dheer soo
jiitameysey kadib ayaa wasiirkii arrimaha dibeda Ingriisku oo
ahaa Mr. Bevin wuxuu dhulkaas u gacangeliyey Xabashida Oktoober
1948, ka dib markii ay Xabashida sinnaba u diidey iney ka
tanaasusho sheegashada dhulkaas. Wuxuuna siiyey lacag laaluusha
madaxdii qabiilada Soomaaliyeed wuxuuna uu ku magac bixiyey
magdhowgii dagaalada oo ay Soomaalidu u taqaan ( Vechio Militare).
Waxaa New York ka bilowday Sebtember 1949
kalfadhigii golaha loo dhan yahay ee Qaramada midoobey oo ay hor
boodayaan wadamadii ku guuleystey Dagaalkii 2aad ee Aduunka oo
intooda badan gumeysta wadamo kale.Talyaanigu wuxuu beerdulucsi
la galay UNka wakiiladii dalalka kale u fadhiyey wuxaana si
gaara uga dhaadhiciye wadamada Carabta in Liibaya xoriyad dhaqso
u siinayo haddii ay u codeeyaan in maamulkiisa lagu celiyo
Soomaaliya, sidoo kale wadamada Yurub wuxuu ku beerdulucsaday
iney hanti badan ka gashay Soomaliya uuna yaqaano sida loola
dhaqmo dadkaas. Waxey Leegadu ka war heshay in wadamada xooga
weyn ay doonayaan in la soo celiyo xukunkii talyaaniga. 5tii
Oktoobar 1949 ayey Leegadu ku sameysay mudaharaad ka dhan ah
Talyaaniga oo Soomaalidu kadib u bixisay Dhaxtuur, waxaana
meesha isla markiiba yimid booliska Ingriiska kuna amray leegada
iney kala dareeraan,
waxaana loogu jawaabey dhagax tuurya ah ee askartii lala
beegsaday. Askartiina waxey furtay rasaas ay ku dhaawacday
qiyaasta 50 qofood disheyna laba Soomaaliya. Meesha waxaa
Ingriiskii aga dhaawacantay afar askari, dadka meeshaas ku
dhaawacmay waxaa ka mid ahaa Mudane Abshir Kaahiye oo ahaa
dhallinyaradii horkacaysay muda-haraadka maalintaa loo yaqaan
Dhagaxtuurka.
21 November 1949 ayaa waxaa codbixin
UNka u qaaday arrinta Soomaalida, waxaana codku u batay in
Talyaani uu soo noqdo. Cabdulaahi Ciise oo markaas joogey New
York wakiilna ka ahaa xisbiga Leegada waxaa ku dhacay argagax
iyo qaadashawaa iyo inaan Taladoodii haba yaratee aan la
tixgelin.
Wareysi
uu Mudane Cabdullahi Ciise bixiyey wuxuu si kulul u cambaareeyey
sida looga hiileyey xuquuqdooda loona taageeray siyaasadii ay
wada jirka u wateen labada wasiir ee arrimaha dibeda ee dalalka
Ingriiska iyo Talyaaniga oo kala ahaa Mr. Bevin iyo Signor
Sforza. Wuxuuna sidoo kale muujiyey kooxihii carabta ee
Soomaalidu isku haleyneysay sida ay Talyaaniga dano hoose ula
meel dhigteen bedelkeedna Soomaalida ugu gacan geliyeen.
