Isbaarooyinka oo laga qaaday waddada u
dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye.
Buluugleey.com April 3, 2005.
Isbaarooyin dhib ku hayay gaadiidka ka shaqeeya waddada u
dhaxeeyso Muqdisho iyo magaalada Afgooyea ayaa laga qaaday
maanta. Yonis Maxamed Cali (Shiiqaal) ayaa warbahinta Muqdisho u
warramayay ayaa caddeyay in ay ka eryeen malleeshiyo aan la
aqoon cidda ay ka amar qaataan. Maleeshiyadaas isbaarada
ddhigatay ayaa in muddaba dhib joogta ah ku hayay wadayaasha
gaadiidka waxayna si joogta ah uga qaadan jireen lacag aan
sharci ahayn. Yonis Maxamed wuxu hadalkiisa ku daray waxay
sugeen ammaanka waddas. Waxaa falkaan ku farxay dhamaan
dadweynaha Soomaaliyeed ee ku safra waddadaas iyo
milkiilayaasha gaadiidka ee ka hawlgala waddada u dhaxeyso
Muqdisho iyo Afgooye.
Amina nuur
Muqdisho
