Heshiiska Cadan Oo Uu Col. C/Llahi Yusuf
Uga Faa’ideysanayo Inuu Uga Guuro Jowhar iyo Inuu Dalka
Soo Geliyo Ciidamo Itoobiyana Si Joogitaankooda Sabab Looga
Dhigo Iney Sugayaan Amaanka Col. C/llahi Iyo Nabadgelyada
Magaalada Ay Ku Shirayaan Garabyada Siyaasada Soomaalida Isaga
Soo Horjeeda.
Buluugleey, January 14, 2006
Waxaa dhowaan magaalada Nairobi soo gaaray
Shariif Xasan oo ka codsaday Mareykanka, Ingriiska iyo QM iney
gacan ka geystaan sii deynta lacagta loogu tala galay in mushaar
loo siiyo xubnaha baarlamaanka. lacag bixinta xildhibaanada ayaa
ah xeelad la adeegsado markasta oo la doonayo in la hirgeliyo
qorshe cusub, siyaasadaasna waxaa ku soo baxay Col. C/llahi
markii ay dhaceysey doorashada madaxweynenimada.
Sidoo kale waxaa magaalada Adis Sabab soo
gaarey Col. C/llahi Yusuf oo dowlada Itoobiya ka codsaday iney
ciidamo xoogan ku taageeraan haddii xubnaha baarlamaanka ay ku
shirayaan meel ka baxsan Muqdisho si loo adkeeyo xaruun ay rasmi
ahaan uga howlgasho dowladiisu. Col. C/llahi ayaa wuxuu
wadatashi hoose ugu noqday dowlada Itoobiya oo si dadban uga
dambeysey heshiiska isaga iyo Shariifka si uu ula soo gorfeeyo
xeeladan cusub sidii looga gaari lahaa danahii loogu talagalay.
Waxaa sidoo kale soo gaarey Nairobi Prof.
Geeddi oo la qorsheynayo inuu la kulmo Shariifka si aan xubnaha
baarlamaanka loogu mashquulin dhismo dowlad cusub ee ka soo
baxda kulanka la filayo iney yeeshaan garabyada dowlad ay soo
dhistay IGAD, taas oo ay si dadban u soo riixeyso dowlada
Itoobiya si jagada wasiirka kowaad loogu magacaabo Jurille,
ninkaas oo ay u aragto Itoobiya inuusan waxba kala hareyniin
sidii uu daacadnimo ula shaqeyn lahaa danaha ay damacsan tahay
Itoobiya, kaas oo salka ku haya isticmaalka kheyraadka
Soomaaliya, lahaanshaha qeybo ka mida dhulka Soomaalida iyo u
qeybinta jamhuuriyada Soomaalida maamul goboleedyo kala madax
banana.
Waxaa sidoo kale jooga Nairobi Maxamed
Dheere oo si laab furan magaaladaas ugu soo dhaweeyey Shariifka
isaga oo u doonaya shariifka inuu ku buuxiyo miisaanka iska
dhimay taageeradii uu u hayey Col. C/llahi iyo inuu u muujiyo
inuu ku soo dhaweynayo in Shariif Xasan uu u soo guuro magaalada
Jowhar haddii uu heshiiskii uu dhowaan la soo galay Col. C/llahi
uu taageero uga waayo hogaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho.
Maxamed Dheere iyo Indhacade ayaa Cabsi looga qabaa iney ciidan
ahaan ka horyimaadaan in Baydhabo ama Kismaayo ay xaruun u
noqoto Col.C/llahi. Maxamed Dheere ayaa cabasho u gudbiyey
dowlada Itoobiya, kaas oo ku saabsan khilaafka sii xoogeysanaya
ee kala dhexeeya Col. C/llahi, jawaabta Itoobiya oo ahayd
martiqaad ay u soo dirtay Maxamed Dheere ayaan waxba ka hirgelin.
waxaa la filayaa marka Col. C/llahi uu ku soo noqdo Jowhar in
xiisadoodu ay kala baxdo, waayo Maxamed Dheere ayaa u muuqda mid
ka daaley madaxsalaaxa ay marba Itoobiya u soo dhiibeyso
siyaasiyiinta ku heybta ah Col. C/llahi. Dad badan ayaa hadda
dhegaha u taagaya waxa markaan lagu maslixi doono Maxamed Dheere
si loo dabciyo xiisadiisa kacsan inta uu Col.C/llahi ka qalab
aruursanayo Jowhar.
