Haweeney ka shaqeyneysay howlo samofal oo
lagu dilay muqdishol
Buluugleey April 18, 2005
Haweeney
Soomaali ah oo u shaqeyneysay hay'adda Swedish oo la yiraahdo
International Aid Service ayaa saakay lagu dilay agagaarka
isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, iyadoo nin Kenyati ah oo
la
socday isna la dhaawacay.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Maryan Maxamed Xasan Kuusow ayaa
la sheegay in xiligii la dilayay ay la socdeen nin Kenyatiga ah
oo magaciisa la yiraahdi David Kibaki oo isna la dhaawacay iyo
waliba
darawalka gaariga uu waday ee dhaawacmay waxaana la sheegay in
kooxo maleeshiyo ah ay u taagnaayeen wadada, oo ay la beegsadeen
rasaas.
David Kibaki oo dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Madiina ee
magaalada Muqdisho ayaa Dr. Sheekhdoon Salaad Cilmi waraesi ay
la yeelatay Radio Shabelle u sheegay in dhaawaca soo gaaray
ninka Kenyatiga ah uu fududaa, durbadiina laga saaray isbitalka,
halka darawalka gaariga oo dhaawaciisa aad u darnaa in uu weli
isbitalka lagu daweynayo.
Maryan Maxamed Xasan Kuusow ayaa la sheegay in xiligaasi ay u
socotey in seminaar ay u furto koox caafimaad ah oo daaweyso
ardeyda iskuulada ee magaalada Muqidsho, lama garanayo sababta
dilka keentay, waxaana la sheegay in dad Soomaali ah oo la
socday iyada ay ka badbaadeen rasaastii lala beegsaday
haweeneydaasi.
Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cuud) Muqdisho
