Prof. Saalim
Caliyow oo Jowhar u yimid inuu ka furo Bangiga Dhexe
Buluugleey,
Saturday, October 29, 2005
Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa soo gaarey
magaalada Jowhar, isaga oo safarkiisa ay ku wehliyeen Prof.
Cabdullahi Sheekh Ismaciil. Safarkan oo ah kii ugu horeeyey oo
ay labadaas masuul ku yimaadan degmada Jowhar oo xaruun u ah
garabkooda siyaasadeed.
Mar uu la hadlayey siyaasiyiinta garabka
Jowhar ku sugan ayaa wuxuu sheegay in xiriiro maaliyadeed uu ka
helay wadamo badan iyo hay'ado sida Bangiga Islaamka, Bangiga
Aduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.
Prof. Saalim Caliyow Ibrow wuxuu kaloo
sheegay in Bangiga Dhexe ee Somaliya xaruuntiisa laga furi doono
magaalada Jowhar, isagoo tilmaamay in Garabkooda Jowhar ay
heleen sooryo badan, waxa uuna sheegay in mushaaraaka la siin
doono dhamaan xubnahooda jooga Jowhar.
Ilo ku dhow xogta Prof. Saalim ayaa waxey
xaqiijinayaan in uu magaalada Jowhar keenay lacag yar oo ay ugu
deeqday dowlada Sacuudiga oo ah Fidro iyo sadaqo loogu tala
galay masaakiinta Soomaaliyeed.
Jowhar ayaa hadda waxaa ku dhan garabka
Cabdullahi Yusuf waxaana wadatashi aan kala joogsi lahayn loogu
jiraa sidii loo qeybsan lahaa lacgataas oo ah midi ugu horeysey
ee soo gaartey garabka Jowhar. Waxey doodi ka taagan tahay in
lacgtaas yartaa ay qeybsadaan madaxda waaweyn ee garabkaas
kuwaas oo qarashyo badan ka isticmaalay jeebkooda iyo in wax
xoogaaya laga siiyo qeyb ka mid ah lacagtaas xildhibaanada soo
raacay garabkaas, kuwaas oo ku silicsan Jowhar dhaqaale la’aan
awgeed.
Waxaa sidoo kale la soo hadal qaaday in
xaruunta Jowhar laga furo Bangiga Dhexe, laguna aamino qasnada
iyo keydka bangigaas nin ka soo jeeda Bari oo lagu magacaabay
Bashiir Ciise, kaas oo horay u ahaan jirey madaxa Bangigii
Keydka iyo Ganacsiga ee xaruuntiisu ahayd Muqdisho.
