ICG oo taageertay qorshaha
nabadda ee Muqdisho
Buluugleey
May 22, 2005.
Hey’adda ka hortagga
Xasaradaha Caalamka (International Crisis Group) ayaa taageertay
qorshaha maleeshiyooyinka looga saaray caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho. He'yadda ayaa sheegtay in malleeshiyadii laga saaray
caasimadda Muqdisho ay tahay tallaabo muhiim ah ee aasaas u ah
ammaanka dalka Soomaaliya. Hey’adda ayaa ku timaantay
qorshaha lagu nabadeynayo caasimada Muqdisho arrin loo baahan
yahay in loo fidiyo dhaqaale iyo taageero caalami ah.
Mick Perdan oo ah khabiir ka
tirsan Hey’adda ka hortagga
Xasaradaha Caalamka ICG
oo u warramayey Idaacadda Mareykanka (VOA) ayaa sheegay in aad
loogu baahan yahay in qorshaha nabadda
ka socta magaala madaxda
Soomaaliya, Muqdisho
horey loo sii wado, waxaana loo baahan yahay in lagu fidiyo
dhaqaale ballaaran oo ay qorshahaasi ku hirgelikaro.
Hay’adda ka hortagga Xasaradaha Caalamka (ICG) ayaa horey uga
digtay in ciidamo ka socda wadamada deriska la ah Soomaaliya la
geeyo, iyadoo hay’addaasi sheegtay in haddii ciidamadaas
Soomaaliya yimaadaan keeni karaan dagaal faraha lagu
baaba’o ee sababa dhimsho aan qiyaas lahayn.
