Col. Cabdullahi oo bilaabay dabagal ku
dhisan Heybsoocid
Buluugleey, Wednesday, October 05, 2005
Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo marka ay la
soo deristo waxqabad la’aan summad ka dhigta eedeynta dadka ku
hebta ah madaxdii uga horeysay maamulka. Dr. Culusow ayaa wuxuu
u noqday tilmaan la beegsado, kadib markii ay beeshiisu u
muuqatay iney halis ku tahay siyaasada Col. Cabdullahi Yusuf.
Gudoomiyaha Bangiga Dhexe oo markiisii hore lagu soo xulay
shaxda qabiil wax ku qeybsiga lagu dheeli tirayo ayaa si aan
raacsaneyn hab dowladeed iyo mid qanuun ayaa waxaa xilkii looga
fadhiisiyey arrimo la xiriira heybta uu ka soo jeedo.
Siyad Barre ayaa bartilmaameed ka dhigtay
beesha degta gobolka Bari oo uu u arkayey iney halis ku tahay
jiritaanka dowladiisa.. Dadka ka soo jeedey gobolkaas oo xilal
ka hayey dalka ayaa lagu bilaabay dabagal kadib markii 1976 ku
dhowaaqidii xisbiga hantiwadaaga uu ku fashilmay labakacleyntii
loo qorsheeyey inuu dib u soo celiyo tageerada dadweynaha ay u
hayeen kacaanka oo marayey heer aad u hooseyey. Eeda loo soo
jeediyey dadkaas aan waxba galabsan oo u badnaa arday iyo
shaqaale ka tirsan bulshada rayidkaa, ayuu doorbiday
kelitaliyihii dalka xukumayey inuu ka dhigto bartilmaameed si
carrada dadweynaha uu ugu jeediyo naceybka ay u qabaan qabiilka
dega gobolka Bari, taas oo dhalisay sannooyinkii ka dambeeyey
xasuuq iyo xaqiraad lagula kacay dadweynahaas Soomaaliyeed.
Hogaamiye kooxeedyadii Jabhadaha USC, SNM,
iyo SSDF ayaa halgankii ay kula jireen Siyad Barre waxey u
rogeen dhinaca dadweynaha ku hebta ah kelitaliyaahaas oo iyagu
ahaa rayid aan waxba galabsan. Dhibaatada lagu hayey dadka ka
soo jeedey gobolka Gedo waa ay socotey xataa kadib markii dalka
laga cirdeeyey kelitaliyihii Siyad Barre. Siyaasiyiinta ka soo
jeeda gobolada Bari ayaa u adeegsaday kooxaha ka jirey Xamar oo
ay ku daldalayeen hub si fekerkooda ku aadan la dagaalanka Siyad
Barre uu u meel maro iyagoo gacnahooda ka badbaadiyey iney
galaan dagaal dadkoodu ku hoobto.
Col. Cabdullahi ayaa hadda u muuqda mid
laga dhaadhacsiiyey in ay si adag uga soo horjeedaan beesha ku
heybta ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay
Carta, ayna ku yihiin halis siyaasadiisa uu ku damacsan yahay
inuu ku xukumo dalka Soomaaliya. Waxey Col. Cabdullahi hadda ka
hor isku dhaceen Col. Xassan Dahir Aweys oo ay ku dagaalameen
gobolka Bari oo Cabdullahi uu ka wadey xasuuq uu ku hayey
culimada islaamka ee u dhashay gobolkaas, waxaana labadaas
hogaamiye dhexmartay colaad dimeed iyo dagaalo afka ah oo ay
weli si joogtaa isugu hayaan isuguna gudbiyaan idaacadaha. Waxaa
sidoo kale marar badan ka soo yeertay garabka Jowhar in
siyaasyiinta ku heybta ah Dr. Qaasim ay wadaan majaxaabinta lagu
hayo maamulka Cabdullahi Yusuf oo ku go’doomay degmada Jowhar.
Haddii laga hadlayo wadaadada ama hogaamiye kooxeedyada
kelitaliska ah ee ka jira gobolada dalka, ama saraakiisha sare
ee XDS, waxey had iyo jeer bartilmaameed ka dhigtaan kooxda
Jowhar shaqsiyaad ka soo jeeda beeshaas.
Cabdirisaaq Juriile ayaa colaad xoogan u
hayey Dr. Qaasim xiligii ay labadooduba ku kala tartamayeen,
xusul duubna ugu jireen u adeegida Siyad Barre. Juriile ayaa
waxaa xilkii uu ka hayey jaamicadda ka xayuubiyey Dr. qaasim
markii la xaqiijiyey qiil tilmaamaya inuusan kala imaan wadanka
Hungry oo uu ugu maqnaa waxbarasho wax cadeynaya shahaado
cilmiga uu sheeganayo loogu aqoonsaday iyo isagoo markaas loo
arkayey kansar qabiilka ku fidinaya Jaamacada gudaheeda.
Nin ay isku heyb yihiin Dr. Culusow oo ku
nool dalka Mareykanka oo magaciisa lagu sheegay Dr. Saciid Ciise
Maxamud ayeysan u muuqan mira dhalka siyaasada garabka Jowhar,
isaga oo aad uga soo horjeeda in taageero laga raadiyo Itoobiya
oo Soomaalida ay ku hayaan indho shaki badan iyo Col. Cabdullahi
Yusuf oo uu u arko in siyaasadiisa soo jirtey ay marqaati ka
tahay dumin, dagaal, iyo diidmo badan. Inkastoo Dr. saciid uusan
ahayn nin wadaada ama uusan raacansaneyn xukuumad diineed,
haddana maamulka Cabdullahi Yusuf wuxuu u arkaa mid aan
dowladnimo iyo dimoqaraadiyad midna aan ka hirgelin karin dalka
Soomaaliya. Shaqsiyaad badan oo colaad qabiil qaba ayey
suurtogal u noqon kartaa oo keliya in dhaqanka Col. Cabdullahi
iyo maamulkiisu ay u suurto geliso xukun ku dhisan kala aarsi.
Dr. Culusow ayaa lagu tijaabiyey naceybkii
soo jiitamayey ee loo hayey heybtiisa, isagoo markii loo
magacaabayey jagadaas ku diidey fekerka ay u soo jeedisey
beeshiisu oo ahaa inuusan qaadan xilkaas. Dr. Culusow oo u
muuqday inuu dhexdhexaad ka ahaa awood isku qabsiga ka dhexeeyey
kooxaha Muqdisho iyo Jowhar ayey heybtiisu u keentay in xilka
laga qaado isaga oo ku howlan waajibka ka saran gudashada xilka
uu u hayo dadwynaha Soomaaliyeed. Dabagalka sinji raaca ah ee
lagula kacayo madaxda aan xataa ku fekerka ahayn siyaasiyiinta
kale ee beeshooda ayaa u muuqda inuu noqonayo hab Col.
Cabdullahi uu u isticmaali doono inuu waxqabad la’aanta
maamulkiisa uu eed uga dhigo raga ka soo jeeda beelaha aan
raacsaneyn taladiisa.
