ICG
oo aga digtay dowladaha IGAD in aynan dalka
Soomaaliya u horseedin ammaan darro iyo colaado hor leh
Buluugleey
December 14, 2005
Hay'adda
khilaafaadka Caalamiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo
yaqaan ICG ayaa hadal qoraal ah ku sheegtay in dadaalada urur
goboleedka IGAD ee lagu doonayo in xayiraada hubka lagaga qaado
Soomaaliya si ay isku hubeyso dowladda Dowlada KMG ay yihiin wax
sii kordhinaya xasilooni darida ka jirta wadanka Soomaliya
abuurayana colaado hor leh ee mar kale ka qarxa dalk a
Soomaaliya.
Warqad
uu soo direy madaxa xalinta khilaafaadka caalamiga Mr.Great
Ivans oo si toos ah ugu socotey madaxda urur goboleedka Geeska
Afrika ee IGAD ayaa waxa uu kaga hadlay war murtiyeedkii ay soo
saareen golaha wasiirada IGAD November 29 kii ee sanadkaan
kulankii ay ku yeesheen magaalada Jowhar isagoo ugu baaqay
hogaamiyeyaasha gobolka IGAD in ay dib u eegaan dadaaladooda ay
ku doonayaan in xayiraadda dhinaca hubka laga qaado Soomaliya.
Waxaa
horey Gudiga la socodka Xayiraada Hubka Soomaaliya ee Qaramada
Midoobay ay horey uga digtey dawlada Yaman in ay ixtiraanto
Go'aanka golaha Amaanka ee xayiraada hubka ee lagu soo rogay
dalka Soomaaliya, taas oo ka danbeysay kadib markii dowlada KMG
eegarabka Jowhar oo uu hogaamiyo Col. Cabdullaahi Yusuf kala
yimid shixnado hub ah wadanka Yaman, taasina waxay jebisay
go’aankii 7334 ee qaramada midoobay ee xayiraada hubka.
Waxaa kale oo go’aankaan Hay'adda
khilaafaadka Caalamiga taabanyaa dowlada Itoobiya oo marar badan
ku xadgudubtey go’aanka xayiraada hubka ee qaramada midoobey ee
ku soo rogtay dalka Soomaaliya in aanan wax hub ah dalka la soo
gelinin. Itoobiya ayaa ayaa ah waddan deris la ah Soomaaliya
isla markaana ah wadanka sida tooska u farageliya umuuraha dalka
Soomaaliya iyada oo xukuumada Itoobiya ayan marnaba dhowrin cunaqabateynta
hubka ee ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya sanadkii
1992-kii ilaa hadana waxaa jirta in hubka la geeyo Soomaaliya,
lagana ganacsado.taas waxay u muuqataa in Itoobiya aynan marnaba
rebin Soomaaliya ka dhalato dowlad xooggan ee xasilisa
amaankeeda.