Dowladda Yemen ayaa sida la xaqiijinayo
waxey dooneysaa in Soomaaliya ay ka dhameysato qorshooyin salka
ku haya dhinaca kheyraadka batroolka. Yemen ayaa sida Sacuudiga
iyo wadamada kale ee Carabta waxey daneyneysaa in batroolka ku
hoos jira Soomaalida ay u hesho fursad ay dalkeeda kala soo
baxdo, waxaana qorshahaas qeyb ka ah dowladda Itoobiya oo ciidan
ahaan uga qeyb geleysa hirgelinta howshaas.Yemen ayaa
sanooyinkii dambe bilowday soo saarida shidaalka iyo dabacsanaan
ay kula dhaqmeyso shirkadaha qoda shidaalka. Haddii qorshahaas
uu Yemen u hirgalo, waxey u suurtogelineysaa iney shidaal
badan kala baxdo dhulkeeda kaas oo ka imaanaya godadka uu ku
keydsan yahay oo ka soo maaxanaya xeebaha Soomaalida iyo
gobolada waqooyiga Soomaaliya.
Hogaamiye kooxeedka Muqdisho ayaa ku kala
tegey dhowaan maamulka ay u sameeyeen gobolka Banadir, laakiin
dhamaantood waxey isku raacsan yihiin diidmada ay kala soo
horjeedaan danaha cadowga Itoobiya iyo in baarlamaanka iyo
dowlada Soomaalida ay xaruun ka dhigato meel aan ahayn magaalo
madaxda Soomaaliya ee muqdisho. Kooxahaas hubeysan ayaa beel
ahaan waxey taageero weyn ka heystaan malaayiin ka mida
dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool degaanada ku wareegsan
Muqdisho. Heshiiska uu soo galay Shariifka ayaan ahayn mid laga
soo tixgeliyey hogaamiyeyaashaas, waxeyna ugu muuqataa in weli
ay meesheedi taagan tahay siyaasada ku dhisneyd tixgelin
la'aanta miisaanka culaabeed oo ay kala leeyihiin degaanada
Soomaaliyeed iyo hogaamiyeyaashooda.
Dowladda Itoobiya iyo taageerayaasha
siyaasada Col. C/llahi Yusuf ayaa is tusay in Shariifka laga soo
leexiyo hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, ujeedaduna waa in
Shariifka kooxda taageersan ay kala soo go’aan Muqdisho, laguna
qasbo Shariifka inuu xaruun ka dhigto Baydhabo oo ah meel lagu
xakameyn karo dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed maadaama Magaaladaas
ay ka ag dhow yihiin ciidamo Itoobiyana oo ku jira gudaha
degaankaas. Qorshahaas waxey xubnaha baarlamaanka isugu
celcelineysaa laba kooxood oo cusub, kuwaas oo ay isku
baheysanayaan koox ka soo jeeda Bari, Kismaayo iyo Baydhabo iyo
koox ka soo horjeeda oo ah inta kale. Heshiiska Cadan ayaa salka
ku haya in khilaaf laga dhex abuuro Shariifka iyo kooxda
Muqdisho, si qorshahaas loo socodsiina waxey dowlada Itoobiya ka
sugeysaa in Shariifka uu qaado talaabo lagu dhaqangelinayo meel
marinta heshiiskaas, oo sida la saadaalinayo marka ay isqabtaan
kooxda Muqdisho in Shariifka uu taagerayaashiisa ula guuro
Baydhabo.
