Heshiiska
Dhexmaray Col. C/llahi Yusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan oo u
muuqda in nin waliba xilkiisa aan lagu soo faragelin
Buluugleey,
January 7, 2006
Dagaalka labada nin ayaa wuxuu
bilowday markii Shariif Xasan ay jagada gudoomiyaha baarlamaanka
ay u doorteen taageerayaasha ugu badan aqalka wakiilada, kuwaas
oo ka dhan ahaa siyaasada Itoobiya ee ku saleysan in Soomaaliya
ka aynan ka dhalan dowlad xoog leh. Waxaa xigtay kooxda
taageersan siyaasada Itoobiya oo iyaguna ku guuleystey in Col.
C/llahi u ku soo baxo tartankii madaxweynenimada. Dabadeedna
waxaa durbadiiba timid in Shariifka xilkiisa laga soo qaaday in
laga maarmay oo xataa laga wareegsaday in wadatashi lagala
sameeyo magacaabista howlwadeenada dowlada ee
Shariifka degaan ahaan ay ka
soo wada jeedaan.
Khilaafkaas oo sii xoogeystay
ayaa labada nin sharafdarro weyn u geystey gaarahaan xilka
madaxweynaha iyo kan gudoomiyaha barlamaanka oo labaduba ku
awood beelay, ismaandhaafkooduna sababay kala jabka dowlada.
Labaduba waxey awoodii waayeen iney xoolo iyo aqoonsiba dibeda
ka helaan, waxeyna dowladii iyo golaha baarlamankuba ay ku kala
tageen dhaqaale xumo awgeed. taasina waxay dhalisay in labada
nin midkoodna wax miisaana hadalkoodu kuma yeelan gudaha iyo
dibeda midna.
Dowlada Itoobiya iyo Yemen oo
dano gaara ka leh dalka Soomaaliya ayaa waxaa u cadaatay inaan
sida xaalku ku socdo aysan ahayn mid ay ku gaari karaan
ujeedooyinkooda oo ah iney arkaan dowlad Soomaaliyeed oo ay ka
fushan karaan danahooda ah inay maamushaan kheyraadka wadanka
iyo in ay ka faa'ideysataan deeqaha dibeda ka soo gala dalka.
Labadaas dowladood ayaa ka dambeeyey iney wax ka bedelaan jidkii
horay loogu qorsheeyey Col. C/llahi uu ku wado siyaasadda
Soomaaliya, waana xeeladaas mida dhalisay heshiiskan deg-degga
ah ee dhexmaray Col. C/llahi iyo gudoomiyaha barlamaanka Shariif
Xasan.
Heshiiska ayaa la
saadaalinayaa inuusan ahayn mid taaba gal ah, keeni karana
dowlad mideysan sababaha soo socda awgeed:
-
Xubnaha dowladda iyo
gollaha baarlamaanka ayaa waxaa u badan dagaaloogayaal ee ka
hormariya dantooda danta guud, iyo madax rayid ah oo
musuq-maasuq iyo xatooyada xoolaha deeqda dalka ku caan
baxay.
-
Col. C/llahi Yusuf oo aan
weli ka tanaasulin in Soomaaliya la soo gelinin ciidamo
Itoobiyaana, iyo iyadoo weliba dowlada Itoobiya oo dadaal
ugu jirta in kullanka kowaad ee baarlamaanka iskugu imaan
doono arrintaas lagu ansixiyo.
-
Waxaa xubnaha dowlada
horkacaya shaqsiyaad dowladihii hore ee dalka Soomaaliya soo
fashiliyey, welina danahooda gaarka ah u adeegsanaya
nidaamka maafiyada.
-
Col. C/llahi oo weli
diidan in xaruunta dowlada dhexe ee Soomaaliya ay noqoto
magaalo madaxda Soomaaliya oo ah Muqdisho.
-
Sidoo kale,heshiiskan kuma
xusna in la isku keeno garabyada xubnaha dowladiisa, laakiin
waxaa xooga la saaray isku keenida xubnaha baarlamaanka.
-
Col. C/llahi oo weli ka
soo horjeeda in beesha caalamka ay ka soo qeybgasho
dhex-dhexaadinta dowladiisa iyo baarlamaanka, waana taas
mida uu ku adkeysanayo in wadanka gudahiisa lagu qabto shir
dib u heshiisineed si meesha ay uga baxdo inaan nidaam kale
aan dibeda laga soo dhisin oo markaas dhalin kara in
madaxtinimadiisa uu ku waayo, madaama uu shaqeyn waayey
nidaamkii lagu soo dhisay dowladiisa.
Shirka lagu ballaminayo baarlamaanka oo ujeedadiisa ugu weyn ay
tahay sidii looga raacdeyn lahaa dowlada xubnaha ku sugan Xamar
ee ka soo horjeeda siyaasada Col. C/llahi, iyadoo sabab looga
dhigayo in la kala diro dowlada hadda dhisan. Taasina waxay Col.
Cabdullahi u sahli kartaa in yididiilo la geliyo lana soo
dhiso xubna kaloo cusub ee taageersan fikirkiisa.
Heshiiska ay kala saxiixdeen
Col. C/llahi iyo gudoomiye Shariif Xasan ayaa ah mid inta badan
u daneynaya Col. C/llahi Yusuf iyo dowlada Itoobiya, maxaayeelay
dhibaatada iyo dooda ayaa ah mid lagu soo jeediyey golaha
baarlamaanka iyo hogaamiye koxeedyada Muqdisho. Waxaa meesha
laga saaray in aysan doodi haba yaraatee ka taagneyn dowlada
dhisan iyo madaxweynaheeda. Waxaa heshiiskani si maldahan
muujinayaa in meesha dhibaatadu ay ka taagan tahay ay tahay
golaha baarlamaanka. Waxaa loo bahan yahay in ay muhiim tahay in
ay kulmaan iyagoo wada jir ah, taas oo ay ku hoos qarsoon tahay
in haddii muranku sii xoogeysto ay meesha imaaneyso in
gudoomiyaha si fudud lagu casilo, halkaasna ay ku wayaan kooxda
Muqdisho taageeradii ay ka heli jireen golaha baarlamaanka iyo
gudoomiyahiisa. qodobka heshiiska ee xusaya "barlamaanka" ayaa
ah mid qiil loogu raadsanayo in lagu casilo xubnaha dowlada,
gaar ahaan kooxda Muqdisho, dabadeedna gabagabada doodaas ay
galaafato gudoomiyaha barlamaanka naftiisa.