21 November 1949, ayuu isla markiiba
Talyaanigu ku soo noqday Soomaaliya, wuxuuna isla markiiba
bilaabay inuu caburiyo Leegada isaga oo uga aargoosanaya diidmadooda
ay diideen soo noqoshada maamulka Talyaaniga. Intii talyaanigu
xukumayey dalka koofureed dad badan oo ka tirsanaa ururka
Leegada way isaga carareen dalka, waxeyna galeen wadamada
Soomaaliya deriska. Mudane Cabdulaahi Ciise wuxuu ashtako u
tegey New York sannadkii 1953, waxaana loo ogolaaday inuu ka
hadlo golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey (UN). Mudunuhu
wuxuuna jeediyey qudbad dheer oo uu kaga cabanayo cadaadiska
maamulka Talyaaniga uu ku hayo xisbiga Leegada oo ka midka
yihiin: dil, caburin iyo xoriyad ka qaad. Wuxuuna sheegay in
Talyaanigu uu damacsan yahay inuu sii dheereysto mudadii loo
qabtay isaga oo Talyaanigu aan dadka Soomaaliyeed waxba
barayniin si uu qiil ugu helo ineysan Soomaalidu is xukumi
Karin, yihiina dad sabool ah. Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey
inuusan Talyaanigu diyaar u ahayn inuu Soomaalida u diyaariyo
sidii ay dalkooda u maamuli lahaayeen, taasna uu ka door biday
inuu heshiis la galo shirkada qoda batroolka iyadoon Soomaalida
waxba lagala socodsiin. Mudane Cabdulaahi Cabdullahi Ciisse
wuxuu kaloo carabka ku dhuftay in Talyaaniga uu joojiyo qeybinta
uu ku hayo koofurta Soomaalida oo uu Talyaanigu doonayo in uu
qeybiyo saddex dal oo yar oo ay kala xukumaan Hawiye, Majeerteen,
iyo Raxanweyn, wuxuu kaloo soo bandhigay in Talyaaniga meeshii
uu wax ka bari lahaa dhalinta Soomaaliyeed ee loo baahnaa iney
dalkooda aqoon ku xukumaan uu doorbiday magacaabista odayaal
dhaqameed maskaxdoodu ku weyntahay qabiilka. Wuxuu kaloo
codsaday in calanka Soomaalida loo ogolaado in la saaro ka hor
xoriyada waana laga yeelay. Talyaaniga waxaa golahaas ka raacday
sharafdarro iyo ceeb. Waxeyna goluhu isku raaciin inuusan
Talyaanigu waqtigii loo qabtay inuu Soomaalida ku gaarsiiyo
xoriyad aan loo kordhineynin. Mudane Cabdulaahi Ciise oo guul
badan xambaarsan ayaa ku soo noqday dalkii, waxuuna uu saaray
calanka Soomaalida 12 Oktoober 1954. Isla sannadkaas waxaa la
qabtay doorashooyinkii dowladaha hoose, waxaana aqlabiyad ku
guuleystay Leegada.
Markaas wixii
ka dambeysey Talyaanigu waa quustay, wuxuuna isbedel ku sameeyey
siyaasadissa oo uu ku kordhiyey inuu soo dhoweeyo Leegada. 29
kii February 1956, waxaana loo doortay raiisulwasere mudane
cabdulaahi Ciise oo dalka gaarsiiyey xoriyad buuxda 1dii July
1960 halkaas oo ay ku dhalatay jamhuuriyadii Soomaalida. Mudane
Cabdulaahi intuu hayey hogaanka dalka wuxuu soo bandhigay
dastuurka Leegada ee lagu dhaqayo Soomaalida kaas oo ay ka mid
ahaayeen in Soomaalida meel kasta oo ay joogta iney leeyihiin
xuquuda muwaadinka ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sidoo kale waxey
dalbadeen in Soomaalida ku hoos nool gumeysiga loo ogolaado iney
ayaahooda ka tashadaan. Markii dalkii xoroobey waxaa hogaanka
dalka qabtay Leegadii oo uu hogaaminayo Aden Cabdulle Cusman (Adan
Cadde) oo madax ka ahaa golihii baarlamaanka, waxeyna dowladihii
Soomaalida ay af la garab istaageen NFD iyo Somaalida Galbeed
degaanadaas oo si gaara loogu tala galay idaacado gaara oo dadka
ku baraarujiya iney u halgamaan aayahooda. Taasina waxey ku
kaliftay in Kenya iyo Ethiopia ay wadagalaan heshiis difaac oo
ay uga soo horjeedaan Soomaliya. February 1964 ayaa waxaa dagaal
uu dhexmaray xabashida iyo Soomaalida kadib markii ay Xabashidu
duulaan cirkaa ku soo qaaday degmooyin ka tirsan gudaha
Soomaaliya, saddex bil kadibna dagaalkaas waxaa joojiyey
dhexdhexaadin ka timid Sudan iyo OAU.
Ilaa iyo Xilligan la joogo itoopiya waxay
wadaa xadgudub iyo faragelin joogta ah ay ku wiiqeyso jiritaanka
umadda Soomaaliyeed. Hase yeeshee dadka Soomaaliyeed oo is diin,
dhaqan, af intuba wadaagaan ayaa meel qura kaga soo wada jeedo
difaaca iyo jiritaanka gobanimada Soomaaliyeed.
editorial@buluugleey.com