Waxaa hadda muuqda in Prof. Geeddi iyo
Maxamed Dheere ay u ku soo dhawaanayaan siyaasada kooxaha
Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in Col. C/llahi uu ka
dhameystay ujeedadii uu ka damacsanaa Jowhar haddaana uu geedi u
yahay Baydhabo ama Kismaayo midood. Haddii labadaan masuul ay u
leexdaan dhinaca siyaasada Muqdisho, Shariifkuna uu u leexdo
siyaasda Itoobiya ee taageersan Col. C/llahi, waxaa sidaas ku
soo dhamaaneysa isweydaar labada garab ay isdhaafsadeen xubno
isdheelitiraya oo labad garab u kala saaraya kooxo isku heyb
dhow ama danahoodu isku dhow yihiin.
Col. C/llahi ayaa hadda bam gacanta u
geliyey Shariifka isaga oo ogolaaday in loo daayo mushaarka
Shariifka iyo xildhibaanadiisa, sidoo kale wuxuu ogolaaday in
Shariifku uu soo magacaabo magaalada uu u soo xulay in Col. C/llahi
Yusuf iyo xubnaha baarlamaanka ay ku kulmayaan. Tanaasulkaas
xooga badan waxaa ka hooseeya in Shariifka la dareensiiyo in
isaga iyo Col. C/llahi labaduba aysan wax awooda ku lahayn
magaalada Muqdisho iyo beelaha ka soo jeeda, sidaas daradeedna
ay arrintaas ka keento Shariifka garasho ah inuu wax la qabsado
kooxda Col. C/llahi oo Itoobiya ay ka taageereyso dhinaca
milateriga iyo diblomaasiyada.
Haddii ay israacaan Shariifka iyo Col. C/llahi
oo ah siyaasada ay ka shaqeyneyso dowladda Itoobiya iyo Yemen
waxaa badaneysa fursada ay garabkaas ku heleyaan isticmaalka
magaca iyo hantida dalka, waxaa sidoo kale jubooyinka ay gacanta
u geleysaa dowlada Itoobiya oo marmarsiyo ka dhiganeysa iney la
dagaalameyso kooxo argagixisaa oo gacanta ku haya maamulada
gobolada Shabeele iyo Banaadir.
Dowladaha reer galbeedka ayeysan ka
dhaadhacsaneyn siyaasada Itoobiya ee lagu xulafeysiinayo
Shariifka iyo Col. C/llahi iney buuxin karto awooda kooxaha
Muqdisho oo ah tirada ugu badan doweynaha Soomaaliyeed degaan ay
degaan yihiin, kuwaas oo ka heysta taageero buuxda dadweynaha
degaankaas , tiro ahaana ay ka dadweyne badan yihiin isbaheysiga
kooxda kale
Waxaa dhawaan dalka ku soo wada noqonaya
madaxda kooxahaas, waxaana la filayaa meesha heshiis laga filayo
in la sii kala fogaado oo ay soo baxaan kooxo cusub, qaarna ay
xadka kooxda kale ay u gudbaan. Waxaa intaas murjinaya siyaasada
Soomaalida hogaamiyeyaasha sida shaqsiga ah heshiiska u soo
gelaya iyo dowladaha Yemen, Itoobiya iyo Talyaaniga oo aan ka
gaabsan marnaba iney shaqsiyaadka hogaaminaya kooxaha iyo
garabyada ay u sawiraan siyaasad ku dhisan ciyaar iska daba
wareega. Col. C/llahi ayaad u mooda inuu sannad walba jecel
yahay inuu xaruun ka dhisto magaalo cusub, sidaasna uu ku
dhameysto madaxtinimadiisa inta uu ka dhimanayo. waxey
siyaasiyiinta taageersan xooga saareen iney kala qeyb qeybiyaan
xubnaha dowlada iyo baarlamaanka si aysan marna u dhicin codeyn
ka dhana in xilka looga qaado Col.C/llahi, waana siyaasadaas
mida loogu tala galay iney ku shaqeyso heshiiska cadan.
