Jamalweyn
oo Lagu xardhay Lafo Hawiye
Buluugleey, Tuesday, September 06, 2005
Nin ka soo jeedda goboladda isku
magacaabay Puntland ee Soomaalidu u taqaano gobolka Bari oo uu
dhawaan dharbaaxay Maxamed Dheere ahaana xoghaynta Cabdilahi
Yusuf ayaa lagu tuhun sanyahay inuu ka dambeeyay xasuuqii loo
geeystay 216 qof oo ka baxay Magaalooyinka Muqdisho, Sh/Dhexe,
Sh/Hoose iyo Hiiraan kuwaas oo doonayay inay u tahriibaan
dhinaca dalka Yemen si ay kaga sii gudbaan boqortooyadda
Sacuudi Carabiya. Dadkaan oo la baaray liiska magacyadooda ayaa
waxay dhamaan ka soo wada jeedaan beelaha Hawiye.
Dadka ku sugan Muqdisho ayaa tilaabadaas ku tilmaamay mid
argagixiso qabiil
ah waxayna xaqiijiyeen in falkaas uu ahaa mid ay wax ka ogaayeen
madaxda sare ee
beesha degta gobolka Bari. Guddi gaara oo baaritaan iyo tirakoob
ku sameeynayay dadkii lagu laayay badda ayaa waxay soo
bandhigeen dhawaan diiwaan cadeynaya in seddexdii sano ee la soo
dhaafay badda boosaaso lagu daadiyay 2247 qof oo u dhashay
beelaha Hawiye kuwaas oo dhamaantood ku nafwaayay xeebaha Bari.
Doomaha Bari ka baxa ee tahriibayaasha ayaa had iyo jeer sameeya
xasuuqa dhalinyaradda tahriibayaasha ee ka yimaada dhinaca
koofurta. Jamalweyn oo ku yaal bartamaha badda Cas ayaa lagu
dhejiyay boor lagu qoray LAFA HAWIYE taas oo loola jeedo inay
tahay halka ay ku dhinteen tiradda ugu badan ee dhalinyarada ka
soo jeeda beelaha hawiyaha.
Enj. Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa tilaabadaas ku tilmaamay mid
abuuri karta colaad sokeeye maadama dadka lagu laayay badda
boosaaso ay yahiin kuwa ka soo jeedda goboladda koofurta
Somaliya, wuxuuna ugu baaqay beesha degta gobolkaas oo uu
maamulkeeda hogaaminayo Cadde inay maxkamad soo taagaan kooxdii
falkaas geeysatay iyo milkileyaasha doonleyda oo leh dhaqanka
maafiyada.
Salaad Cali Jeelle oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayna isku
fikrad dhow yihiin Col. Cabdilahi Yusuf ayaa isaguna ku
dhawaaqay in gudi gaara loo diri doono gobolka Bari si
ay u soo baaraan qaabka uu u dhacay falkaas. Waxeysa cid walba
ogtahay in xaalkaas uu yahay mid dadka la maqashiinayo dhawaaq
aan waxba laga qabaneyn.
Maafiyadda ka ugaarta gobolka Bari ayaa waxey caan ku tahay inay
lacagaha ka dhacaan dhalinyaradda koofurta kadibna ku ridaan
badda. Waxaa la tuhunsan yahay in Cabdirisaaq Xasan Cusmaan oo
loo yaqaan Juriile uu ka mid yahay dadka doonyaha milkileyaasha
ka ah.
Axmed Musse
Boosaaso Somaliya.
_________________________________________________________________

|
|