Jen. Galaal oo markii ugu hooreysay ka hadlay dhaqdhaqaaqa militeri ee Korneel Cabdullahi Yusuf uu ka wado qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya

Buluugleey August 21, 2005

Jenaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah jananada ugu caansanaa ciidmaddii qaranka Soomaaliyeed ayaa markiisii ugu horreysay ka hadlay fekerkiisa ku aadan howlaha ciidamo uruurinta ee uu wado madaxweynaha DFKMG Koneel Cabdullahi Yuusuf.

Jen. Galaal ayaa sheegay in uu ku khilaafsanyahay Korneel Cabdullahi Yuusuf fekerka ah in maleeshiyooyin beelo ah ay ku xareysan yihiin xeryaha daafaha kaga yaala magaaladda Muqdiahu halka kuwa lagu uruurinayo feer feer iyo mustaxiil ee laga keenay Gobolada Puntland uu korneel Cabdullahi Yuusuf ku tilmaamay ciidamo Qaran.

Waxuu jananka uu sheegay in maleeshiyadda feer feer uu isugu keenay Korneel Cabdullahi Yusuf ay yihiin maleeshiyo beel ee aysan waxba ka duwaneen kuwa ku jira xeryaha Laanta buur iyo Hiilweyne.

Mar Galaal uu ka hadlyay nabadgelyadda la sheego in ay ka jirto magaalooyinka Soomaaliya sida Jowhar iyo Garoowe, ayaa waxa uu sheegay in xasiloonida magaalooyinkaasi  ka jirta ay tahay mid ku timid ka dib markii cadaadis la dul dhigay dadka ku nool magaalooyinkaasi balse mar la arki doono xasillonidaasi oo qaraxda waayo buu yiri, waxa walba oo la cadaadiyo waa ay qarxaaan.

Jen, Maxamed Nuur galaal waxa uu sheegay in uu aad ugu xun yahay in maleeshiyooyinka jooga Xamar la yiraahdo waa kuwo qabiil halka ciidamo Qarana loogu yeerayo kuwa Puntland ee jooga Feer-Feer,

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, ayaa imminka ka mid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladda Muqdishu kana mid ah dadka si weyn u daneenaya in magaaladda Muqdishu nabad lagu soo celiyo, waa sida ka muuqata hadaladda uu Janaral Galaal uu jeediyo mar walba.

Wareysiga Jeneral Galaal ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli ay Soomaalidu meel ay joogtaba u dhegataageyso nabadeynta caasimada Muqdisho taasina waxay qeyb ka tahay sidii xal waaro loogu heli lahaa khilaafaadka u dhaxeeya madax sare ee dowlada KMG.

 Maxamed Amin

Mogadishu, Soomaaliya
  

 HOME