Dabaaldegga Istunka degmada Afgooye ee si nabad ah ku dhamaaday
Buluugleey
July 21, 2005
Waxaa si
nabad ah ku soo gabagaboobay cayaaro dhaqameedyadii lagu xusayey
sanadka cusub ee Soomaalidu u taqaan dabshidka ama Istunka.
Dadweynaha ku dhaqan Muqdisho iyo agagaarkiisa ayaa u soo
daawasha tagay iyagoo si aad ah u xiiseeynayey ciyaar
dhaqameedyadaas ee lagu sagootinayey sandkii hore, looguna
dabaaldagayey sanadka cusb.
Dadka deggan
degmada Afgooye iyo tuulooyinka ku teedsan ayaa
caado
dhaqameed ab soo jireen ah oo ay dad badani
aaminsanyihiin ayaa si weyn loo qadariyey.
Waxaa halkaas lagu soo bandhigey
ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee kala du-duwan.
Dadweynaha u
soo dawasha tegay ayaa jecleestay ciyaarta istunka loo yaqaan oo
taariikh ahaan ka soo jeeda sida wararka inagu soo gaarayaan
sheegayo ciyaarta lagu ciyaari jiray webiga dhexdiisa, waxaana
lagu ciyaari jiray geed la yiraahdo Qoonlo. Geedkaasi ayaa
laysku tuur-tuuri jiray kadibna ciyaartaas ayaa isku bedeshay in
dadka ka qeybqaadanaya isku qaraacaan sirbi ama ul. Is uleynta
waxaa wehliyay ciyaarta la yiraahdo Aw daangoole, shirta aay
Garooray, shirta Biyo-galka waxaana lagu soo gabagabeeyay dab-shidka
oo dadka soo daawasha tegay xitaa badankooda ka qeybqaateen.
Dadweynihii ka soo qeyb galay ayaa kuwada maqsuuday habsamida ay
shirta Istunka oo si nabagelyada ah ku dhaamaty.
