Taliyaha Booliska ee maamulka Col. Cabdullahi Yusuf oo loo
diidey inuu Hargeysa Soo galo
Buluugleey
15 October, 2005
Taliyaha Laanta Socdaalka ee Madaarka Hargeysa Mr. Xasan
Khayre, ayaa sheegay inay u diideen inuu Taliyaha Ciidanka
Booliska maamulka Col. Cabdillaahi Yuusuf Mr. Cali Maxamed Xasan,
inuu ka soo dego diyaarad uu la socday oo ka soo kicitintay
Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.
Warkaan oo aanu ka soo xiganay Jamhuuriya aayaa sheegaya
in Mr. Cali Maxamed Xasan uu la socday dayuurad u kiraysan
Hay’adaha Qaramada Midoobay ujeedada
Mr. Cali Maxamed Xasan
waxay ahayd inuu ku hoydo magaalada Harheysa, kadibna uga
sii gudbo Magaalada Boosaaso, haseyeeshee loo diiday inuu
magaalada Hargeysa fooda soo geliyo.
labada
maamul Soomaliland iyo maamulka Puntland ayaa in mudaba isku
haya degaanada ay ka midka yihiin degmada Laas-caanood ee
xarunta gobolka Sool, isla markaasna xudunta u ah degaamada ay
ka jirto xiisadaha siyaasadeed, sababayna dagaallo ba'an oo ay
labada ciidan iskaga horyimaadeen.
