Maxamed
Dheere iyo Indhacade oo heshiis kama dambeysa Nairobi ku gaaraya
Buluugleey,
December 27, 2005
Waxaa la
filayaa dhowaan in Maxamed Dheere uu u kicitimo Nairobi si uu u
soo dhameeyo heshiis buuxa oo uu la gaaro Indhacade. Magaalada
Nairobi waxaa horay u jooga Indhacade oo halkaas ku sugaya
Maxamed dheere.
Maxamed
Dheere ayaa naf iyo hantiba u huray garabka uu hogaamiyo Col. C/llahi
Yusuf oo xaruun ka dhigtay Jowhar, waxaana isi soo tarayey
bilihii dambe abaaldhac weyn oo loo hayey Maxamed Dheere.
Gudoomiyaha gobolka Sh/ Dhexe ayaa u soo dulqaatay isku day
badan oo lagu damacsanaa in lagu yareeyo awoodiisa. Warar aan la
hubin ayaa sheegay in Maxamed Dheere uu ka badbaaday shirqool ay
Jurille iyo C/llahi Shiikh Ismaciil ay ku doonayeen in Adisabab
ay ku xiraan dhowaan markii ay dowladda Itoobiya ay u soo dirtay
casumaad.
Maxamed
dheere oo Col. C/llahi uga soo go’ay kooxda ay isku heybta
yihiin ee awooda ku leh magaalada Muqdisho ayaa dareemay wejiga
runta ah ee C/llahi Yusuf. Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka
Bari ayaa qorshahoodu ahaa in Maxamed Dheere dagaal looga
horgeeyo walaalihiisa Muqdisho.
Maxamed
Dheere ayaa la soo baxay siyaasad culus kadib markii uu ka soo
laabatay Itoobiya, wuxuuna xooga saaray nidaamka dib u
heshiisiinta iyo nabadgelyada dadka ay heybwadaagta yihiin.
Arrintaas ayaa waxey ka careysiisay kooxda C/llahi Yuusuf u
qorsheeya dabinada, kuna tilmaamay Maxamed Dheere howsha uu wado
mid aan loo dirsan.
Heshiiska uu
doonayo Maxamed Dheere inuu la galo Indhacade ayaa ka durugsan
inta la maleynayo. Maxamed Dheere aya waxaa u muuqatay sida C/llahi
Yusuf uu u damacsan yahay in gobolada koofureed, gaar ahaan
degaanka webiga Jubba iney noqoto meel ay wadaagaan dadka ay
isku heybta guud yihiin, lagana soo saaro dadka kale , gaar
ahaan kuwa ka soo jeeda degaanka Muqdisho.
Heshiiska
Maxamed Dheere iyo Indhacade ayaa salka ku haya isbaheysi cusub
oo ku dhisan cudud, kaas oo ay labada dhinac iska kaashanayaan
iney xagga difaaca iska kaashadaan haddii mid ka mida dagaal
lagu soo qaado. Ujeedaduna waa in la iska caabiyo haddii
ciidanka Barre Hiiraale ama ciidanka C/llahi ee jooga Jowhar ay
soo weeraraan xaruunta maamulada goboladaas.
Barre
Hiiraale ayaa wuxuu ku qancinayaa C/llahi Yusuf inuu isaga soo
tago Jowhar, xaruuna ka dhigto Kismaayo, Sidoo kale ayuu C/llahi
ugu qancinayaa Barre Hiiraale inuu ka baxo isbaheysiga uu la
leeyahay qoloyinka ka soo jeeda Muqdisho.
Heshiiska
Maxamed Dheere iyo Indhacade ayaa la saadaalinaya inuu dhabarjab
ku yahay masiibadii uu C/llahi damacsanaa inuu ka huriyo
degaanka Xamar. Sidoo kale isbaheysiga ciidan oo ka dhasha
heshiiskooda ayaa ah cudud xoogan oo miisaan culus wadata.
