Ismaandhaafka Shariifka iyo Col. Abdullahi
Buluugleey Jun 27,2005
Shariif Xasan oo ah nin wadaad ah, xirfada
noloshiisana ku soo saaratay ganacsi ayaa loo doortay inuu noqdo
guddomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay IGAD u
soo xushay. Shariifku ma laha tayo iyo aqoon siyaasadeed ee uu
ku mudan karo xil weyn oo uu afhayeen ugu noqon karo gole ka
turjumaya inuu wakiil ka yahay ummadda Soomaaliyeed.
Magacaabistiisana waxaa ka dambeeyey ku talagal jagadaas loogu
hibeeyey hab ku dhisan wax ku qeybsiga qabiil. Jagooyinka dowlada
ee loogu talagalay in lagu qeybsado hab qabiil waa waxa dalka
Soomaalida u keenay cadaalad xumada burburisay qaranimada Soomaaliya.
Shariif Xasan wuxuu aaminay in uu gaashaan ka dhigto dagaaloogayaashii dadkooda ku gumaaday
magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ujeedadoodu tahay sidii ay
hanti uga heli lahayeen maamulkaan lagu soo guntey dalka Kenya.
Heshiiska lagu soo uruuriyey dagaaloogayaasha ee loogu abuuray
maamul dib u heshiisiineed ayaa ahaa mid ummadda Soomaalida lagu
qiyaamayey looguna daneynayey iney xoolo ku helaan
dagaalogayaasha iyo kuwa ka turjumaya danaha shisheeye.
Dhanka kale, Col. Cabdulaahi Yusuf oo ah
nin mabda’iisu yahay qabiil, ayaa noloshiisa inta badan ku soo
qaatay jabhadnimo uu ku guuldareystay. Welina taariikhda kuma
soo aroorin mar qura oo uu ka arimiyay danta guud ee Shacabka
Soomaaliyeed. Col. Cabdulaahi wuxuu horjooge u noqday maamulka
IGAD soo dhoob-dhoobtay ee lagu soo unkay dalka Kenya.
Magacaabista madaxweyne inuu ka noqdo dowlada KMG waxaa u
magacawday dowlada Xabashida oo ku bixiysey lacag iyo dadaal
diblomaasiyadeed intuba. Col. Cabdullahi waa nin aan khibrad
siyaasadeed u lahayn nidaamka dowlad dimoqaraadiyad lagu
hogaamin karo. Mana aha nin kaligiis go’aan ka gaari karo
arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya, waayo wuxuu ka amar
qaataa Itoobia oo ku amartay inuu adeegsado siyaasad ku dhisan
dirqis, ka dibna u noqoto marmarsiiyo si ay ugu soo duusho dalka.
Korneylku wuxuu adeegsadey dagaaloogayaal
kuwa ka mid ah si ay ugu noqdaan buundo uu uga gudbo dhibaatada
ka heysata Muqdisho, wuxuuna maamulkiisa uu ku saleeyey qaab ay
dagaalooogayaashaas u isticmaali karaan deeqda ay ka helaan
aduunka in ay u isticmaalaan qaab ururada
aan dowliga ahayn.
Khilaafka Shariifka iyo Korneylku wuxuu ku
saleysan yahay sidii ay si siman ugu kala qeybsan lahaayeen deeqda dalka soo
gasha oo labaduba ay wakiil ka kala yihiin kooxo iyo dalal
shisheeye oo hantidaas doonaya dalaalnimadooda iney qeybtooda ka
soo gaarto.
Dadaalkii la isugu keenay Shariifka iyo
korneylka wuxuu ku dhamaaday kadib markii korneylku uu u
hanjabey Shariifka kuna yiri adigu waxba ma tihid ee markii aan
maquuniyo kuwa adiga kaa dambeeya ayaad arkeysaa waxaad tahay.
Shariifka ayaa u muuqday ineysan caga jugleyntaas aysan qabow
iyo kuleeyl midna ku hayn, wuxuuna go’aansaday inuu isaga baxo
shirka. Kadib, markii ay dowlada Yemen oo taageereysa fikrada
korneylka ay ku cadaadisey Shariifka inuu korneylka u tanaasulo oo
fikradiisa ku raaco. Yemen oo marar badan hubeysay ciidamo
beeleed ka soo jeeda gobolka Bari oo sida la ogyahay hub iyo
saanadba si joogtaa u soo gaarsiiso ayaanan heshiisiinta
labadaas nin ka noqon karin dhex-dhexaad. Burburka heshiiskaas
waxey banaanka u soo saartay qorshaha korneylka uu ku doonayo
inuu ciidamo uga uruursado degaanada uu ka soo jeedo iyo inuu ku
soo duulo Muqdisho. Waxa ay hadda cid waliba sugeysaa inta ay
gaarsiisan atahay abaabulka uu korneylku ku diyaarsanayo
ciidanka ku soo duulaya Muqdisho iyo inta ay cudud ahaan kaga
hortegi kartaan beelaha ciidamadooda ku kulmiyey Muqdisho. Taa
waxaa daba socota dagaaloogayaal u haliilaya in ay Muqdisho ku
soo celiyaan dagaal qabiil oo ay la galaan korneylka oo dhul fog
ka soo duulaya.
Sida la ogsoon yahay ayeysan aheyn ciidamada
uu korneylka ku dhaaranayo kuwo tababar ciidan leh, mana
aha kuwo tayo leh, ama jirkoodu u adkeysan karo dagaal mudo dheer
socon
kara.
Ilaa hadda, dowlada Mareykanka ayaa ka soo
horjeeda qorshaha dowlada Itoobiya ay ku taageereyso in uu korneylka
xoog wax ku maamulo. Waxuuna Mareykanku soo dhoweyay dadaalka
ururada bulshada iyo madax dhaqamedyada reer Muqdisho ay ugu
jiraan nabadeynta magaalada Xamar. Waxeyna korneylka u soo
jeediyeen inuu shacabka Soomaalida ka raadsado ogolaasho iyo
kalsooni. Sidoo kale, dowlada Masar iyo Jabuuti ayaa iyaguna uu
sheegay dowlada Yemen ineysan burburin dib u heshiisiinta ay
dadweynaha Soomaaliyeed ay ka wadaan Muqdisho. Waxeyna u
cadeeyeen in waqtigan la joogo aysan suurto gal ahayn in cudud
militeri loo adeegsado Muqdisho.
