Garabka
Jowhar Oo Wadamada Igad Iyo Adduunka Intiisa Kale Ay Ku Diidey
Dowladnimada Ay Is Moodeen
Buluugleey,
November 11, 2005
Taageerayaasha iyo siyaasiyiinta joogta Jowhar ee xaruunta u ah
garabka Jowhar ayaa aad uga xumaadey burburkii ku yimid ka
baaqsigii wasiirada IGAD kulan la sheegay iney ku qabsan
lahayeen Magaalada Jowhar. Afhayeen u hadlay wasaarada Uganda oo
mataleysa shirgudoonka IGAD ayaa ka jawaabtey martiqaad ka soo
yeerey Jowhar, kuna tilmaantay in la marin habaabiyey kooxdaas
aysana jirin shir lagu qabanayo Jowhar. Afhayeenkaas ayaa ka
muujiyey murugo qasaarada qaban qaabadaas lagu diyaariyey, isaga
oo u soo jeediyey iney joojiyaan qaban qaabadaas aan la ogeyn
ayna baarayaan sida uu ismaandhaafka qaladkaas uu ku dhacay iyo
cidda loo tiranayo oo loo maleynayo Itoobiya waxa ay ugala
jeedey ku hadlida magaca shir gudoonka IGAD.
Wadamada Igad
ayaan sinaba aysan suurtogal uga ahyn iney naftooda ku soo
biimeeyaan degmada Jowhar oo ah magaalo aan lahayn wax horumar
magaaleeda sida gaadiid, Dhismayaal caalamiya, Isbitaalo, iyo
garoono la isku aamini karo.
Marka laga
reebo dowlada Itoobiya, inta kale wadamada IGAD kooxda Jowhar
uma arkaan dowlad, mana aaminsana iney dhaqaale ahaan ka bixi
karto shir ay martigeliyaan oo dhexdhexaad noqon kara. Waxeyna
qabaan kooxda Jowhar inta aysan shir goboleed ku hamin iney
marka hore nabad la galaan kooxaha hubeysan oo ay isaga soo
horjeedaan duleedka Jowhar iyo xuduuda Balcad.
Qasaaraha soo
gaarey kooxda Jowhar oo ay ku bixiyeen qabanqaabada shir
beenaadkaas ayaan weli la soo gudbin, waxaana ilo lagu kal
soonaan karo ay sheegayaan qasaarahaas iney bixiyaan in lagu soo
qaaday codsi lacageed laga dalbaday wadamada Carabta. Garabka
Jowhar ayaa dhowaan wafdi ka yimid Jaamacada Carabta waxey ka
codsadeen saddex waxyaabood oo kala ahaa: kaalmo lacageed, hub
iyo iney gacan ka geysato qaadida xayiraada hubka oo qaramada
midoobey ay ku heyso Soomaaliya. Sidoo kale waxey ka codsadeen
iney Jowhar ka furtaan xaafiis. Wararka ka imaanay Qaahira ayaa
waxey sheegayaan ineysan hadda waxba ka qaban karin codsiyada
garabka Jowhar inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo ku
shaqeysa Muqdisho oo aan lahayn garabyo iska soo horjeeda.
Maxamed Dheere ayaa si gaara wuxuu uga codsaday in laga kireeyo
guri dhisan, waxaana loo sheegay hogaamiye kooxeedkaas inuu
furaha u sii hayo inta ay diyaar ka soo noqonayaan. Wafdiga
jaamacada Carabta ayaa la filayaa iney Nairobi ka soo aadaan
magaalada Muqdisho kadib markii ay kooxda Jowhar diidey iney
gacan ka geysanayaan nabadgelyada safarkooda. Warar xaqiiqa ayaa
sheegaya in Caamir Muusa oo ah xoghayaha guud ee Jaamacadda
Carabta in uusan raali ka ahayn sida gaarkaa oo ay gooni ahaan
wax ugu rabaan garabka Jowhar, isaga oo laga soo xigtey inuu
imaanayo Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.
Sidoo kale
ayaa waxaa Midowga Yurub uu soo gaarsiiyey garabka Jowhar xilli
Prof. Geedi uu isku diyaarinayo boqasho uu ku tago xaruunta
ururka oo ku taala
magaalada Brussels ee dalka Belgiumka
iney dhamaatay wakhtigii loo qabtay xalinta khilafaadka aysana
diyaar u ahayn deeq maaliyadeed oo ay ku bixiyaan mashruucyada
ay sheegtay dowladu iney ka hirgelineyso Jowhar. Wafdi uu
horkacayo danjiraha Midowga Yurub u jooga magaalada Nairobi oo u
qaabilsan arimaha Somaliya Mr. Richard Hands ayaa fariintaas
soo gaarsiiyey Col. C/llahi Yusuf. Kullan dhexmaray wafdigaas
iyo Col. C/llahi ayuu korneylku ku dooday inuusan jirin khilaaf
macno weyn leh oo hadda jira ama ay tahay in la dhameeyo.
Wadamada Yurub ayaan diyaar u ahayn in loo arko kuwo macno darro
lacag ugu shubaya koox ka mida hogaamiye kooxeedyada kala degen
Jowhar iyo Muqdisho. Arrintaasna waxey xanuun weyn ku haysa
madaxda Jowhar oo taagerayaashooda iyo maleeshiyooyinkooda ku
madadaalinaya lacago fara badan oo Carabta, QM, iyo Yurub
dhowaan uga kala imaaneysa.
Fashilka
garabka jowhar ayaa ah midaan dheereyn inta ay ku jiraan gooni
wax u raadsasho, iyagoo iska indhatiraya in albaabada deeqda ay
xiran yihiin inta ay jiraan khilaafka xoogan ee ka dhex jira
garabyada xukuumada lagu soo dhisay Kenya. Waxaa cad garabka
Jowhar inuu sannadka cusub ku waaberisan doono burbur aan laga
leexan Karin haddii la waayo lacagaha lagu galay balanqaadyadii
ku dhisnaa beenta.
