Jeneraal Galaal ayaa ku eedeeyey dawladaha Yaman iyo
Ethiopia iney dalka Soomaaliya ay si xad dhaafka u soo geliyaan
Hub iyo saanad
buluugleey
10/09/2005
Janaraal Maxamed Nuur galaal oo ka mid ah saraakiisha Xoogga
Dalka Soomaaliya kuwa ugu caansan ayaa war saxaafadeed uu siiyey
saxaafada Muqdisho ku sheegay in aan cidna waxba looga qaadi
karin dagaal iyo Hub la soo galiyo gudaha dalka Soomaaliya.
Jeneraal Galaal oo hadalkiissa ku aadanaa edeeyn uu u jeediyey
dawladaha Yaman iyo Ethiopia oo uu yiri, waa labada dal ee sida
xad dhaafka ah dalka Soomaaliya u soo geliya Hub iyo saanad
milatari oo ay ku taageerayaan garab ka mid ah dawlada FKMG oo
maleehsiyo gaar ah ku tababaraneysa xeryo ku yaala Goboladda
dalka, wuxuuna Jananku tusaale u soo qaatay gobolada bakool,
shabeelaha dhexe iyo gobolka Bari oo lagu tababarayo
malleeshiyooyin qabiil.
Wuxuu kaloo Janaraal Maxamed Nuur Galaal uu sheegay in ujeedada
gaarka ah ee ka danbeysa hawlhaasi hub uruursiga ah ay tahay mid
looga danleeyahay in lagaga Aargoosto Qabiilooyin Soomaaliyeed.
Waxaana nasiib daro ah buu yiri jananku “in 15 sano ka dib in
shacabka Soomaaliyeed loo horseedo colaad sokeeye oo aan cidna
waxba looga qaadi Karin”.
Warsaxaafadeedka janaraalka ayaa waxay ku soo abaarantay ka
dib, warbixin ay soo saareen Gudi madax banaan oo Qaramada
Midoobay ay u xilsaartay in ay la socodaan xayiraada Hubka ee
wili saran dalka Soomaaliya in aanan lagu xadgudbin.
Warbixintaas ay Qaramada Midoobey soo gudbisay ayaa xusay in ay
jiraan dowlado si bareer ah u jabinayaan xayiraada hubka
saran dalka Soomaaliya, waxaana warbixinta ku xusan dalalka kala
ah Ethiopia,Yaman iyo Ertaria oo iyana lagu tuhunsan yahay.
Waxay arrintani soo shaacbaxday kadib markii ku xadgudubka
cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya uu ku lug yeeshay Col.
Cabdullahi Yuusuf iyo weliba 10 ka mida wasiiradiisa oo lagu soo
cadeyey hub ay soo degsadeen iyo qandraasyo hub oo ay soo galeen.
Ma ahan waqtigan hadda la joogo in Soomaaliya ay mar kale ku
hoobato dagaal sokeeye oo ku saleysan fikrad qabiil, waxaana
haboonaan lahayd in colaad ogahu uu dib u milicsado cawaaqib
xumada uu dagaal sokeeye bidey umada Soomaaliyeed.
